SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheekadii la magac baxday "Aw-Jaamac Andhikaab ma jiro !

Somalidu intii ay qurbaha usoo baxday gaar ahaan wadamada Gaalada, waxaa si wayn isu badaley dhaqamadi iyo cadooyinkii fiicnaa ee aynu lahayn markii aynu joognay dalkeenii hooyo,
waxaananu yeelanay cadooyin iyo cibaarooyin aynu ka dhaxalnay qurbaha Gaalada.

Sheekadan waxaa la yidhaa"" Aw-Jaamac Andhikaab ma jiro""!kalmadan Andhikaab waa kalmad iyo eray afka Ingiirka ah waxaana looyaqaana dadka ama qofka jidh ahaan kala dhantaalan sida maskaxda,Lugaha,Gacmaha iwm qofka ay intaasi ka dhantaalan tahay ayaa luqada Ingiriiska looyaqaana Andhikaab (Adcahb)

Qorbaha sida Yurub,Maraykan,Kanada iyo dalka Ustareeliya waxaa dadyawga qaxootiga kusoo gala had iyo goor ka qabsado dhaqamo iyo cadooyin aanay islahayn markay imanayaan waa ay kaala kulmayaan,gaar ahaan dhinaca shaqooyinka iyo raadinta nolol maalmeedka.

Dad badan oo Somali ah ayaa waxa ay maskaxda ku hayaan marka ay wadamada imanayaan in ay helayaan dhaqaale iyo Lacag aan xisaabteeda la gaadhi karin,balse marka ay yimadaan waxa ka hortimaada tacab iyo laqabsiga dalkaasi ay yimadeen.

Lacagtu marka aad Yurub timaado maaha mid si sahlan kugu soo galaysa,waanay adag tahay in dhaqaale la taaban karo aad ka samayso wadamada Gaalada badankooda.

Hadaba nin magaciisa layidhaa Aw-Jaamac ayaa wadanka Faransiiska waxa ku adkaatay in uu si fudud lacag uga sameeyo,kadibna waxa uu markii danbe ka fikiray in uu sameeyo khiddad iyo siyaasad uu gaalada dhaqaale la taaban karo uu kaga helo.

Fikradii iyo khayanadii uu sameeyey waxa ay noqotay in uu iska dhigo nin markaasi laxaadkiisa jidhka qaybka midii ay tahay mid aan sidii loogu talagalay aan u shaqaynayn ,waxaanu go'aan saday in uu gaalada dareensiiyo in Lugahiisu ay yihiin kuwo naafo(hawl-gab ah) kadibna uu lacag waxa loo yaqaano bisilka uu fadhiga ku qaato.

Barnaamijkaasi si aad u fiican ayaa ninkaasi isaga ah ee Aw-jaamac uu ugu shaqeeyey,waxaanu xafiisyada caafimaadkiisa ku shaqada leh tagi jiray markasta isaga oo kuurkuursanaaya (dheeldheeliyaaya) sidii oo uu yahay nin curyaana oo in shaqo loo dirtaa iska daaye ay ku adag tahay in uu lafiihiisa u socdo.

In muddo aad u badan markii uu Lacag aad u xad-dhaafa ku qaadanaayey barnaamijkaasi laxaad la'aanta,waxoogaa dhaqala ahna uu ka fara-qabsaday,isuna dhigay hadda iyo wixii ka danbeeya in uu sidaasi noloshiisa ku maarayn doono ,ayaa maalin maalmaha ka mida gaar ahaan Maalin Axad ah oo aanay markaasi shaqaynayn Xafiisyadii Dawladu, waxa uu soo kaxaystay Baaskeelad si uu markaasi danahiisa ugu fushado.

Magalada marka horaba uu degen yahay ninkan Aw-Jamac waa magaalo aad u yar,ay dhici kartana in dadku inta badan ay wadoyinka iyo suuqyada isku arki karaan fasax iyo fasax la'aanba.

Ninkii Aw-jaamac Baaskeeladii hasoo kaxaysto, suuqana hawgu soo baxo isaga oo markaasi waliba ku sare'kacaaya,wakhtiyar ka bacdi ayaa ninkii Aw-Jaamac oo dharkii Ispoortiga xidhan Baaskeladiina hawada la maraaya ayaa waxaa si kadiso ah uga soo horbaxday Gabadhi markaasi isaga la'taliyaha uga ahayd hawlahiisa oo dhan una dhalatay dalkan Faransiiska ,taasi oo u haysatay awalba in uu Aw-Jaamac yahay nin laxaad'la oo aan Baaskeelad iyo wax u dhawtoona aan kaxayn karin.

Gabadhii waxa ay aragtay Aw-Jamac oo ku laxaadsanaaya kaxaynta Baaskeelada isla markaana aad moodo nin aan waligii qodaxi mudin , yaab iyo amakaag ayaa qaaday ,ma Aw-Jamacbaa mise waa mid u eeg ayay jidkii dhinacna uga dhaqaaqi wayday.

Aw-Jaamac isagu xaaladaba war kama hayo burkana bahal kamuu filan, Hal mar ayaa waxaa wajiga ay isku dhufteen Aw-Jaamac gabadhii lataliyaha uga ahayd hawlahiisa gaarka ah,naxdin iyo amakaag ayuu Baaskeeladii kaxayn kari waayey,waxa uu ka fikiray in uu Baaskeelada inta uu ka dago in uu sidii caadada u ahayd dheeldheligiisii bilaabo,balse hada waa lays arkay laysmana qaldikaro.

Aw-Jamac iyo gabadhii jidkii ayay isku waydaarteen ,Aw-Jamac isaga oo Baaskeladiisii noloshiisa galafatay saaran ayuu gabadhii dib usoo eegay,iyana inta ay si fiican u eegtay kana bogatay ayaa waxa ay ku tidhi eray afka Somalika ku noqonaaya "" AW-JAAMAC LAGA BILAABO MAANTA ANDHIKAAB MA JIRO. halkaas ayuu Aw-Jaamac ku fashil may lacagtiina lagaga jaray.

W/Q : Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment