SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: Lugey lugta daa ,Lugey Lugta daa !

Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa,waa Maahmaah Somaliyeed,waxanay ku timi dirirta iyo dagaalka joogtada ah ee dadkii Somalida ee wakhtigaasi,inkastoo malaha xiligan aynu joogno laftiisi aanu waxba ka sokaynin ,ay dhici kartana in uu iminka siiba xun yahay,kadib markii uu isu badalay dagaalo siyasadeed.

Qissadan Lugey Lugta daa,waxa ay ku timi .Nin Somaliyeed uu ku dhaqan sida aan sheekada ku helay Deegaanka Ismaamulka Somalida ee Itobiya,kaasi oo la sheegay in uu ahaa nin dagaal iyo colaad badan.

Ninkasi dagaal badni iyo cadaalad darro heerka uu ka gaadhay ,waxa uu u kala hiiliyay labadiisii lugood ee Ilahay u abuuray.Waxaa dhacday in inta badan marka uu socda ama uu talaabsanaayo waxa uu isku dhufan jiray *Boqnaha(kuraankurta lugahiisa )

Maaha arintani mid inta badan isaga uun u gaar ah,markasta waa ay dhacdaa in aad labadaada lugood ama labadaada Boqnood aad isku dhufato ama aad is-jalaafayso.Hadaba ninkani isaga oo safar ku jira ayaa waxa uu isaga taagwaayay in lugahiisa mid kamidii ay tan kale dhaawac iyo dhibaato u gaysato,nabaro iyo boogana ay u yeesho.

Bal Ilahay amarkii lugtan midig ayuunba marka uu socda waxa ay ku dhacaysaa tan bidix.Ninkii isaga oo safarkii iyo socdaalkii ku jira ayuu u maaro waayay in uu lugtan lugta kale ka celeyo halkeedana ay ku eekaato.

Markii ay ku adkaatay ninkii isaga ahaa in oo socodba *holan/dhaqaaqi waayo,jalaafadi iyo isdabrayntii labada lugoodna ay ku badatay, ayaa waxa uu go'aan saday in uu lugtan lugta kale looga taagla yahay ee markasta jalafaynaysa in uu edbiyo, si ay uga dayso qonofka iyo jugta ay la dhacayso.

Ninkani intan oo safarka ku jira, labadiisan lugoodna waa kuwo isku dhacaaya ,arintaasi waxa u ay keentay ciil iyo cadho wayn;markasta oo ay labadiisa lugood isku dhacaanba waxa uu leeyahay hadalka ah"lugey lugta daa" Lugey lugta daa"isaga oo aad moodo in uu la hadlaayo cid aan isaga ahayn.

Hadaba markii ay cadhadii ka badatay ,lugahiina isdayn wayeen,lugtii midigna sida uu isagu u arko ay gardaradii ka dayn wayday tii Bidix ,waxa uu soo qaatay Bud aad u wayn, kuyee "imisaan kulahaa lugey lugta daaaaaaaa" kadibna inta oo laba gacmoodiyay ayuu labada matanood ee lugta Midigba iska jabiyay,aakhirkiina halkii ayuu jiifsaday isaga oo dhiigu ka da'aayo.

Taah iyo cataw,oohin iyo tolayeeeey ayuu ka bixiwayay.Meeshan uu jifaa ee uu dhaawaca isugu gaystay waa gagi cidlo ah,waana xilli orooryo ,ma jirto cid maraysaa ama cid caawimo iyo kaalmo u gaysanaysaa.

Maalintii galinkeedii danbe, ayaa waxaa goobtii soo maray dad safaro u socda,waxa ay kusoo baxeen ninki jidka yaala,waxa kaloo ay arkeen in labadiisa Boqnood mid ka midii ay Jaban tahay, dhawac aad u wayna uu qabo.

Inta ay soo kor fadhiisteen ayaa waxa ay ku yidheehdeen"waar maxaa kugu dhacay ma bahal ayaa ku cunay" waxa uu ugu jawaabay? " maya" waxa ay ku celiyeen hadalkale oo odhanaaya" haddaa maxaa meesha ku jiifiyay? yaase sidan kuu dhawacay ma col ayaad isdisheen?

Ninkii waxa uu u sheegay in aanay jirin cid ay isdileen,balse labadiisa lugood uu u kala taag wayay,waxa kaloo uu sheekada ugu daray ,in lugtan midig uu uga taag waayay tan bidix, kadibna uu edbin iyo garaac u gaystay,aakhirkiina uu isagii u jiifsaday.

Nimankii waa ay yabeen,waxaa ka dhaadhici wayday, ninkan leh aniga ayaa isdilay, iyada oo uu ku andacoonaayo in uu u kala taag waayay labadiisa lugood,kadibna tii gardarayd uu nabaro u gaystay aakhirkiina uu dhawacii iyo jabniinkii u fadhiistay.

Iftiinkacusub.com


W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment