SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso aad iiga yabisay: DHagoole Naagta ii Maxlal ayaan ku idhee ma jeclow ayaan ku idhi !?

Iftiinkacusub.com: Maxlal waa kalmad Carabi ah,inta badana waxa aynu maqalna marka gabadh iyo nin isqabaa ay sadaxda Dalqadood is-furaan.Maxlal waa shay xaaraan ku ah Diinta Islaamku ay diiday , waana mid aan banaanayn.Nabiguna CSW waxa uu nacdalay cidda wax maxlal-sha iyo kuwa loo maxlalo.

Xaaji maal iyo dhaqale uu Ilahy siiyay ,ayaa waxa uu guursaday gabadh uu in badan ku taamaayay in uu guursado.Xaajigu da'ahaan ma yara,gabadhana waxa uu ka wayn yahay wax badan,haddii aan qiyaaso tiraba sadax ama afar goor ayuu kusoo laban-laabmayaa, iyadu se wali waa dhalinyaro cimrigeedu yahay 25 jir.

Nin faash sitaa Xaabo ma waayo .Xaajigii maalqabeenka ahaa waxa uu nasiib wanaag uu guursaday gabadhii uu inta badan uu ku taamaayay in uu mar'uun guursado.Waxa uu gabadhii waydiistay reerkoodii ,waa la siiyay ,waana loo dhisay.

Xaajigii waxa uu gabadhii u sameeyay nonol tii u fiicnayd,waxa kaloo uu arooskeedii ka dhigay wax aan laga sheekayn karayn "calashaan Cir iyo Dhulba waa uu ka qaaday".Waxa uu u dhisay guri iyo fiilo aanay waligeed ku hamoon hiyigeedana aan kusoo dhicin,waaxabay isu qaadatay in ay joogto Janadii Ilahay ee aakhro.

Xaajigii iyo gabadhii yarayd waxa ay isu yeeshiin Ilahay mahadii Wiilyar,iyada oo arintoodu ay marayso "idhacsii aan ku dhacsiiyee"calashaan farxad iyo rayn-rayn,ayaa xajigii shaki iyo waswaas ku abuurmay,"halkan yaa fadhiyay"maanta yaa kuu yimi"talofoonka yaad kula hadlaysay "maanta halkeed ku raagtay " ayuu ka dhamaan waayay.Markasta oo uu dibada u baxo waxaa maskaxdiisa kusoo dhacaaya armaa gabadhii laguu waydaartaa.

Gabadh caqli badan ayay ahayde, waxa ay ku tidhi ,Xaaji shaydaanka iska naar,shakiga iyo waswaaskana iska yaree, waxa uu markasta ugu jawaaba"shaydaan adiga kaa wayni maba jiro".

Fudaydka guri iyo reer lagu dumiyaa ,waa mid laga qoomameeyo ,waana mid-subxanalah .Cadho iyo ciil wax ku dhacayba waxa uu Xaajigii qaatay amaradii shaydaanka,waxa uu sadax goor oo kala fog midba hal dalqada uu furay gabadhii yarayd ee uu ku tacab iyo taagba beelay.

Naag la furay fadhi uma yaalo, ayay Somalidu ku mahmaahdaaye.Albaabka ayay beegsatay Inan(wiil) keedii yaraana xanjaarka(dhabarka) ayay u ridatay "iga tag balayaa oday guursatee ayay Xaajigii dhagta ugu riday "kadibna Jaanta ayay ka ilatay.Wax ka dheereeya xaladaasi dumarku marka ay ku jiraan,gurigii Abaheed iyo Hoyadeed ayuunbay aragtay iyada oo dhextaagan,bal Adba"miyay soo duushay.

Furriinka qaarkii waa xanuun iyo dhibaato,waxa uu keenaa hibasho iyo warwar aan waligaa kaa hadhin,hiirtaanyo iyo niyad jab ayuu kaaga tagaa .Xajigii kibirkii iyo islawaynidii uu xaaskiisa ku furay isla markaana aanu u meeldayin,hubsiina la'antii uu reerka ku burburiyay hadda ayuu dhitadeedii hayaa .

Xajigii markan arini waa ay ku cuslaatay,hurdo waa ay ka iman wayday,warwar iyo walaac ayaa albaabada kusoo furay,hamigii uu lahaa iyo wixii uu higsanayay oo waxa uu arkay dhabarka iyo adhaxda uu ka jabiyay.Cidkasta oo Xaajiga ay isyaqaanan garawsade in Xaajigii aanu baryahan sidisii ahayn laguna soo kordhay.

Gurigii fiilada ahaa ee quruxda badnaa ayaa kali iyo cidlo ku noqday,"Hadraawi Ilahay khayr ha siiyee waxaa laga hayaa "Guri waa Haween"Xajigii waxaa ku adkaatay in xataa uu shaqo tago,waxa uu qoomamaynayaa degdeggii ,waxa uu qanqaniinayaa dibnihii ku dhawaaqay furiinka xaaskiisa.

Waxa uu ka fikirayaa sidii uu gabadhii kusoo ceshan lahaa,Xaajigu Diinta Islaamka wax badan kama yaqaano,balse waa cilmi dhagood saamica ,sida ay dadkuba u badan yihiin,xaraanta iyo xalaashana waa uu kala yaqaana hadaanu u badheedhayn.

Xaajiga kama qarsoona in gabdhii uu sadaxda Dalqadood midba mar ku furay in aanay sharci ahaan usoo noqonayn ,iyada oo aanu ninkale si xoriyad ah aanu u guursan, kadibna aanu usoo furin iyada oo aanay cidina ku khasbin.

Hadana iyada oo sidaasi ah Xaajigii uma laba-lugoodina ,tiraba culimo badan oo uu ku ogaa Aduunyo jacayl iyo Kitaab gaabni ,ayaa waxa uu u bandhigay barnaamijkiisa "bal aw-hebeloow qiil ka raadi ayaa badtay" ,isaga oo sida runta iyo daacadu ay tahay ugu sheegaaya,taasi waxa ay keentay in uu Xaajigii soo waayo wax qiila iyo qaala layidhaa oo gabadhii uu kusoo ceshado.Sheekhkasta markii uu Kutuubtii baadhay Xajigii qiil waa uu uga waayay. Waxa la isla dhaafi waayay in aanay gabdhaasi kusoo noqon karin guriga Xaajiga ,ilaa ninkale uu soo guursado.

Xaajiga waa ay ku adag tahay in uu sugo inta xaaskiisa ninkale soo guursanaayo, hadana loo soo furaayo,waxa kaloo iyana qalbi jab ku ah xaaskaagu ninkale guriga haw joogto,waa arin iyana Xaajiga dhaxal wareejin kale ku ah.

Xaajigii waxa uu la tashaday Shaydaan,waxa uu kula taliyay taladii uu ku jabaayay If iyo Aakhiraba uu ku seegaayay.Waxa uu ku yidhi , "gabadha raadso nacas,doqon iyo habayac aad ku maxlalato,Lacag yarna aad siiso ,kadibna kusoo fura si dhibyarna aad u guursato mardanbana aadan iska furin.

Xaajigi waxa uu u tegay gabadhii ,waxa uu ka dhaadhciyay ,ilayn waa Candho-candho barataye,in uu doonaayo in ay isku soo noqdaan,waxa ay u sheegtay in ay diyaar u tahay hasayeesha waxa ay waydiisay, qaabka ay isugu soo noqonayaan,kadiban waxa uu u sharaxay khidada uu rabo in ay isugu xalaloobaan.

Waxa uu raadiyay cid u maxlalsha ,Xaajigu caqligiisa ayaa qabaaye ninkasta gabadha ku Maxlali maayo ,waxa uu isleeyahay armuu gabadha hadhaw kuu furiwaayaa,ama uu jeclaadaaba.Waxa niyadiisa ku jirta ninka aad Xaaskaaga ku maxlalaysaa ha noqdo ,Nacas,doqon,habayac,damiir-laawe aad shilimaad ku kaxaysato,danta aad leedahay oo qudhana kuu fuliya .

Socodkii iyo raadintii waxa uu soo helay, nin dhaqoole ah,aan wax uu maqlayaa aanu jirin, shanta farod ku hadla ,noloshu ku adag tahay,maalintii halmar wax cuna haddii uu helo,saaxibal masaajid ah, cimrigiisuna aanu gaadhin sodonka,ka dhashay qoys faqiirnimo ay dishootay,waana ninkii uu Xaajigu doonaayay.

Xaajigii waxa uu Dhagoolkii uga sheekeeyay waxa uu ka rabo.waxa uu u sheegay in Lacag iyo xoolo wixii uu u baahdo uu siin doono,shan faroodle isma afgaran waayaane Xajigii iyo dhagookii go'an cad ayay ku kala tageen;taahir yaa shamis.

Dhagoolkani waligii gabadh in uu guursado iska daaye ma salaamin,baabkaasi waa uu ka xidhan yahay,duruufta iyo dhagoolanimada ayaa u dan sheegtay,gabdhaha quruxda badan ee agagaarkiisa laafyoonaya isaga tirada uguma jiraan,hadduu jaleecana waxa uu ka baqanaya in ay cayaan""bal kan dhagoolka ah eega maxaad naga eegaysaa""waa hadalada in badan maskaxdiisa kusoo noqnoqda,gabdhahuna ay ku yidhaahdaan.

Maalin maalmaha ka mida ayaa Xaajigii waxa uu istusay dhagoolkii iyo gabadhii uu rabay in uu ku Maxlalo(guuriyo) ,gabadhii markii ay aragtay Dhagoolka loo gurinaayo(maxlalaayo)iyo qaabka uu u yaalo way ka yaq-yaq-sootay,""makanaan gogol la seexanaya subxanalaah"".

Dhagoolku dhankiisa markii uu indhaha ka qaatay ,waxa uu u maleeyay riyo iyo wax aan jiran,waxaabu is yidhi malaha waad hurudaa ,quruxda iyo haybada ka muuqata gabadha waxa ay Dhagoolkii ku keentay u qaadan waa ; waxa uu ku sigtay in uu *HADLO,""ba,ba,ba,baaaaaah"" ayaa kasoo yeedhay ,waa jabaqdii u horaysay ee abid lagu maqlo afkiisa intii uu noolaa , taasi oo ay sheegeen dadkii isaga yaqaanay .

Dhagoolkii gabadhii waa uu ka helay,ka mabsuuday,waxa ku dheeraatay inta loo meherinaayo,waxa uu u maleeyay in Xural-cayntii janada mid ka mida Ifka loogu keenay,waxa uu gacmaha marmariyay Indhahiisa si uu u hubiyo in ay arintani run tahay iyo inkale . Maaha in ay Hablaha kale ka qurux iyo qaayo badan tahay,balse waa isaga maskaxdiisa iyo hankiisu halkii uu joogay ayaa waxan oo isdhaafa samaynaya.

Dhagoolkii iyo gabadhii ayaa la isu guuriyay,dano ayaa la isku fushanayaye,gabadhii yeeshay ninkii ay liidaysay , dhagoolkina hadalkiisa daa ,farxada waad yaabtaa ,waxa u dhacay Aroos layaable oo uu dhagoolku codsaday shardina uu ka dhigay markii hore.

Gabadha dhagoolka loo guuriyay waa gabadh yar oo mar-curad ah,quruxdana intii Ilahay ugu deegay ku imaan qabta, balse deganaan iyo gaari nimo u dheertahay,waa gob uu haysan kari waayay Xaajigu.

Dhagoolkii waxa uu galay ayaamo farxad leh iyo Bishii Casalka ,qosol iyo dhoolacadayn aan lagu aqoon ayuuba dadkii ku qaabilayaa,waxaa kolba soo booqanaaya saxiibo uu lahaan jiray oo duruufta iyo darxumadu ka muuqata aad yaabto, qaarkood marka ay gurigii Dhagoolka soo galaan, waxaabay u qadanayaan hoygii Boqorka dalka haysta.

Dhagoolku qofkasta oo gurigiisa kusoo booqda waxa uu tusayaa , gabadha uu guursaday Sawirkeeda ,madamaa aanay iyadu guriga inta badan joogin,sababta oo ah ,waxa ku batay booqashada ka socota DHagoolka ,taasi oo iyada niyad jab ku abuurtay.

Gabadha iyada dhankeeda farxadi waa ay ka dheer tahay,waxa ay isu aragtaa in ay xero Jin soo gashay;waxa ay ku fikraysaa oo ay degdeg sanaysaa goorma ayuu ku furi doonaa ma caawa mase barri.

Waxyabaha layaabka leh waxaa ka mida, in Dhagoolkii uu galay xaalad nololeed oo cusub ,waxa isbadalay jawigii iyo maqaarkii jidhkiisa ,cuntada iyo cabitaankii caynba-caynka ahaa ee guriga loogu samaynaayay, waxa ay soo sareen quruxdii iyo qaayahii uu dhagoolku lahaa waxa soo ifbaxay dhalaalkii uu dahaadhay fakhrigu.

Barwaqadii iyo bash-bashkii uu Dhagoolku galay ,maaha kuwo isaga oo kaliya ku eeg.Waxa iyaguna ka faa'idaystay guurkii Maxlalka ,faamligii uu ka dhashay dhagooku,kuwaasi oo kasoo kabtay busaradii iyo Buulkii yaraa ee ay ku jireen

Markii dhagoolkii iyo gabadhii ay muddo isqabeen,ayaa Xaajigii waxa uu usoo tafa-xaytay sidii uu u kala furilahaa Dhagoolka iyo Xaskisii hore oo uu rabay in si xaraan ah loogu maxlalo.Waana heshiiskii iyo balantii isaga iyo Dhagoolku ay wada galeen.

Habeen habeenada ka mida ayaa Xaajigii waxa uu usoo kaba gashaday in uu Dhagoolkii la kulmo,kadibna waa ay wada fadhiisteen .Xaajigii Dhagoolkii waxa uu ku wargaliyay in uu wakhtigii guurkoodu dhamaaday isaga iyo gabadhii .Waxa kaloo oo uu u sheegay in loo baahan yahay in hadda(fadhigan) uu gabadhaii ku furo siiyana dalqadaheedii ,waana sidii heshiiska xaraanta ahi uu ahaa.

Dhagoolkii waxa uu hadalkii Xaajigu ku noqday mid aan caqligiisa galayn ,waxa kaloo hadalka Xaajigu uu ula eekaaday in uu leeyahay oo kale " JANNADA KA BAX OO CADAABTA GAL".

Dhagoolkii madaxa ayuu meer meeriyay,dhabanada ayuu gacanta saray,hanankii iyo habkii wada hadalka ee isaga iyo xaajigu isku fahmi jireen xataa waa uu ka lumay,waxa uu u fahmay hadalka Xaajiga mid isaga lagu liidaayo ""Xaaskaaga ii fur ,kadibna aniga ii guuuuuuri""Dhagoolkii cadhadii uu hadalkaasi ku dhaliyay waxa uu ku sigtay in uu Xaajiga u gacan qaado(dagaalamo)!

Dhagoolkii qorshe ayuu degay ;awalba hadalkiisu fara'taagtaag iyo dirqi ku faham ayuu ahaaye,waxa uu bilabay in uu dhaman joojiyo inshaarooyinkii ay dadka isku fahmi jireen oo dhan .Ilayn nacas mahee waxa uu ogaaday in nimcadii iyo barwaaqadii uu ku jiray laga soo afqabanaayo,si aanay hadaba hawshaasi u dhicin, waxa uu ku tashaday in aanu Xaajigaba la hadlin,far iyo suuldanbana aanu ku ishaarin (afdaboolan waa dahab ayuu kaga dhigay)

Xaajigii talo waa ku cuslaatay ,in badan ayaa waxa uu isku deyay in uu Dhagoolka wax fahamsiiyo,faraha iyo insharooyinka indhahaba Xaajigii waa uu adaagsaday,Buug iyo Qalin soo qaaday si uu dhagoolka ugu sharaxo in wakhtigii loogu talagalay in uu gabadha qabaa in ay dhamaatay.

Xaajigii xaataa u yeedhay niman af yaqaana dadka dhagoolayaasha ah oo macalimiin ah ,si ay isaga iyo dhagoolkan ugu kala turjumaan ,balse dhagoolkani isagu muu galin Iskuulka dhagoolayasha wax lagu baro,taas awadeed ayaa waxaa ku adkatay in ay isfahmaan macalimiintii,iyada oo ay u qarsoon tahay Dhagoolka qorshahisii ahaa Xaajiga iyo wixii ka socdaba kalmad haw dalacin.

Dhagookii iyo Xaajigii waaga ayaa isugu beryay isna fahmi waaye.Balse dhagoolku waa uu ugu talagalay khidadan.Xaajigii markii danbe waxa uu bilaabay in uu hadba Jeebada kasoo saaro kuus Lacag ah oo aad u farabadan ,isaga oo doonaya in uu Dhagoolka ku hunguri galiyo si uu gabadha ugu furo.

Xaasha Dhagoolka waxaasi kuma socdaan,waxa u muuqata Gabadh uu si fiican u fahmay iyo nolosha uu hadda ku jiro oo isleeyahay malaha sidan ayay kuugu badinaysaa.

Dhagoolka waxa kaloo sabab u ah in uu heshiiskii xaaraanta ahaa in uu ka baxo sadax arimood oo kala ah:-

1.In aanu helayn gabadh sidan u qurux iyo sharaf badan,horana uu u waayay,maantana haddii Ilahay gacanta kasoo galiyay in uu ku mintido ayay la noqotay ,isla markaana aanu ogolaan in shilomo iyo dhaqaale yar aan lagaga kaxaysan.

2.In aan xaq loogu lahayn in la yidhaa Xaaskaaga noo fur,taasina waxa uu u arkay in ay tahay Ihaano iyo quudhsi.

3.Gabadha oo uu jecayl dhab ah uu qaaday ,qalbigiisana gashay.

Xaajigii waxa uu ku tashaday in uu arintan la socod siiyo reerkii uu dhagoolku ka dhashay,oo iyaga laftoodu heshiiskii hore ee baadilka ahaa wax ka ogaa.Reer dhagoole laftoodu maaha kuwo wax badan dhaama dhinaca dhagala'anta Wiilkooda,iyaga iyo Xaajigii waxaa kala qabsaday is-afgaranwaa xoogle.

Faro taagtag iyo madax wareer ayay Xajigii kusoo kordhiyeen . waxa uu hadalkoodii noqday reer dhagoole ""maxad tidhi,yaaaaa,ma isagaaaaa,garanmaayoooo,muxuu yidhi ,nagtiiyaaaaaa,miyuuuuuu furay,madaa guursanaaya,waad qaldan tahay,maxaad uga furaysaa ,khaayin ayad tahay ,naga bax"iwm ayuu kala kulmay.

Reer Dhagoole nacasyo maaha ,iyaga laftooda kama madhna in ay la saftaan Dhagoolkooda ay u arkaanba in uu helay nin Doonniyi Badda uga soo caariday,mana jeclanayaan in Inankooda laga kaxaysto gabadha Ilahay usoo guri galiyay .

Yaaab iyo amakaag ayaa Xajigii soo foodsaaray,talo ku cuslaatay,hadda ayuu fahmay in khiddad iyo khiyaano ay u dageen reer dhagoole .Waxa uu garawsaday iminka in uu aflibaax galay,naf iyo maalbana laga qaaday.

Sheekadii waxa ay ku danbaysay in Dhagoolkii , Suuqa iyo Makhaayadaha lagaga sheekeeyo. Dhagoolkii miskiinka ahaa ee aanay cidina aqoonin ,waxa uu bulshadii ula muuqday sidii mid Filim ku jilaaya in uu yahay Aktar iyo Atoore aan laga lib helin ,aakhirkiina guulaysanaaya .

Xaajigii waxa u Bulshadii iyo dadkii u arkeen mid fadeexad iyo ceeb aad u badani ay soo wajahday,kuna danbeeyay sidii Filimkii Booskiisa la qabtay.

Gabadhiina waxaa ay diga rogatay in ay la safato dhagoolkeedii ay aragiisa karahsan jirtay,si dhab ahna ay Jacayl ula qaado.

Arintii markii ay qaabkaa isu badashay,wixii iminka ka danbeeyaana ay isu badalo karto gacan ka hadl ,ayaa waxa Dhagoolkii lagula taliyay in uu arintan Maxkamada la socod siiyo .

Dhagoolkii warqad uu ku farayaraystay ,dad sharciyada yaqaanaana ay ka caawiyeen ayuu Maxkamadi u gudbiyay,isaga oo ku halqabsanaaya,"waxa aan ka dacwoonaya mushkadina aan ka ahay ,nin xaaskayga ileh ee fur aan guursadee!! sidaa awgeed waxaan Maxkamada sharafta leh ka codsanaya in ninkaasi dariiq la iga mariyo".

Kiiskaasi markii uu maxkamada degmada uu galay,waxa uu noqday mid ka fajaciya garsoorayashii kiiska hayay,waxaa loo yeedhay Xaajigii,kadibna waxa uu yimi Maxkamada,waxaa wax laga waydiiyay arintan lagu soo dacweeyay .

Xaajigii waxa ku adkaatay in waxkastaaba sidii ay ahayeen in uu u sheego,waayo waxa uu og yahay in uu ceeb iyo fadeexad uu badhtanka ugu jiro,xadhig iyo danbina uu ku mudan karo,taas awadeed waxa uu ka gaabsaday in uu Maxkamada ka hadlo,kadibna waxa uu ooday (kana noqday kiiskii).

Arintaasi waxa ay saaciday xoojisayna dacwadii Dhagoolka,waxaana maxkamadii kasoo baxay Qaraar iyo go'aan odhanaaya,waa in faraha laga qaada Dhagoolka iyo Xaaskiisa,taasi waxa ay farax galisay dhagoolkii.

Markii go'aankaasi Maxkamada kasoo baxay,gabadha lafteedii waxa ay noqotay mid Ilahay ka cabsata,wacdi iyo waano badan oo ay siiyeen dad culimo ahina,waxa ay noqdeen kuwo qalbigeeda cabsi iyo imaan u siyaadiya.Akhirkiina waxa ay aqbashay in ay Nin iyo Xaaskii isu noqdaan iyada iyo Dhagoolku,halkaasi ayaana waxa ay noqdeen qoys baraykaysan oo isku waara.

Muddo yar ka bacdi Xaajigii si danbigii iyo dunuubtii uu Ilahay iyo Dhagoolkaba uu ka galay uu uga toobad keeno,isagana maydhi ceebta iyo fadeexada suuqyada u taala, waxa uu isugu yeedhay gabadhii uu jeclaa iyo ninkii dhagoolka ahaa ee uu u guuriyay,waxa uu ugu bushaareeyay in uu siiyay Mulkigoodana uu yahay Guri ka mida guryaha uu leeyahay iyo dhaqaale aad u fiican oo uu ugu talagalay in ay ku nooladaan.Wakhtiyar ka bacdina Xaajigi wadankiiba wa uu ka guuray.

Sharafta iyo wanaagu waxa uu ku jiraa racitaanka Diinta Ilahay,xaraan iyo Xalaalna waa laba kale duwan,Ilahay waxa aynu ka baryaynaa in uu markasta ina waafajiyo jidka wanaaga iyo khayrku ku jiro Amiin Amiin Amiin.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment