SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Halyaygii Buuhoodle Cabdiraxiim Rabiish yaa Mindida afkawayn ku dilay?

Geeridu waa xaq,waana mid qofkasta oo inaga mid ahi uu ku xukuman yahay.Xiliga ay ajashaadu dhamato saacadna cidkaa dib dhigi kartaa ma jirto ,mar hadii aad Malakul-mawt aad isqabishaan ,cid awood u leh oo kaala hadli karta ama kaa maslaxi kartaa ma jirto.

Runtii waa wax laga naxo ,Geeridaa Mawtul qaflaha ah,ee foosha xun,argagaxa iyo bahalnimada ah ee loo gaystay Halyaygii reer Buuhoodle, waa wax laga xumaado,waana wax laga murugoodo,waana dhib iyo lama filaan taabanaysa qofkasta oo yaqaanay Cabdiraxiim Rabiish.

Cabdiraxiim Rabiish waxa uu ahaa nin dhalin yaro ah isla markaana aan isleeyahay waxa uu ahaa dhalinta iyo aqoonyahanka ay ku dhaadan jireen ,deegamadaasi uu kasoo jeedo, gaar ahaan Degmada Buuhoodle.

Cabdiraxiim Rabiish aniga waxa aanu isku baranay baraha bulshadu ay ku wada xidhiidho, gaar ahaan Facebook, tariikhdu markii ay ahayd 2012 aniga oo markaasi jooga dalka Muusambig.Waxa uu ahaa nin aanu in badan wada sheekaysanay,aadna aan uga helay aqoon iyo garashada faraha badan ee uu Ilahay siiyay.

Cabdiraxiim Rabiish runtii waxa uu ahaa ,nin ku hal adag ,una guntaday, sidii uu hore mar iyo hiigsi fiican u gaadhsiin lahaa deegaanka uu ku dhaadan jiray ee Buuhoodle,waxa uu ahaa nin u gargaara dadka tabalaysan,waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah ,isla markaana wakhtigiisa ugu badan galiya taakulaynta iyo gacansiinta dadka tabalaysan.

Cabdiraxiim waxa kaloo uu caan ku ahaa wacyigalinta dhinaca nadaafada iyo horumarka degmada Buuhoodle,waxaanu inta badan horkaci jiray dhalinyaro iyo aqoonyahan ku hawlan sidii ay uga qayb qaadan lahyeen bilicda degmada Buuhoodle.

Cabdiraxiim Rabiish ma garan karno ilaa hadda sababtii iyo ujeedadii loo dilay,balse waxa aanu maqalnay sida ay wararku nagu soo gadhayaan in Marxuumka la dilay, loona adeegsaday dilkiisa TOORAY(minti afwayn) Cabdiraxiim gacan ku dhiiglahii dilay waa in sharciga la horkeenaa.

Arintant dilku maaha mid ku kooban oo kaliya Marxuum Cabdiraxiim Allah ha u naxariistee ,balse waa arin inta badan saamaysay dhalintii oo dhan ,waana dhibaato iyo caqabad wayn oo ay adag tahay sida looga gudbaa,iska dilka iyo khaarajinta aqoonyahanka soo koraaya oo baryahan danbe noqday wax lagu dhugtamo ama dhayal loodilo.

Ilahay ha u naxariisto Marxuum Cabdiraxiim Rabiish.

Iftiinkacusub.com

W/Q:KHadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment