SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Labadii nin ee ka badbaaday dilkii Madaxwaynahu ku xukumay!

Iftiinkacusub.com: Nin madaxwayne ah ayaa ku xukumay dil laba nin oo dawladiisa ah . Waxaa loo qabtay in hal bil kadib la khaarajito lana daldalo, . Mid ka mida labadii nin ayaa waxaa ku yimi niyad jab aad u wayn,waana wax iska caadi ah marka arimaha noocaasi ahi dhacaan in uu Aadanahu warwaro.

Labada nin ninkii markiiba cabsida iyo warwarku ku beermay waxa uu noqday mid aan waxna cunun waxna cabin,murugo iyo walbahaarna uu soo foodsaaray.Ninkii labaad isagu waxa uu mashquul ku noqday sidii dilkan iyo daldalaadan ay uga badbaadi lahayeen isaga iyo saxiibkii.

Hadaba ninkan isagu madaxwaynaha ah ee labadan nin dilka ku xukumay ,waxa uu lahaa oo uu suuqyada magalada ku marijiray Fardaha gaar ahaan hal Faras oo uu aad u jeclaa,kaasi oo uu markasta ka fikiri jieay in uu helo cid u siisa tababar iyo farsamooyin dheeraad ah.

Labadan nin ee dilka lagu xukumay waxa ay xaq u leeyhiin inta aan dilka lagu fulin in ay marka ay doonaan madaxwaynaha codsi u gudbisan karaan, aan ahayn mid ay ku codsanayaan in dilka laga baajiyo.

Ninkii isagu dhiiranaa ee ka fikiraayay sidii uu xabsiga uga bixilahaayeen ,ayaa waxa uu subax hore u gacan haadiyay askartii ku ilalinaysay xabsiga,waxaanu ka codsaday in madaxwaynaha fariin loogu geeyo taasi oo uu warqad ku qoray,kadibna waa laga aqbalay waana loogu geeyay.

Ayaamo ka bacdi ayaa madaxwaynahii waxa uu ka codsaday labadii nin in Xabsiga laga soo saaro oo loogu yeedho.Markii ay u yimadeen ayaa waxa uu waydiiyay sababta ay warqada ugu soo qoreen, iyo waxa ay damac san yihiin in ay kala hadlaan.

Labadii nin kii cabsida iyo warwarku hayay ayaa waxa uu yidhi inta uu hadalkii boobay, Madaxwayne anigu kuma jiro cidda wax kaa codsanaysa,waxaanu ka baqday in degdegba loogu fuliyo dilkii inta uu madaxwaynuhu cadhoodo.

Ninkan labaad ee aadka u dhiirani waxa uu og yahay in ninkan madaxwaynaha ahi uu leeyahay hal faras oo uu aad u jecel yahay,waxa kaloo uu sir ahaan ku hayaa in faraskaasi uu jeclaan lahaa in uu helo cid tababar iyo xirfad dheeraada u siisa.

Ninkii isagu dhiiranaa ee mufakirka ahaa ayaa waxa uu madaxwaynaha kala hadlay, sababta ay codsiga ugusoo qorteen ,waxaanu ku yidhi"Madaxwayne waxa aan aqoon iyo waaya'aragnimo u leenahay barbaarinta iyo tababarada Fardaha.Hadaba iyada oo aad Dil nagu xukuntay hadana waxa aan jeclaaday in aanaan aniga iyo saxiibkay aadan na dilin ilaa aanu kuu taba-barno Faraskaaga qaaliga ah,iyada oo aanu siinayno Faraskaaga dababar ah in uu Duulo".

Madaxwaynahii waxa uu sheekada u fahmay in ninkani ka fikiraayo aayaha iyo jiritaanka Madaxnimadiisa,waxaanu ka ogolaaday in faraskiisa uu ugu jecel yahay loo tababaro,balse waxa uu waydiiyay maxbuustii tababaraha ahaa, wakhti intee leeg ayaad faraska ku tababaraysaa?waxa uu ku jawaabay halsano gudahood waxa aan ka dhigayaa mid Hawada kula heehaaba.

Inkastoo dilkoodiiba uu ayaamo koobani ka hadhay ,haddana Madaxwaynahii waxa uu hunguri ka galay Faraskiisaa la tababarayaa in uu qayb ka qaadan doono,waaritaanka iyo jiritaanka madaxnimadiisa,kadibna waxa uu ka ogolaaday in halsano oo danbe dib loo dhigo dilkii nimankan.

Ninkii maxbuuska ahaa ee isagu warwarka iyo baqdintu lasoo daristay,ayaa waxa uu ka yaabay beentan cad ee uu saxiibkii madaxwaynaha ugu sheekeeyay ee odhanaysa,Faraskaaga ayaan kuu barayaa in uu hawada kula heehaabo,waxanu saxiibkii ku yidhi"saxiib ma waxa aad doonaysaa in dilkii hore ee laynoo haysta mid labaad la inoogu daro,maxay ayaad madaxwaynaha beenta ugu sheegtay ma adiga ayaa Faras ka dhigi kara mid hawada heehaaba?

Waxa uu ugu jawaabay saxiibkii ninkii caqliga iyo garaadka badnaa"saxiib waan ogahay in aanan awood u lahayn in aan Faras iwm tabab-bar aan siiyo uu hawada ku heehaabo,balse arintan waxa aan uga jeeday in ay noqoto dariiqii aynu dilka kaga badbaadi lahayn.

Ninkii kale ee isagu cabsidu ay qalbigiisa gashay ayaa su'aal labaad waydiiyay saxiibkii waxaanu ki tyidhi"saxiib sidee ayaynu uga badbaadi karnaa dilkan?mida labaad hadii halsano aynu xabsiga kusii jirno balse faraskii aynu siin kariwayno dulimaadkii aad balan qaaday sawtaasi kordhin mayso cadhadii Madaxwaynaha.

Ninkii garashada u saxiibka ahaa ayaa waxa uu yidhi, in aan sidan sameeyo waxaa igu kalifay afartan arimood oo kala ah:-

1.Waxaa saxiib dhici karta in sanadka aynu tababarka Faraska wadno in madaxwaynahuba uu dhinto.

2.In inaga lafteenuba uu xaqqi inagu soo dago oo aynu dhimano iyada oo aanay cidina ina dilin.

3.In madaxwaynaha xukunkaba laga qaado,oo dalka cidkale qabsato inana aynu dilka ka badbaadno.

4.In faraska laftiisuba uu dhinta inta aynaan barin duulimaadka.

Ilahay Bani'aadmiga garashada iyo caqliga waa uu u kala badiyay waana mida lagu kala aragtida duwan yahay.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment