SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah:Hubsiimo halbaa la siistaa!

Waxaa jiray Nin Xaabada qoryaha guran jiray, oo lahaa ilmo yar iyo Ey .. Ninkii xaaboolaha ahi, waxuu deganaa guri yar oo ka sameysan Buul oo ku yaal meel keyn ah, isla markaa subax walba markay cadceedu soo baxdo ayuu guriga ka bixi jiray si uu u soo gurto xaabo .. ilmaha yar wuxuu kaga tagi jiray Eygiisa
u ku kalsonaa, wuxuuna guriga ku soo noqon jiray markay cadceedu si dhaceyso.

Hadaba maalin maalmaha ka mida soo noqoshadiisi ayuu waxuu meel dheer ka maqlay Eyga wah-wahdiisa oo aanu horay uga baran .. dabadeed horay ayuu u soo cararay, hadaba markii u guriga u soo dhawaaday ayuu waxuu indhaha ku dhuftay Eygi oo buulka hortaagan Afa iyo Wajiga dhiig ka baxayo.

Hadaba Maxaa Dhacay?

Ninkii Xaaboolaha ahaa isagoo hubsan wuxuu is yiri. Eygu wuu ku khiyaameeyey oo intaad maqneyd ayuu ilmahaagi yaraa cunay .. kadib Faas uu xaga-danbe ku sitay ayuu la soo baxay oo madaxa ku kala jeexay Eygii.

Ninkii markii uu Eygi dilay ayuu buulkii yaraa horay u soo gaay, isla markaa wuxuu indhaha ku dhuftay ilmihi yaraa oo furashka dushiisa ku ciyaaraya iyo abeeso Mayda oo furaashka ag taal.

Hubsimo halbaa la siistaa .. Eygu wuxuu ilmihiisa ka badbaadiyey Abeeso cuni lahayd, waxaanu la ciyaayey farxad uu is lahaa ha ku mahad naqo ninka xaabolaha ahi, laakiinse hubsimo la'aan awgeed isagii ayey galaafatay inu naftiisa ku waayo. miskiin

Hadaba qisadaan, waxaa lagaga cibro qaadankara inaad ku deg-degin markay wax kugu dhacaan ama aad la kulanto oo aad hubsato, waxaa kalo oo lagaga cibro qaadan-kara inaadan ku deg degin dad la saaxiibka, oo aadan eegin qawlkiisa iyo oraahdiisa kaliya ee aad eegto ficilkiisa iyo daacadnimidiisa.

Waxaa kalo oo iyana tusaalle ahaan lagaga qaadan-karo caruurtaada ama ilmahaaga yar oo ooyaya .. haddi u ku soo galo isagoo ooyaya, ama guriga hortiisa kula kulanto isagoo ooyaya inaad ku deg degin ficil aad sameyso ee aad hubsato waxa keenay oohinta ilmahaaga yar.

No comments:

Post a Comment