SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madaxa xuquuqul insaanka QM oo Itoobiya booqanaya

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa todobaadkan booqan doona Itoobiya, ka dib markii ay xukuumaddu casuntay. Sidaa waxaa lagu sheegay qoraal xafiiskiisa ka soo baxay.

Socdaalka Zeid Racad Al Xuseyn ayaa imaanaya todobaad ka dib markii Ra'iisul wasaare Hailemariam Desalegn uu ku gacan sayray baaqyo sheegayey in baareyaal madax banaan loo ogolaado inay eegaan jawaabtii ay ciidanka amnigu ka bixiyeen mudaaharaadyadii xukuumadda looga soo hor jeeday ee boqolaalka qof ay ku dhinteen.

Mr Al Xuseyn ayaa isaga qudhiisa ku baaqay baaritaan madax banaan, laakinse weli ma cadda in safarkiisa uu dhabbaha u xaari doono in baareyaal Qaramada Midoobay ka socda loo ogolaado inay halkaa tagaan.

Hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in 'uu la kulmi doono ra'iisul wasaaraha, oo uu kala hadli doono xaaladda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya'.

Todobaadyo ka hor ayaa guddiga xuquuqda aadanaha ee u janjeera dhanka xukuumadda Itoobiya wuxuu soo saaray warbixin sheegaysa in 669 qof oo 63 ka mid ah ay boolis ahaayeen ay ku dhinteen mudaaharaadyadii billowday November 2015.

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in tiradu ay intaas aad uga badan tahay.

Xigasho.BBCSomali.

No comments:

Post a Comment