SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Diinta iyo Cimilada aad ku nooshahay

Cimilada iyo hadba qofka halka uu ku nool yahay ,waxa ay raad badan ku leedahay habka noloshiisa iyo sida uu u fahmi karo hadba waxii loo sheego.Hadii maanta oo dhan aan kaaga sheekeynaayo dhul kulul oo oomana ah isla markaana lagu cago gubyoonaayo,
way kugu adkaanaysaa in aad si xeel dheer u fahamto kulaylkaasi iyo karkarkaa aan kaaga sheekeynaayo, sababtuna waxkale maaha waxaa laga yabaa in aad kusoo nolol qaadatay dhul aanay cimiladiisu aanay kululayn ahayn isla markaana ay tahay qabaw.

Dadka Somalidu waayadii ay dalka joogeen kuwooda wakhtiyada soo galay wadamada Barafka leh ee Yurub ,Amerika iwm,way ku adkaan jirtay in ay fahmaan sida layaabka leh ee Barafkani uu Samada Ilahay kor yeelay uu uga soo qubanaayo,mararka qaarna waxa ay u arki jireen wax kutidhi ku teen ah ama mucjiso.

Quraanka iyo Axdiista nabigu CSW waxa ay waxbadan inooga sheekeeyaan sadax dhacdo oo lala kulmi doono marka ay dadku Alahood Aakhiro la kulmaan,dhacdooyinkaasi oo kala ah:

1.Janada iyo qaab dhiasmeed keeda.
2.Cadaabta iyo xaalkeeda khatartaa.
3.Qiyamaha iyo waxa lala kulmi doono.

Culimadii Somaliyeed ee hore iyo kuwan casrigaa ee wakhtiyada sida aadka wax u bartay,marka laysku daro fasirka iyo fahamka ay ka bixinayaan Janooyinka Ilahay oo dhan, waxa halhays lama ilaawaan ah u ah in Janada lagu hareer gogley Doog ,Ubax iyo Dhir Cagaaran,kuwaasi oo ay hoostooda qulqulayaan Wabiyo laga cabidoono Biyo ama sharaab macaan iyo Khamro .

Waxa kaloo culimadu dadka u sheegtaa sida Kitaabka ku qoran in Janadu aanay lahayn Kulayal iyo qabaw daran midna,hase ay tahay meel nabdoon,layskuma dilo,cay iyo aflagaado gudaheeda kama dhacdo waa xarun nabdoon,ninka Somaligii isaga oo wax ku qiimaynaaya haraadka faraha badan ee soo hayey ,coladii iyo gaajadii waxa laga yabaa in uu Imaankaba ku hantiyo is-barbar dhiga Janada iyo baahidan uu iminka qabo.

Hadaba u fiirso ,ninka Somaligaa ee reer Baadiyaha ah isla markaana aan waligii helin biyo saafiya,jilaalka iyo kulaylkuna uu yahay mid korkiisa madoobeeyey,colaada iyo ciidan urursiguna uu yahay xaalada kaleya ee markasta ku gadaaman deeganada uu ku nool yahay,marka Janno cabir iyo cabsi la-aan ah looga sheekeeyo saw ku tusi mayso in uu ka fikiro sidii uu ugu nolaan lahaa.

Waxa kaloo aad wax iska waydiisaa, ninka isagu maanta ku nool wadamada horumarka gaadhay, isla markaana aan waligii dagaal arkin,wabiyada iyo durdurada la sheegayaana ay yihiin kuwo daarada uu ku nool yahay iyo xayndaabkiisa ku gadaaman,gaajo iyo haraadna Ilahay uu ka kor yeelay,maxay ayay macno u samaynaysaa faris gaaban oo aan ahayn mid xeel dheer marka uu sheekh u mariyo,uguna bushaareeyo intan uu awalba aduunka ku haystay.

Nin Soomali ah ayaa wadaad kitaab gaab ahi tafsiir quraan iyo axadiis usoo dareeriyey,kuyee Janada waxa aad ka helaysaa Wabi Khamro ah,ninkii reer Miyiga ahaa ee Somaliyeed yaab iyo amakaag ayuu dhabanada qabsaday isaga oo layaaban khamrada la cabaayo ee walibana Janadii udgoonayn lagu dhex sharaabaayo yaab kuyee ""oo miyaan la sakhramayn"".

Hadana waa yaabka yaabkiise waxa uu u qaadan waayey sida Wabigan dhan ee Khamradaa aan loogu sakhramayn, iyada oo uu maalinkasta la arkaayo nin ama qof halkoob oo Khamriya inta uu cabay socodkuba dirqi ku yahay.

Runtu maaha in uu ninkani fahmi la yahay wabigan Khamrada ,balse mushkilada hortaagan ayaa waxa ay tahay fahamka uu marka horaba ka haysto khamrada oo ah mid lagu sakhraamo qofka cabaana uu yahay mid khasaaray.

Wali ilaa hada maan arkin mana maqlin caalim iyo culimo si tafsiir la fahmi karo u sifaysay Khamrigaa Janada lagu sheegay,marka laga tago hadal kooban oo ay soo daliiliyaan culimadu kaasi oo odhanaaya Janada waxaa ku yaal Wabi Khamri ah, balse waa khamri ka duwan kan Aduunka aynu ku isticmaalno.

Nin ku dhaqan wadamada Yurubta isla markaana noloshiisa oo dhan soo arkaayay Khamri la cabayo,waxa laga yabaa in marka uu maqlo in Janadu ay leedahay Khamri,waxa dhici karta in kalgacal iyo jacayl u qabto Khamrigaasi.Lakiin qofka Somaliga Janadiiba waa uu ka shakiyayaa.
Inta badan cadooyinka iyo hadba cimilada aad ku noo shahay iyo is-barbar dhiga Diintu waxa ay sheegayso ,waxa ay qayb wayn ka qaadan kartaa koboca Imaan kaaga ruuxigaa ,waxaana kuu sahlaaya aqoonta iyo heerka uu agtaada ka taagan yahay shayga laysku abaal marinayaa.

Diinkasta oo maanta Dunida korkeeda lagu isticmalaa waxa ay xidhiidh dhaw la leedahay dhaqamada iyo dabeecada dhulka ay Diintaasi ka haw gasho.Diintuna sideedaba wax ayuunbay saxdaa waxba ma badasho,hadii dhaqankaagi iyo cadadaadi ay tahay mid fiican Diintu maaha mid ka hor imanaysa.
Carabtu as-liyan waxa ay waligood caado u lahayyeen sida Somalida, in magta qofka la dilo Geel boqol ah lagu kala qaato magtiisa ,sidaasi oo ay tahay Islaamku markii uu yimi waxba kama badelin.

Kabcada aynu maanta u Tukano ee magalada Maka ,islaamka ka hor waxa ay ahayd xarun dineed wayn ee goboladaasi oo dhan looga yimaado,Islaamku markii uu yimi dhinacii Caqiidada oo kaliya ayaa la saxay ,xataa dawaafkii iyo qaabdhismeedkii ay u cibadaysan jireen Carabtu waxba lagama bedelin.

Diinta marka laga fiiriyo dhinaca caadoyinka ay la falgashay ,dadka dhulkaasi ku nooli way uga fahmi badan yihiin dadka iyagu aan ku noolayn dhulkaa ay Diintu ku soo degtay.Tusaale ahaan .Ilahay markii uu ka waramaayey Geela iyo sida uu u abuuray,waxaa fahmo kara uun ninka Geel jiraha ah iyo hadba ciddii Geelaasi dhaqata,balse way ku adkanaysaa qofka aan isagu waligii arkin Geelba sida wadamada Yurub,maraykan iwm.

Somalidu waa wax ay Ilahay ku mahadiso madamaa dhulka laga soo saaray Nabi Muxamad CSW uu yahay uun isla kan aynu ku nool nahay marka loo xisaabiyo wadamada aadka u fogfog.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment