SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso run ah: Baarlamaankii Ashahaadada diiday.

Iftiinkacusub.com: Goormaa kuugu danbaysay maqalkii iyo hadal hayntii kalmaddii la odhan jiray "Ashahaado la dirir" waxaa suuragal ahayd in xiliyada qaar aadan aqbali karayn in ay jiraan dad Muslim ah hadana la diriraaya ama diidaaya Ashahadada .Hadii ay wakhtigaasi sheeko iyo kutidhi ku teen kugu ahayd hadda ayay dharaarta ka cadahay.

Waxbadan ayaynu iswaydiinay ama dhagaheenu ay maqleen, muushin iyo go'aan Baarlamaan soo saaray oo uu kaga hadlaayo arin uu diidan yahay iyo mid uu ogol yahay. Wali miyaad maqasheer Baarlamaan dadkiisii u diiday in ay Muslimaan,mooshin iyo go'aanna kasoo saaray in dadka aan laga aqbalin in ay Ashahaataan iyo in ay Muslimaantoona.

Maahmaah Somaliyeed ayaa waxa ay tidhaahdaa"cimrigaaga oo dheeraadaa Geel dhalayna waa uu ku tusaa" waa maahmaah iyo halku dhig sax ah,taasi oo kuu tilmaamaysa in haddii cimrigaaga Ilahay dheereeyo aad Dunida guudkeeda ku arki karto waxkasta oo ku fajac galiya. .

Wadanka Baakistaan waa dal Muslim ah,waan dal lagu tilmaamo in uu yahay dalalka Muslinimadoodu ay quwadda leedahay dhinaca Milatariga ,inkastoo dadka aqoonta u lihi ay yidhaahdaan waxaa ku badan khuraafaadka iyo firqooyinka aadka uga fog sunaha saxxa ah.

Bakistaan maadamaa ay yahay dal aad u wayn,waxa sharci ahaan u degsan in dalka lagu maamulo nidaamka maamul-goboleedyada,taasi oo maamul goboleedkasta u ogolaanaysa in uu awood buuxda oo Baarlamaani ah u yeesho qaabka iyo hanaanka uu isku maamulaayo,dawlada dhexena aanay kusoo faragalin.

Hadaba gobolka SINDI oo ka mida gobolada dalka mid ka mida, kuna badan yihiina dadka Masiixiyiinta ah ,ayaa Baarlamaankiisu waxa uu soosaaray go'aan xakamaynaaya in dadka Masiixiyiinta ah ee gobolka ku dhaqani ay Muslimaan Diinta Islaamkana ay qaataan.

Arintaasi waxa ay timi kadib markii ay dacwado isdaba joog ah ka gudbiyeen baadariyaasha gobolkaasi ,kuwaasi oo ku doodaaya in dadkoodii masiixiyiinta ahaa ay ka baxayaan Diintii Masiixiga iyaga oo si xawli ah ama isdaba joog ah u galaya Diinta Islaamka.

Badariyaasha gobolkaasi ayaa waxa ay warqad qoraal ah u gudbiyeen Baarlamaanka Gobolkooda,taasi oo ay kaga codsanayaan in Baarlamaanku uu soo saaro go'aan odhanaaya in aan dadkooda Muslima aan Islanimada laga aqbalin; sababta oo ah ayay yidhaahdeen, waxaa hoos u dhacwayni ku yimi tiradii dadka Masiixiyiinta.

Waxyabaha kale ee ay Baadariyaashasi ku doodayaan waxa ka mid ah,hadiiba ay dadkoodu qataan Diinta Islaamka waxaa dhici karta ayay leeyhiin in Baarlamaanka gobolka lagaga ba'to,taasina oo ay sheegeen in ay dhaxal-siin doonto in gobolkaba ay ka dirdirmaan.

Waxyabaha aadka u layaabka badan ayaa waxa ka mida,in Baarlamaankii gobolkaasi oo Muslimiin u badani ay filiyaan qateenna go'aankaasi Galnimada ah,kadib markii ay dhaqan galiyeen kuna raceen dadkii mooshinkaasi soo gudbiyay.

Miyaanay wax aad loola yaabo ahayn in dad Muslimay oo shahadada iyo Islanimadana loogu qabtay Masajiida gudahooda , in la yidhaa islanimadaada in la aqbalaa waxa ay ku xidgan tahay in Baarlamaanku kusoo aqbalo.

Waxaa go'aamadii Baarlamaanka kasoo baxay iyana ka mid aha,in aan la ogolaan doonin dadka Diintooda badala,gaar ahaan ayay yidhaahdeen Muslimiinta.Waxa kaloo iyana go'aamada la isla qaatay ka mid ahaa, in aan la ogolaan Gabdhaha yaryar ee Diinta Islaamka soo gala.

Arimahan oo dhan ayaa Baarlamaanku waxa uu ku tilmaamay kuwo uu ku ilaalinaaya dadka laga tirada badan yahay ee Masixiyiinta ah,markii la arkay in dadkodii ay si xawli ah islaamka u qaadanayaan.

Waxa kaloo iyana arimahan sii raaca, in Baarlamaanku qodobada uu ansaxiyay ay ka mid yihiin,in aanu qofku diidi karin go'aankan,iyaga oo ku doodaaya in qofkasta oo Muslima in laga aqbalo Islanimada iyo in laga diido, waxa uu sugayaa muddo sadax todobaad ,haddii ay soo baxdo in laga diido Islanimadii balse aad ku adkaysto in ad Muslim yahay , waxa dhici karta in xeer iyo qodob lagula tiigsado ama aad danbiile noqoto.

Waxyabaha kale ee Baarlamaankani uu soo saaray waxaa ka mid ah,hadiiba adiga oo gobolkan jooga aad Muslimto balse da'daada iyo cimrigaagu uu yahay 18 iyo wixii ka yar,xaq uma lihid in aad Muslim noqoto ,haddii aanad ogolaanshaha Diin-badalka aanad qoyskaaga ka helin ama aanay kuu ogolaan.

Waa arin layaableh,oo lagu horjoogsanaaya Islanimadii,taasi oo la doonaayo in Ilahay Nuurkiisa lagu bakhtiiyo Gacmaha ,Nuurkaasi oo ah Sida Cadceeda ,wax bakhtiin kara iyo dawlad horjoogsan kartaana aanay jirin.

Waa arin ugub ah oo inagu cusub ,in la yidhaa qof raba in uu Ashahaato Baarlamaanka ayaa ansixinaaya Ashaha'dadaada waxana loo qaadayaa cod aqlabiyad ah ,haddii lagu soo ogoladana waad Muslimaysaa haddi lagu soo diidana Gaal nimadaada ayaad haysanaysaa.

Arintani sida ii muuqata ma ahaanayso mid ku eekaata oo kaliya Gobolkaasi iyo nawaxigiisa,waxa la arki doona in ay usoo gudubto dalal kale oo Muislimiin ah,waana arimaha iminka la doonaayo in xoog iyo sharciyo dheeraada loogu sameeyo Baarlamanada Muslimiinta.

Iftiinkacusub.com

W/Q: KHadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment