SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qabyaaladu waa Dawo , si khaldan loo isticmaalay.


Qabyaalada oo aynu si qaldan u isticmaalnaa ,waxa ay ka dhigan tahay ,daawo uu dhakhtar kuu qoray oo aad u qaadan wayday sidii uu kugula taliyay ,kadibna aad u isticmaashay qaabkale oo adiga jeebkaaga ah ,maxaad markaa filanaysaa ,suura gal matahay in aad daawadaasi aad ku caafimaado ?

Maanso: Ribo waa dhunkaal daran .

 
Maansadan Ribo Waa Dhunkaal Daran waxay digniin iyo waano u tahay rag ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland iyo qaar suuqa kala socda oo Culimo Diinta akhrida waayo hore ahaan jirey oo ka dhacay baabuurka dacwada ee ay saaraan jireen oo doonaya in ay horseed u noqdaan hirgelinta Ribada. Iyaga oo Dastuurka ay Xildhibaanada u yihiin ee loo doortay in ay difaacaan kaas oo asaas looga dhigay shareecada inaanu khilaafin aanu marnaba ogolayn Ribada.

Saxaafad u dhaqmaysa sida sirdoonka !!

Saxiibayaal waxaa baryahan inagu soo badanaaya saxaafad u dhaqmaysa sida sirdoonka taasoo aad mooddo hanaanka iyo habka ay u shaqaynayaan in uu yahay amma uu u eeg-yahay sida ay u shaqeeyaan hay-adaha sirdoonku.

Khattarta ka dhalankarta kelmadda ah,dadka afka Somaliga ku hadla.

Soomalidu waa dad wadaaga Af ,dhaqan,dhul iyo Diin ,umadkasta oo Ilahay abuuray waxa uu u sameeyay dhaqan ,nolol ,deegaan iyo Af ay kaga duwan tahay kuwa kale ,waana sababahii keenay in gumaystayaashii Reer Yurub ay ku kala qaybiyaan

Taariikh kooban oo ka waramaysa Gabayadii abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)


Bini Aadmigu waxa uu ku kala hor marsan yahay hadba sida uu tixgalinta u siiyo hal-abuuradoodi iyo halgamayashoodii, umad aan xasuusan dadkoodii hormoodka ahaana waa ay adag tahay sida ay ku horu martaa .

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) Alla-haw naxariistee mar la waydiiyay meesha uu ku dhashay iyo xilaga uu dhashay waxa uu sheegay in uu ku dhashay magalada Mandheera,waxa kaloo abwaanku uu sheegay in uu filayo in xilaga uu dhashay ay ahayd , 1933 -kii.

Mushkiladaha iyo shirqoolka siyaasadu qoyskii reer Baakistaan ee ay galafatay halkan ka daawo.

Sideedaba Siyasadu waa dabin uu ku dhaco mararka qaar ninka siyasada u hamuumayaa ,siyasadu wa lagdan iyo lucbo ciyareed oo rag idinka dhaxeeya ,maha siyasadu wax la isku soo dhaweeyo iyo hadyad la isa siiyo ,siyasadu mar waa sooryo nololeed marnaa waa sun iyo waabay ,

SHEEKH DR. YUUSUF AL-QARADAAWI TAARIIKH NOLOLEEDKIISII OO KOOBAN .

Sheekh Dr. Yuusuf Mustafa Al-Qaradaawi wuxuu 9/9/1926kii ku dhashay tuulada Safat Turaab oo ka tirsan degmada Al-Maxalla Al-Kubraa, gobolka Al-Gharbiya ee dalka Masar. Sida Al-Xaafid Ibnul-Xajar iyo qaar kale ay sheegeen tuuladaas waxaa ku dhintay asxaabtii Nabiga (SCW) ninkii ugu dambeeyay ee dalka Masar ku geeriyooday Cabdullaahi ibnul-Xaarith Al-Zubaydi.

Magalada Aduunka ugu Dameeraha badan oo ku taala Afrika .

Meelo badan oo ka mida Dunidan aynu ku nool nahay Dameerahu waxa ay kaga jiraan kaalin wax ku ool ah, haday tahay dhinaca shaqada iyo haday tahayba dhinaca waxsoosaarka kale ee arimaha bulshada .

Madaxdeenu waxa ay u bahan yihiin Iskuul wax barasho.

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Faallo ku saabsan:- Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo ma yahay mid soo af-jaraaya mushkiladahii goboladaasi Bariga ?

 
Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Qiso dhab ah oo Dimishiq ka dhacday.

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii:
Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaa...mic wayn oo barakaysan oo Quruxbadan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah Wuxuu ku ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey Mid ka mid ah Boqoradii Qarnigii Todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey.

Qiso dhab ah:Masayrka raggu ilayn waa masiibo qarsoon !

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Ma runbaa Soomalidu wax akhriska iyo wax qorista ma jecla ?

Waa su'aal in badan ay dadku iswaydiyaan ,runtii marka aad u dhabbo gashana waxa aad oganaysaa in ay tahay wax jira oo aan la dafiri karin ,waayo hadii wax akhriskeena iyo wax qoristeenu badan lahayd heerkan aqoon teenu may joogteen.

Khatarta Ribada & Jawaab ku socta Sh Mohamed Abdi Daud. Qalinkii Sh Ibrahim Xirsi Galow.

 
Sh Maxamed Cabdi Daa’uud wuxuu sharxay in ay ribadu xaaraan tahay. Waxaa si aad aftahamo ku dheehan tahay uga soo sheekeyey taariikhda iyo dhammaan Kutubta Samaawiga ah iyo sida ay isugu waafaqeen xaaraan-nimada ribada. Waxaa uu gunta ka jaray in aan sinama ribada lagu banaysan karin. Waxaa la yaab badan igu riday sadex umuurood oo ka soo baxay gebogebada qoraalkiisa:

AMIN BAYNU JOOGNAA – AFKA HOOYO NACAS YAHAY!!!

Waxaynu joognaa xili Afkeenii Hooyo noqday wax laga faano

Waxaynu joognaa xili qofku beyr ka yeeshay inuu afka Hooyo si badhax tiran ugu hadlo

Waxaynu xili qofku hadaanu odhaahdiisa ku xardhin ereyo qalaad uu dareemayo nuqsaan

Waa maxay caqabadaha hortaagan guusha Jabhadda ONLF ?


Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw Cırka taagay tıır la,aan dhulkana goglay,aadmıgana ka dhigay noole idilkıı kan ugu sharafta badan,una soo diray Nabi Muxamed (N.N.K) ahaana kii lagu khatımey Nabiyada.

Aduunyada aynu ku nool nahay maha mid ay ka dhamaato dhibta

Xisbiga UCID go'aanka laga soo saaray ma noqon doona mid hirgala.


Tariikhdu markii ay ahayd 12/6/2016 waxaa magalada Hargaysa gaar ahaan xarunta Gudida Diwaangalinta Xisbiyada Somaliland ka bilaabantay dhagaysiga dacwada garabyada UCID ee Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen , kaas oo ay hore dacwadoodu u gudbiyeen garabka Jamaal Cali

Madaxwayne Degmooyinka cusub ee aad magacawday waxa ay khilaafsan yihiin (Xeer Lr.23/2002)

Waxaa dhawaan Madaxwaynaha Somaliland uu digreeto Madaxwayne kusoo saaray degmooyin cusub,kuwaasi oo qaar ka mida la odhan karo waxa ay baal-marsanyihiin hanaanka iyo horu'socodka dawladeed ee dalka.

Turkiga iyo taxadarka looga bahan yahay .

Tariikhdu markii ay ahayd 16/7/2016 xilli saacadu ay ku beegnayd 9:30 habeenimo ,ayaa waxaa si lama filana dalka Turkiga uga dhacay afganbi milatari oo lala doonayay in lagu rido dawlada uu madaxda ka yahay Recep Tayyip Erdogan oo xiligaasi afganbigu socda wadana dibada kaga maqnaa.

Gurigii ku yaalay wadada Aakhiro loo maro.

Aduunkan aynu ku nool nahay waxa ii Ilahay csw ugu talagalay in Adanaha uu abuurtay ay maran laba marxaladood oo kala ah nolol iyo geeri ,nolol kastana waxa ay ku dhamaata geeri ,Somaliduna waxa ay ku maahmaahda hadii ay geeriyo ku dayso ma gabawbaa ku dayn.

Gabadh jacayl dhab ah u qaaday mid ka mida hor-jogayasha Al-shabaab.


Qisadani waxa ay dhacday xiliyadii Xarakada Al Shabaab ay haysteen gobolada Jubooyinka gaar ahaan ee Kismaayo iyo nawaaxigeeda ,waana sheeko guur oo dhex martay nin dhalinyari ah iyo gabadh gashaantiya oo ku wada nool deegaanka Juboyinka.

Ninkan dhalinyarada ahi waxaa uu ka tirsan yahay xarakada Shabaab ,waana nin magac iyo muuqba ku dhex leh xarakada uu ka

Labadii Bombo ee aan kuu dhiibay ma qarxisay ?

Muqdisho waxa ay wakhtiyada qaar ahaan jirtay magaalo qofkasta oo Soomaliyii uu Janto isla markana uu jeclaysto in uu ku noolaado amma mar uun uu soo arko,balse wakhtigan xaadirka ah Muqdisho waxa ay daris iyo dibad yaal u noqotay qaraxyo iyo qulqulatooyin aan dhamaad lahayn .

Maalin kasta waxa aad maqlaysaa qarax ayaa ka dhacay meel heblaayo, taasi darteed waxa ay dadkii Muqdisho noqdeen kuwa markasta cabsidu ku taagan tahay , qof kasta oo Muqdisho joogana waxaa ku taagan dareen iyo cabnsi ah in mar uun qarax iyo ismiidamin uu la kulmi doono .

Doodii iyo hadal hayntii Kuul-Carre ma Habar-Yonisbaa oo dib uga soo cusboonatay Qaarada Yurub .

Kuul Carre ma H/yoonisbaa mise maha ,runtii waa su’aal culayskeeda leh ay adag tahayna in si degdega jawaab sax ah looga bixiyo , sababta oo ah ma jiro cid haysa wax qoraala amma dokomenti ah oo taarikhdan ka waraamaya.

Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya BBC-da iyo mirqaanka Qaadka.

Xiliyada ay dagaladu amma qaraxyadu ay dhacaan dhulka Somalida meel ka mida, inta badan dadku waxa ay la kulmaan qas iyo qalaase aad u farabadan ,kuwaasi oo ku yimaada dhamaan goobahaasi uu dagaalku amma qaraxu ka dhacay,

Dagaalkasta amma qarax kasta oo dhaca waxaa hubaala in uu galaafto boqolaal qof oo ka ag-dhawaa goobtaasi dagaalku amma

Gabooyihii wax takooray .

Inta badan Somalidu waxa ay dhaqan ka yeelatay caado xun oo ay ka mid tahay in takoor iyo faquuq lagu sameeyo dad kasoo jeeda Bulshada Somaliyeed sida Gabooyaha iwm.


Kuwaasi oo la gaadhsiiyo ilaa heer aan laga guursan gabdhahooda isla markana aan loo guurin inna madooda amma wiilashoda .waa caado xun iyo dhaqan soo jireena oo u bahan in laga fikiro sidii loo suulin lahaa.

Nin Bastolad sita ayaa waxa uu soo dacweeyay Nin Qori AK 47 sita.

Xiliyadii Somaliland dadku ay kusoo Gurya noqdeen Magalooyinka isla markana aanay jirin wax abni ah oo la taaban karo ,qofkastana uu gacanta ku haysto hub kiisii,kaasi uu ku ilaaliyo naftiisa iyo maalkiisaba ,madamaa wali anay jirin Dawlad si dhamays-tiran abniga u hanan kartaa.

Aamiinta kor haw qaadin ilayn Sheekha ina tukunaaya isku Qabiil ma nihine.

 

Qabiilku waa shay Ilahay csw uu kidaabkiisa Quraanka ah ku sheegay kagana waramay xigmada iyo waxa uu uga jeedo isaga oo yidhi , (يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِير.Dadaw waxa aanu idinka abuurnay Lab iyo Dhadig ,waxa kaloo

Adeer mayaad hubtaa ,Miyaan soo Dhintay.

Hadii aynu nahay dadka Somalida gaar ahaan kuwooda dagan Dhulka Miyiga (Baadiyaha)waxaa caado inoo ah in reerka amma qoyska uu Abuhu yahay midka u taliya,isla markana waxkasata oo uu soo jeediyaba amarkiisa la qaato lana raaco.

Waxaa jiray qoys reer Miyi ah oo dagan meel aan sidaa uga fogayn Magalada Hargaysa ,Tariikh ahaa waa xiliyadii uu Gumaysiga Ingirisku joogay Dalka .

Waar iga reeba Laylatul'qadrigii ayaa i eryanaayee .



Wakhti aan sidaasiba usii fogayn dadka Somalidu badankeedu waxa ay ka amin sanayeen Habeenka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ku Jira ee Laylatul Qadriga loo yaqano, in uu yahay Habeen uu qofku arkaayo wax nool oo socda , waxaasi Jin iyo Insi midkuu doono ha ahaadee.

Waxaba dhici jirtay in Habeenada qaar ay dadku odhan jireen Caawa oo kale ayaa la daydayaa sidii wax lumay oo kale ,iyaga oo uga jeeda raadinta Laylatul Qadrigu in ay tahay in uu qofku arko Habeenkasi wax mucjisa ah gaar ahaan wax nool oo soconaya oo Jin iyo Insi mid uu yahay aan la garanayn, amma wax maryo cadcad iwm.

Wiilyar oo Ilahay Warqad u qoray,W,q.Qareen Khadar Aar.

Waxa aynu ka wada dharag sanahay in marka aynu caruurteena doonayno in aynu ogaano jacaylka iyo raxmada ay u qabaan walidkood, ayaa waxa aynu ku nidhaahnaa Aabaha iyo hoyada midkeed jeceshahay ,kadibna waxa laga yabaa in Ilamaha yari kolba kii la jooga uu yidhaahdo waan jeclahay ammaba waxa uu yidhaahdo labadaba waan jeclahay.

Faallo iyo falan'qayn Axmed Ismaciil Samatar oo ku biiray Xisbiga Kulmiye.

 
Pro Axmed Ismaciil Samatar waa nin ku dhashay Somaliland gaar ahaan Gobolka Gabiilay ,waa nin ku faana kuna farax san wakhtigan xadirka ka qayb noqoshada siyasada Somaliland ,madama uu wakhti hore kusoo hungoobay hankii iyo hamadii uu lahaa ee dhinaca Muqdisho.

Ilahay ayaa iga bad'baadiyay ,marbay Midgaankaa u dhali gaadhay, anigana ii dhali gaadhay .

 
Dunidan Ilahay korkeeda inagu abuuray Bilaw ilaa dhamaad, waxa la wada ogsoon yahay isla markana aanu marnaba muran ka jirin in ay dadku kasoo farcameen ,hoyadeen Xaawa iyo Abaheen Aadam.iyada oo dadka muslimkiina ay yihiin kuwo isaga sii dhaw intaasi.

Aabbo in aad adigu dhimato ayay ahayd, inta uu Odaygaasi dhimanaayo.


Waa qisso aad u xanuun badan ,sida aynu la wada socono Macalinku waa toosiyaha iyo tilmamaha ardayda,Macalinku waa qofka labaad marka laga yimaado waalinka ee Ardayga wax baro,isla markana ay tahay ardaygu in uu ku daydo haduu yahay macalinku mid wanaagsan oo ku dayasho mudan .

Riyo ayaan Gabadh ku Guursaday hadana Riyo ayaan ku Furay.


Sida runtaa xiliga dhalinyaranimadu waa xilli aad u qaali ah ,isla markana qofka dhalinyarada ah waxaa ku jira tamar iyo firfircooni dheerada taasi oo u bahan in looga fa'idaysto dhinaca wanaaga iyo Allah ka cabsiga.

Jacaylka wakhtigan iyo jacaylkii hore keeba qiimo badnaa.


Dunidan aynu ku nool nahay waxa ay soomartay marxaladu aad u kala gadisan , midkastana waxa uu watay wayahiisa, arinkasta oo dhacana waxaa jirtay qaab iyo xeelad lagu maarayn jiray ,laguna xalin jiray.

Shacbigu ma waxa ay donayan in ay Nidaamka badalaan ,misse waxay doonayaan in ay Hebel iyo hebel isku badalaan.

Wakhti aad u badan ayaa waxa shacbiga kaga lumay dooroasho ku qotonta Hebello la isku badalo ,taasina waxa ay keentay in Magacya uun ay isbadaleen balse cabashadii iyo horumar la'aantii laga cabanayay ay halkii wali tagan tahay .

Wasiir Cadaani waxaa laga hayaa, waxa aanu isa soo aragnay Galabta Madaxwaynaha iyo Marwadiisa.



Waagi baryaaba waayo leh ,ayaan kasta oo aad Aduunka kor kiisa kusii noolatana waxa ay kuu kordhinaysa waya'aragnimo iyo wax cusub oo ku yaab galiya,taasi oo la odhan karo waa jadwal iyo jaangoyn Ilahay u sameeyay Dunidiisan.


Geed Qodax'leh iyo Gudin iyo Hangool waa waxaa Dhulkeena u gaar ahee laynagu gartaa.

Tariikhdu waa dhaxalka iyo dhigaalka dhabta ah ee bulsho leedahay,waa shay ay ka tageen Guurti iyo waxgarad ay umadi leedahay ,Tariikhdu waa shay meel la dhigo laguna ilaaliyo sida Beedka ,hoygeeda iyo Hugeeduna waxa uu yahay Qalin iyo Warqad lagu qoro laguna xafido.


Tariikhdu waxa ay ku tustaa kuuna tilmaanta meeshaad ka timi iyo meesha aad u socda, Tariikhdu waxa ay ku xasuusisaa waayahii wanaagsanaa iyo kuwii xumaa ee aad soo martay,waxa ay cashar

Tartanka Madaxda iyo Maal-qabeenada.

Hoggaamintu waa shay muhiim ah oo aanu ka maarmin Adanahu ,waana mida kaleya ee lagu gaadhi karo horumarka iyo horusocodka arimaha Bulshada ,hadii aad aragto umad aan lahayn Madax hogaamisa waa umad an jirin .

Hoggaamiyuhu sidiisaba waa kan sameeya jeexana jidka horumarka iyo hanaanka Dawladeed ee Dalkasi maraayo , waxanu qiimeeyaa waxyabo ka baxsan waxa ay dadka shacbigii is waydinayaan amma

Waa qaybtii 10 aad sheekadii tahriibka .

Akhris'tayaal dhamaantiin aad ayaan idiin Salamayaa waxanan idin leeyahay SCWW ,intiinii sheekada qaybtii Sagalaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Ninkii dhalinyarada ahaa iyo
Inankii yaraa ee uu dhalay ay ka badbaadeen dhibatadii aadka u xumayd ee Badda kasoo qabsatay .

Dhuxusha hadii la joojiyo ,maxay dadku wax ku karsanayaan?

Waxa aynu in badan ka maqalnaa Warbahinta kala duwan, iyada oo laga hadlaayo in la joojiyo Jarista iyo xaalufinta Dhirta ,isla markana Dhirta laga dayo Dhuxusha laga shidanaayo taasi oo markasta lagu macneeyo in Dhulka iyo deegaankaba uu nabaad

Waa qaybtii 9 aad sheekadii tahriibka .

Akhris'tayaal dhamaantiin aad ayaan idiin Salamayaa waxanan idin leeyahay SCWW ,intiinii sheekada qaybtii Sideedad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Ninkii dhalinyarada
ahaa ,Xaaskisii iyo Inankii yaraa ee uu dhalay dhamaan tood ay Doon ka raceen Wadanka Libiya iyaga oo u Tahriibay Wadanka

Fariin iyo talo ku socota jilayaasha Sooran iyo Jawaan .

Sooraan iyo Jawaan waa laba nin oo inta badan Majajileeya amma sameeya Waxyabaha ay dadku ku qoslaan ,balse hadana Hal-abuurnimadoodu waxa ay u badan tahay waxyabo badan oo la

Saxiibkay ayaa Email Aakhiro iiga soo diray .

Wakhti kasta oo aad firaaqo hayso waxa aad jeceshahay in aad furato Computarkaga , adigoo raba warar amma barnamijyo adiga kuu gaar ah in aad ka fiirsato amma aad ka akhrisato


Waa Qaybtii 8-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY

Akhris'tayaal dhamaantiin aad ayaan idiin Salamayaa waxanan idin leeyahay SCWW ,intiinii sheekada qaybtii Todobaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Wiilkii dhalinyarada ahaa uu ku sugan yahay Wadanka Libiya , isaga iyo Gabadhii ay safarka Tahriibka isku soo barteen heshiis guurna ay hada ku heshiiyeen.

Waa Qaybtii 7-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY.

Akhristayaal intiinii sheekada qaybahedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Wiilkii dhalinyarada ahaa uu ku sugan yahay Wadanka Libiya gaar ahan Magalada Tiripoli halkaasna uu ka shaqaysto . 

Waa Qaybtii 6-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY

Akhristayaal intiinii sheekada qaybteedii hore la socotay waxa ay inoo maraysa iyada oo Ninkii dhalinyarada ahaa uu kasoo badbaaday Dhibatoyinkii badnaa ee soo qabsatay intii uu tahriibka kusoo jiray ,kadibna soo galay Magalada Tiripoli ,isaga oo markii u horaysayba la hadlay Walidkii dhalay una sheegay nabad qabkiisa.

Waa Qaybtii 5-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY.

 
Intinii sheekada Qaybteedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhalinyarada ahaa iyo dhamaan Akhayartii ay Tahriibka isku barteen ay ku tala jiraan in ay safar dheer usoo galaan Saxaraha u dhexeeya Sudan iyo Libiya .

Saxibadayda Qaaliga Gacmo Furan kusoo dhawaada.

Waxa aan halkan aad uga mahad celinayaa Asxaabtayda Rag iyo Dumarba leh ee ku Xidhan Qoraladayda aadka u faraha badan  ee aan kusoo Qoro Baraha Websidyada ,Facbooka ,Twitterka iyo

Waa Qaybtii 4-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY .

Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi Tahriibka ee marba marka ka danbaysa kasii daraya,ayaa waxa uu iiga sheekaynayaa dhibatadii aadka u Xauuunka badnayd ee uu lasoo kulmay intii uu Tahriibka kusoo jiray .