SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa Qaybtii 4-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY .

Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi Tahriibka ee marba marka ka danbaysa kasii daraya,ayaa waxa uu iiga sheekaynayaa dhibatadii aadka u Xauuunka badnayd ee uu lasoo kulmay intii uu Tahriibka kusoo jiray .

Saw Wade xumoo, Gaadhi Xun wadaa ,Wadadii xumayd ,kuma noqon Wadkii .

Waxa aynu nahay Dad Muslina waxa aynu wada ogsoonahay in Qofkastaba uu ku dhimanayo Halkii Alleh ugu talagalay ,iyada oo sabab looga dhigaayo Mushkiladaha Aduunka ka dhacaya mid ka mid ah,balse hadana Islanimada lafteedu waxa ay ina faraysaa in aynu waxkasta Taxadarkeeda yeelano.

QAYBTII 3-AAD SHEEKADII .TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN SOO MARAY .

 
Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi Tahriibka ee marba marka ka danbaysa kasii daraya,ayaa waxa uu iiga sheekaynayaa dhibatadii aadka u xumayd ee uu lasoo kulmay intii uu Tahriibka kusoo jiray .

QAYBTII 2 AAD SHEEKADII ,TAHRIIBKII IYO TAHLUKADII AAN SOO MARAY .


 
Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi Tahriibka mid kamida,ayaa waxa uu iiga sheekaynayaa dhibatadii aadka u xumayd ee uu soo maray intii uu Tahriibka kusoo jiray .

QAYBTII 1-AAD SHEEKADI TAHRIIBKII IYO TAHLUKADII AAN GALAY.



Waxaa beryahan danbe si wayn usoo shaacbaxay Maqalka erayga TAHRIIB kaasi oo aad ka maqlayso dhamaan Idacadaha ,Guryaha,Maqaaxiyaha,Wadooyinka iyo meelkasta oo Laba Qof oo Somaliyii ay isugu yimadaan ,iyada oo laga

MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN JAAHILIYADII HORE IYO ILBAXA REER YURUB .?


 

Qofkasta Ilahay waxa uu u sameeyay Qaab iyo samays uu kaga duwan yahay Qofka kale, ma jiro Aduunkan qof qof u eegi xataa haday Mataano Uur kasoo wada baxay yihiin waxaa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin.


Dhamaan Bini Aadmiga waxaa wada haysata Kalsooni darro iyo Qawadaad ay qawad san yihiin Qaab Dhismeedka Rabbi u abuuray iyo sida Quruxda badan ee uu isugu jaan gooyay ,inii ILAHAY u naxariistay mooyaane.

TALABADA MID GAALKII SHABAHA TAGAY MA LIIBANE .Xaaji Aadan Af-Qalooc.

Allah haw naxariistee ,Gabaygan waxa uu Xaaji Adan uu tiriyay xiligii aynu ka qaadanay Gobanimada Guumaystayaashii , isla markana ay dhalatay Dawlad Soomaliyeed ,kadibna Xajiga oo ahaa Nin aad u fiiro dheer waxa uu markiiba Qawaday qaabkii ay Madaxdu wax u wadeen .

Waan ka xumahay Maxamed Xiisow Quruxda Hargeysa ee hoosta ka qaawan .

 
Tariikhdu markay ahayd 11/4/2016 Malin Isniin ah ayaa wakhti ay iniga ii ahayd Saacadu abbara 5:38 Galabnimo isla markana aan Filaayo in Hargaysi waxyar uun ay naga horayso Sacadaha ,ayaa waxaa si lama filaana Telefonka viber'ka iga soo wacay Saxiibaday Maxamed Xiis Cabdi Naleeye iyo Siciid Caynab oo xiligaasi Casariye Shaah ku Cabayay goob ka mida gobaha Magalada Hargaysa loo nasashada tago.

Tartanka iyo Jibbada Waddo samaysiga aynu ku badalno Tartanka Biyo Xidheenada.

 
Waxaa hubaala in Dadku hadba dhinacii loo jaheeyo ay ku jahaysmayaan ,Bini'aadmuguna sidiisaba waxa uu wax ka qabtaa Tartanka iyo Ficil tanka, taas waxaa maanta markhati u ah Somaliland gudaheeda ma jiro Deegaan aan ku dhawaqin in uu Waddo dhisanaayo gaar ahaan Tuulooyinka iyo Daabiyadaha ,taasi waxa ay ku tusaysaa Tartanka iyo Xifiltanka Qabiilka hoosta ku watta ee ay dadku ku tartamayaan Waddo samaysiga ,waana marka Faa'iidada uu leeyahay Tartanka Qabaliga ahi.

Dadku in ay wax qabsadaan maxuma waana horumar iyo Iska wax u qabso ay ku talaab sadeen ,Dawladuna ay ku gacan qabatay ,balse Noloshu waa ay kala horaysaa waxaa igala fiican in rayigaa dhismaha Wadooyinka loo badalo Tartanka Biya Xidheenada waayo Biyahu waa noloshii lakiin wadada mararka qaar waa aad ka maarmi kartaa lakiin Biyo kama maarmi kartid .

TARTANKA MADAXDA IYO MAALQABEENADA.



 
Hoggaamintu waa shay muhiim ah oo aanu ka maarmin Adanahu ,waana mida kaleya ee lagu gaadhi karo horumarka iyo horusocodka arimaha Bulshada ,hadii aad aragto Umad aan lahayn Madax hogaamisa waa umad an jirin .

Hoggaamiyuhu sidiisaba waa kan sameeya jeexana jidka horumarka iyo Hanaanka Dawladeed ee Dalkasi maraayo , waxanu qiimeeyaa waxyabo ka baxsan waxa ay dadka shacbigii is waydinayaan amma ka fikirayaan, waxa uu aqoon iyo garasho dheerada u leeyahay fahamka iyo Odoroska waxyabo badan oo Qarankasi kusoo fool leh .

NAFTAADA RUNTA U SHEEG BEENNA HA KU MAAWEELIN .


Bini-aadmiga Ilahay abuuray waxa uu ku kala gadisan yahay waxkasta oo nolosha iyo dabeecada ku saabsan ,sida aynu u kala wajiyada duwanahay ayaynu u kala dabeecad iyo aragti duwanahay ,qofkastana Ilahay csw waxa uu siiyay dabecad iyo dhaqan gooniya ,waa ay adag tahay in qofna uu iska badalo amma uu u dhaqmo sidii Allaah uu ugu talagalay si aan ahayn .

Waxaan rabaa in layga dhigo wasiirka gashaan dhigga .


Mahad dhamaanteed Eebbaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii Suubanaa Muxamed Ibnu C/laahi Scw .


Sida aynu ka wada warhayno baryahan danbe waxaa dhaqan iyo caado inoo noqotay in Qabiil kasta Saami-qaybsiga Kuraasta
Dawlada ay jecel yihiin in loo magacabo Wasiirada ay ka mid yihiin, W/arimaha Gudaha,W/arimaha Dibada ,W/Maliyada iyo W/Gashaan-dhigga. Wasaradahasi wixii kasoo hadhay Qabiilka loo magacaba waxa uu isu arkaa in uu yahay Qabiil aan si fiican looga qayb kalin taladii Dalka ,lana Xaqiray .

NAFTAADA RUNTA U SHEEG BEENNA HA KU MAAWEELIN .

 
Bini-aadmiga Ilahay abuuray waxa uu ku kala gadisan yahay waxkasta oo Nolosha iyo Dabeecada ku saabsan ,sida aynu u kala wajiyada duwanahay ayaynu u kala dabeecad iyo aragti duwanahay ,Qofkastana Ilahay csw waxa uu siiyay Dabecad iyo dhaqan gooniya ,waa ay adag tahay in Qofna uu iska badalo amma uu u dhaqmo sidii Allaah uu ugu talagalay si aan ahayn .

DULQAADKA.

Waxyabaha ugu wanaagsan ee Qof lagu qiimeeyo sharaf tiisana dhisa waxaa ka mid ah dulqaadka,waana laf dhabarta isdhex galka bulshada waana mida kaliya ee lagu qiimayn karo wanaga qofku uu leeyahay , taasi oo aan Lacag lagu heli karin balse ah Hadyad Ilahay uu bixiyo .

Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Ciro Saxiibo is jeclaa ,ma Siyasadaa iska hor keentay . ?


 


Mushkiladaha ay siyasadu leedahay ayaa wax ka mid ah in ay kala kaxayso,isla markana ay kala fogayso ,kalana Irdhayso Saxiibo is-jeclaa wakhti aad dheer , waya badana isla soo maray waxaa marag madoona in siyasada Afrika sideedaba ay tahay mid is Rogrog badan sida Dabayshana ,oo hadba dhan kaga imanaysa .waxaana sabab u ah waa Siyasad ku Salaysan Qabiil iyo Qabyalad ,isla markana aan ku salaysnayn Mabadii ,waana ta markasta keenaysa isku dhaca fara badan .

Faallo ku saabsan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxamaan Cirro iyo Xisbiga Wadani .


 
Waxaan Qalinka u qaatay, intii karaan kayga ah , in aan qoraal idiinku soo gudbiyo, fikirka iyo dareenka aan isleeyahay, Dad-waynahu waa ka qabaan Md.C/raxman Maxamed C/laahi (C/raxman Cirro) iyo Xisbiga Wadani.

XISBIGA WADANI :-

FAALO KU SAABSAN MD.JAMAAL CALI XUSEEN IYO XISBIGA UCID.


Waxaan Qalinka u qaatay intii karaan kayga ah , in aan qoraal idiinku soo gudbiyo, fikirka iyo dareenka aan isleeyahay Dad-waynahu waxa ka qabaan Xisbiga Ucid iyo Musharaxiisa Jamaal Cali Xuseen .

XISBIGA UCID

Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID waxa la sameeyey 18/8/2001 – 20/8/2001.Waxa mar labaad lagu sameeyey Xeerka kaabis iyo wax ka bedel shirwaynihii labaad ee Xisbiga oo ka dhacay Hargeysa oo lagu ansixiyey Xeerka Xisbiga 27/7/2006-30/7/2006.

FAALO KU SAABSAN MD. MUUSE BIIXI CABDI IYO XISBIGA KULMIYE .

Waxaan Qalinka u qaatay intii karaan kayga ah , in aan qoraal idiinku soo gudbiyo, fikirka iyo dareenka aan isleeyahay Dad-waynahu waa ka qabaa Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxiisa Muuse Biixi .

Aqoon intee leeg ayaad u leedahay Magacyada Bilaha Afka Somaliga .

ABAARBA INNA HAYSEE AQOON YAA INNA SIIYA ?


Xiliga Abaarta Casharo kama barano ,Xiliga Roobka iyo Raxmadana Kayd ma dhigano, Aqoon yahan keenuna waa Aqoon laawe.

Qoraalkan waxa aan doonayaa in aan kaga hadlo Abaraha markasta inagu soo noqnoqonaya ee aynu markaliya u la,nahay Xal iyo Xeelad lagaga Gudbo ,Ilahay csw waxa uu Garaadka iyo Caqliga inoo siiyay in Dhibaato kasta oo inagu dhacda aynu ka fikirno qaabkii aynu uga gudbi lahay.

SHeeko cajiib ah :-Hadaan kaga sheekeeyo Qaadku dhibta uu ii gaystay waad yaabi lahayd .


 
Dadka cuna qaadka iyo Sigaarka ee Soomaalida waxaa u badan Ragga ,inkastoo wakhtigan aan ku jiro Dumarkuna kusoo bireen ,qaadku waa nooc kamid ah waxyabaha keena waaalida ,Somaliduna u taaqano MIRQAAN, waa maxay Mirqaanku? waxa weeye miskaxdada oo ku tusisa kuuna muujisa Dhalan teed iyo Riyo been ah .

Dhacdo layaable :-Gabadh Jeclaatay mid ka mida Horjogayasha Al.Shabaab Abaheedna Suufi yahay .

 
Qisadani waxa ay dhacday xiliyadii Xarakada Al Shabaab ay haysteen Gobolada Jubooyinka ee Kismaayo iyo Nawaaxigeeda ,waana sheeko Guur oo dhex martay Wiil iyo Gabadh deegaan ku wada nool.

Wiilku waxaa uu ka tirsan yahay Xarakada Shabaab ,waxaa nu Naanays iyo magaca wayn ba ku dhex leeyahay Al-Shabaab, waxaanu qaabil san yahay ,Qaybaha Sahanka iyo Sirdoonka ,waana Nin Degaankasi si wayn looga yaqaano , kasoo Shinbirtii dhaqaaqdaba ay garanayso,waa nin ku caan baxay ladagalanka iyo nacaynbka Culimada loo yaqaano , Ehelu Sunna wal-jameeca ,amma Culimadii hore qofba siduu u yaqaano .

Saxiibkay Cali Waran-Cadde waxaan kula talin laha Dulqaadka ka baro Xirsi Cali X Xasan.

 


Waxaa hubaala in uu Dulqaadka iyo Deganantu ay tahay kaaramo iyo Sharaf ILAHAY uu bixiyo waxyabaha ugu wanaagsan , Qofka ILAHAY Dulqaad siiyo wuxuu siiyay shay uu Ifka iyo Akhiraba uu ku liibanaayo ,Dadkuna ixtiraam iyo sharaf ay ugu haynayaan.

Qofka masuulka ee Talada umada hayana waxaa ku waajib ah in uu yeesho Dulqaad iyo Daganaan ka badan kan laga rabo Dadka Shacabka ,waayo waxa uu masuul ka yahay Dad iyo Dal dhan, balse haduu Qofkii Masuulka ahaa lahan waayo Dulqaad iyo Daganaan taasi waxa ay wiiqaysa Sharaftii iyo Karamadii uu umada ku dhex lahaa ,Tariikh xumana waa uu ka dhaxlayaa .

Ma Rumaysanaysaa Saxiibkay ayaa Email Akhiro iiga soo diray ?

 
Wakhti kasta oo aad firaaqo hayso waxa jeceshahay in aad Furato Computarkaga , adigoo raba Warar amma Barnamijyo adiga kuu gaar ah in aad ka fiirsato . hadaba markii u horaysay ee aad furtay Email-kagii ,si kadiisa ma u aragtay oo Isha ma ku dhufatay Email uu AAKHIRO kaga soo diray Saxiibkagii Qaaliga ahaa oo Geeridiisa iyo Xabashisaba aad goob joog ka ahayd .
Runtii waa Sheeko Layaable ,isla markana marka aad u kuur gasho waxa aad dareemaysaa in Qofkasta Shaqada iyo Cabalka uu hayay markii uu Aduunka joogay in marka uu Geriyoodo amma uu noqdo Asxabal Qubuur in anay ka hadhayn, Raad wayna ay ku yeelanayso Asxaabtii iyo Ehilkisii uu Aduunka kaga tagay iyo Akhiradiisaba .
 
Qisadan Cajiibka ila Akhriso Macnaha wayn ee ay Xanbarsan tahayna aad Maskaxdada ugu daadaji kana faa'idayso.
 
Qisadani waxa ay ku dhacday Wiil Dhalinyara ah ,Wiilkasi oo ah Mid ku Baas kuna baloobay Dawashada iyo Fiirsashada Filimada Xun Xun ee Anshaxa iyo Akhlaaqda Suubanba ka hor imanaya .
 
Waxa kaloo intaasi u dheeraa in uu ahaa Nin Dhiiri galiya Fafiyana Filimaantasi ,waxa uu ka mid ahaa Dadka iska Diwaan galiyay Websityada waxaasi ku shaqada leh, isaga oo Bixinayay Lacagta Fiiga si Filimadaasi loogusoo Fasaxo .
 
Todobaadkas waxaa usoo dhici jiray Video iyo Sawiro Anshi Xumo ah , isagoo markastana Dawad siin jiray isuguna yeedhi jiray dhamaan asxaabtisa iyo cidkasta oo Anshi Xumadasi uu ku talaalay ,kuwasoo markii danbe noqday kuwa dawasho iyo Xiise dheeraada markasta u haya Vidoyada.
 
Dhamaan Asxaabtisii oo dhan waxa uu ka wada qortay Email kooda si uu Todobaad walba Filimada Anshi Xumada ee usoo dhaca uu iyagana ugu diro ,kadibna waxabu noqday Nin Caan ku ah Faafinta iyo Xayay-siinta Flimadaasi Xumaanta.
 
Hadaba Maxaa dhacay ?
 
Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee xumaanta iyo Faxishada faafinayay Dhalintii iyo Da'yartana ku baleeyay ,ayaa Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Gaadhi uu watay waxa uu ku galay Shil aad u xun kaasi oo uu ku Geeriyooday kuna Dhintay ,Ilahayna waxa uu Qadaray in uu halkaas Naftiisii ku waayo .
 
Saxiibkii oo hadaba Qisadan Warinaya ayaa waxa uu leeyahay :-
 
Waxaan ka imi Aaskii iyo Xabashii Saxiibkayga Shilka Gadhiga ku Dhintay ,markii aanu aaskii Xabaasha ka nimi kana soo dareernay ayaan anigu waxa aan si toos ah u imi Gurigii aan ku jiray ,inta badan sida Dhalinyarada u cadada ayaan waxa aan markiiba soo Qabsaday Computarkaygii si aan Akhbaar iyo Fariimo uga fiiriyo Facbooc ,Email iwm .
 
Waxa aan galay horaantiiba Hotmailkaygii ,Hal Mar ayaa waxa ay Indhahaygu Qabteen Fariin Dhextaala Emailkayga gaar ahaan Inbox ka ,waan furay kadibna markiiba waxa ay Indhahaygu qabteen Fariimo iyo Filimo Anshi Xumo ah,kadibna waxaa eegay bal cida ay iiga yimadeen , Subxanala waxa aan Indhaha ku Dhuftay Emailkii aan ku aqanay Saxiibkayga aan hada Aaskisa amma Xabaashisa ka imi Subxanalaa!!!
 
Waan argagaxay Shaydaanka Ayaan iska Naaray, Indhahaan maran-maray kadibna hadana Dib Ayaan u eegay ,Mise waxaba Fariinta isoo Diray iigana timi Saxiibkayga aan hada kasoo fadhiistay Aaskiisa , Qabriga Jiifa ,kadibna dhamaan Filimadii waan masaxay wanan tirtiray ,hadana Todobaad markii ay kasoo wareegtay ayaa waxaa Inbox Email kaygii kusoo Shubmay isla Filimadii Xumaanta xan-baarsanaa ee uu Saxiibkay iiga tagay ,Dhaxalkana iiga dhigay .
 
Inataasi ka bacdi Ayaan waxaan ogaday ,ayuu leeyahay Ninka sheekada soo Gudbinayaa, in Saxiibkayga Geriyooday uu isagu intii uu noolaa igusoo Xawilay Dhaxalkan Foosha xun ,,kadibna waxaan Qortay Websitka Waxyabahani iiga imanayaan si aan ula xidhiidho oo ay iga joojiyaan Filimadan Xun xun ee ay igusoo Butaacinayaan markasta .
 
Markii qoladii Websitka aan la Hadlay ,una sheegay in uu Geeriyoday Saxiibkaygii Akonka ku lahaa , una bahanahay in aniga la iga joojiyo Filimadan aadka u fara badan ee Emailkayga kusoo shubmaaya , waxay iigu Jawabeen ,ma haysaa Saxiibka Password kiisa , ? waxaan ku idhi maya, kadibna waxa ay ii sheegeen in Filimadani ay muddo 4 Afar Sanadood ah ay si- is daba joog ah u ugu soconayaan Emaylkayga kadibna ay is Xidhi donaan si Automatic ah .. .
Runtii waa Qiso Xanuun badan dhalinyarada maantana aan dareemi karo in ay aad ugu bahan yihiin in ay iska ilaaliyaan Waxyabahasi Faxishada ah.
 
Ifka Waxaad la joogta Janaduun ku Geeya amma-se Naarka Jahanama .
 
SHEEKADU MIYANAY AHAYN SAXIIBKAY AYAA EMAIL AKHIRO IGASOO DIRAY.
 
W.Q /Qareen.Khadar Aar


 

Ilayn Madaxtooyadu waa Xabsi Madaxwaynuhuna waa Maxbuus ?

Lix arimood oo ay iska shabahaan Madaxwaynaha iyo Qofka Maxbuuskii :-


1 .Qofka Maxbuuska Maxkamad ayaa Xukunta Sanado Go'an ,sida:- 4 -5-6 Sano iwm si Danbiyadii uu galay loogu ciqaabo .

LABADII BOMBO EE AAN KUU DHIBAY MA QARXISAY ?

​Muqdisho waxa ay wakhtiyada qaar ahaan jirtay Magaalo Qofkasta oo Soomaliyii uu Janto isla markana uu jeclaysto in uu ku Noolaado amma mar uun uu soo arko,balse wakhtigan xaadirka ah Muqdisho waxa ay Daris iyo Dibad yaal u noqotay Qaraxyo iyo Qulqulatooyin aan dhamaad lahayn .
 
Maalin kasta waxa aad maqlaysaa Qarax ayaa ka dhacay meel Heblaayo taasi darteed waxa ay Dadkii Muqdisho noqdeen kuwa markasta Cabsidu ku taagan tahay , Qof kasta oo Muqdisho joogana waxaa ku taagan dareen ah in mar uun Qarax iyo Ismiidamin uu la kulmi doono .

WASIIR SHACBIGIISA KU EEDEYAY IN AY KA XADEEN BOBIL NOKIA 3100 .

 

Aduunkan aynu ku Nool nahay waxkastaa waa ay kusoo marayaa ,malinkasta oo Noloshada kusoo korodhaana waxa ay kuu kordhinaysaa wayo-aragnimo dheerada.

Madaxda Dawlada waxa aynu u dooranaa in ay Dadka iyo Dalka u shaqeyan , una noqdaan kuwo u Daacad ah ,lakiin waxa ad hada mooda in Aduunkii isbadalayo ,oo Dad waynahii ay iyagu u shaqaynayaan Madaxdii .

Shacbigu xaq ayuu u leeyahay in Dawladiisa iyo Madaxdiisa uu wax ka tirsado una waaya sheegto ,la hadlo iyaga oo ka doonaaya in dawladu ay Waddo u samayso,Dhakhtaro u samayso shaqo u abuurto iwm .

Badhi-saab kasta ha loo daayo Gobolkuu u dhashay si uu Nabad galyada wax uga qabto



Wakhtiyadan Danbe waxa Jamhurida Somaliland kusoo Noqnoqonaya Dilal aad Moodayso in qaarkood Qorshaysan yihiin iyo kuwo aan Qorshays'naynba,taaso Laf dhabarta ka jabinaysa Nabadgalyadii iyo Horumarkii .
 

Hadaad is Diwaan galin waydo wax ma dooran karaysid !

 
Somaliland waxa ka socota Diwaan galintii Qaranka taaso ka bilabantay Horaantii Sanadkan Gobolka Togdheer ee Burco, iyada oo hadana lagu guda jiro Goboladii kale ee Dalka .
Hadaba Maxay tahay Diwaan galin ,muuxuse yahay Diwaanka amma Buuga laysku Qorayaa ,maxaase la isu diwaan Galinayaa laysuna tira koobayaa , hadii aan si kooban uga jawaab Su'alahaasi :-

Majiraa Qabiil layidhaa Kuul Carre oo Qaranka Habar Yoonis ka maqani ?

 

Qaranka H/Yoonis waxaa lagu tilmaama in ay yihiin Qabiilka Somaliland Dhul iyo Dadkaba ugu badan ,waa waa Qabiil wayn oo soo jireena isla markasina Deegan ku ah Dhul badan oo Soomalidu ay Tagto .

Aqlabiyada oo wax lagu qiimeyaa waa asaaska Dimuradiyada .

 
 
Qarqoosh waxa uu ahaa Nin Wakhti wakhtiyada ka mid ah kasoo talin jiray Wadanka Ciraaq, isla markana waxa uu ahaa Nin Dadka si arxan dara ah isaga Dila ,Xukunadiisa waxaad arkaysaa in ay ku jirto Axmaqnimo iyo Maangaabnimo.
 
Waxa uu ahaa nin aan laga daba Hadal waxa uu ahaa Nin Daymadiisa aad looga Baqo oo aan Qofna ku eegin il Naxariisle, Markasta oo uu wax Xukumayo waxa uu ku xukumi jiray waxa ay isaga la noqoto, isla markana Dadka ka ag dhawdhawina waxa ay ku khasbanayeen in ay Fuliyaan amma ay ku Go'aan qataan waxa uu yidhi Hogamiyahooda Talada Xumi .