SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ducadii Nabi Muxamed CSW ee Salaada Istikhaarada.

Salada Istikhaaradu waa salaad qofku uu Ilahay ku baryaayo in uu u kala saafi yeelo amuuro iyo muuraado uu kala saari kariwayay,kala doorashadooduna ay kugu adkaatay,waana salaad Nabigu CSW marka ay arimahan oo kale ay qabsadaan uu tukan jiray ,isaga oo ku ducaysan jiray ducadan.


 
اللهم إني أستخيرك بعلمك ، وأستقدرك بقدرتك ، وأسألك من فضلك العظيم فإنك تقدِرُ ولا أقدِرُ ، وتعلم ولا أعلم ، وأنت علام الغيوب ، اللهم إن كنت تعلم أن هذا الأمر -يسمي حاجته – خير لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري – أو قال : عاجلة وآجله – فاقدره لي ويسره لي ، ثم بارك لي فيه ، وإن كنت تعلم أن هذا الأمر شر لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري – أو قال : عاجله وآجله – فاصرفه عني واصرفني عنه ، واقدر لي الخير حيث كان ، ثم ارضني به
Allahumma inni astakhiiruka bi cilmika, wa astaqdirua bi qudratik, wa as’aluka min fadlika al-cadiim fa innaka taqdiru walaa aqdiru, wa taclamu walaa aclamu, wa anta callamulquyuub, allhumma in kunta taclamu anna hadal-amra -yusamii xaajatahu- khayrun lii fii diinii wa macaashii wa caaqibata amrii- aw qaala: caajilhii wa aajilhii- faqdirhu lii wa yasirhu lii thumma baariklii fiihi, wa inkunta taclamu anna hada al-amra sharrun lii fiii diinii wa macaashii wa caaqibata amriii-aw qaala caajilihii wa aajilah- fasrifhu cannii wasrifnii canhu, wa aqdir liya alkahayra xaythu kaana, thumma ardinii bihii.

(1) Ilaahayoow khayr Ayaan ku waydiistay maadama aad cilmi leedahay, awoodna isiiso maadaama aad awood leedahay, waxan kale oo ku waydiisanayaa fadligaaga wayn, adigu waxwalba waad awoodaa waxkastan waad ogtahay. Ilaahayow hadaad garanayso in arinkaas – waxa uu magacaabayaa xaajadiisa- wanaag uleeyahay diintayda, noloshayda iyo cidhib danbeedkayga (Aduun iyo aakhiro) ii qorshee, iina fududee, kadibna ii barakee, balse hadaad garanayso in arinkaasi shar u yahay diintayda, noloshayda iyo cidhib danbeedkayga (Aduun iyo aakhiraba) iga leexi, animga i leexi iina qorshee meesha khayr leh, kadibna igu qanci.

No comments:

Post a Comment