Ugu horayn sida aynu lawada socono cabirka maanta ee waqtigu waa mid ku qotoma sal-tobanle(base 10), masaaridii hore ayaa isticmaali jiray qalab lagu cabiro
Waxa jira hanan waqti cabir oo guud ahaan caalamka si guud looga isticmaalo kaas oo dhigaya in sanadkii ka koobnaado 365maalmood(marka laga reebo leap yearka)12bilood ,24saacadood. Lamaanaha Maalinta iyo habeenkuna ay dhaxal u helaan 24saacadood.hadaba su’aashu waxay tahay maxay saacadu udhaafi kari wayday 60daqiiqo oo tusaale ahaan unoqon wayday 100daqiiqo ama tiro kale ee aan ahayn lixdanka ay tahay?amaba maalinta iyo habeenku unoqon wayeen 30saacadood amaba tiro ka yar tiraddan ay tahay?Economist :Mohamed Ali Mohamed(Boss)
Ugu horayn sida aynu lawada socono cabirka maanta ee waqtigu waa mid ku qotoma sal-tobanle(base 10),masaaridii hore ayaa isticmaali jiray qalab lagu cabiro waqtiga oo lagu magacaabo (SUNDIALS) taariikhyahanaduna waxay isku raacsan yihiin inay masaaridii
hore ahaayeen xadaaradii ugu horaysay ee maalinta u qaybisa qaybo yar-yar , waxaana markii ugu horaysay ee qalabkan (sundials) dhulka lagu dhidbay oo qiyaastii kubeegnayd 1500BC(1500sanadood dhalashadii ciise ka hore) ayaa sheegi jiray waqtiga isagoo adeegsanaya jihada uu ujeedo iyo dhererka hadhkiisa.Masaaridii hore waxay sii horumariyeen qalabkii sandials ka iyagoo kusoo kordhiyey bir usamaysan sida xarafka T da ah (T-shaped bar),qalabkani waxa uu usaamaxay masaaradii hore inay qorax-soobaxa iyo qorax-dhaca uqaybiyaan 12qaybood oo isla ‘eeg islamarkaana ay isticmaalaan xisaabta (sal-laba iyo toban laha ah)duodecimal system.
Hanaankan ayaa laba astaamoodba ufaa’ido badanaa ,ugu horaynba tirada laba iyo toban mar waxa ay tahay tirada wareeg ee dayaxa sanadkii ,marka labaadna waxa aad ku tirinkartaa xubnaha faraha marka laga reebo labada suul .hadaba lodkii ku xigay ee masaarida hore waxa ay soo saareen waxa maanta loo yaqaan saacad oo katimi marka maalintii loo qaybiyo 12qaybood, sidoo kale waxa isla’ eekaa saacada maaalinkasta marka laga reebo xilliyada kala duwan sida xagaaga oo saacadihiisu ka yara badan yihiin marka labar bardhigo kuwa jiilaalka. Dhinaca kale xeel-dheerayashii cilmiga xiddigiska ee masaaridii hore waxa ay ogaadeen inay jiraan 36 xiddigood oo cirka uqaybiya laba qaybood oo isla’eeg.marka habeenku baxo oo maalintu soo gasho waxa soo hadha 18xiddigood halka marka habeenku soo galano ay soo muuqdan 12digood.
Kadib markii la isku raacay in maalinta 12qaybood loo qaybiyo ayaa waxa sidoo kale masaaridii hore ku dadaaleen sidii ay habeenkana waqti ugu samayn lahaayeen taasoo ugu dambayn keentay in la isla ‘eekaysiiyo maalinta iyo habeenka ,loona qaybiyo 12qaybood sidii maalinta, ugu dambayna waxa ay isku noqdeen wadarta habeenka iyo maalinta 24qurub oo isku mida.
Waxa jiray qalabyo kala duwan oo lagu sunti jiray waqtiga ama lagu cabiri jiray sida clepsydra/ water clock biyo meel xidhan lagu shubayo kadibna si dhibco dhibco ah ugu da’aya meel hoose waxaana ay ahaayeen saacadaha waqtiga lagu garto lana isticmaalo .
Hadii aynu halkaa kudhaafno jaangoyntii maalinta iyo habeenka iyo weliba saacada aynu u yara ruqaansano dhinaca kale ee daqiiqadaha iyo hanaankii lagu fadhiisiyey.
Xadaaradii Bobylonians ka ayaa iyana waxa ay lahayd xiddigiyaal aqoon fiican ulahaa cilmiga xiddigiska taas oo keentay inay helaan bah xisaabeen ku qotoma (base 60) sal- lixdanle kaas oo ay ka dhaxleen Sumerianskii ka horeeyey waana ay sii horumariyeen, inkasta oo aanay cadayn sababta ay udoorteen tiradan ayaa hadana waxa la ogyahay in 60 uu yahay tiradda ugu yar ee u qaybsami karta lix tiro 1,2,3,4,5,6.
Xidigyahankii weynaa ee reer giriik(Greek) Hipparchus ayaa isaguna ka qayb qaatahay hawshan isagoo sameeyey waxa maanta loo yaqaan (latitude line)xariiqda loolka si barbaro ah iyo weliba dhigohoodi(longitude line) kuwaas oo ka kooban <360degree/xaglood> marayana qudbiga waqooyi ilaa qudbiga koonfureed, xiddigyahanku weliba waxa uu kasii shaqeeyey inuu usii jajabiyo 60qaybood xagal kasta oo uu ugu magacdaray daqiiqado (munites) halka lixdankaasina ay usii qaybsamaan 60qaybood oo kale oo iyana uu ubixiyey ilqidhiqsiyo(seconds). waqti ku suntan qarnigii 16aad ayaa la go’aansaday in saacada maalintii iyo habeenkii ee 24ta ahi ay ka kooban yihiin 60daqiiqo saacad walba Waana meesha laga soo dheegtay halkudhigyada cabirka waqtiga ee maanta laga isticmaalo dunida.wixii xilligaa ka dambeeyeyna waxa la isla qaatay in waqtiga hanaanka lagu cabiro.
Ugu dambayn 1967dii ayaa hay’adda uqaabilsan caalamka waqtiga iyo cabirka ee (the International System of Units (SI)) ayaa il-bidhiqsiga ku astaysay jajabka tirsiga qoraxda ee maalinka lakiin markii dambe waxa ay qaadatay sanadka qaybta uu hadda yahay ee ah 60/60saac.
Waxa xusid iyo xiiso mudan in heshiis waqtiyeedka caalamku isla qaatay ay kujiraan (leap seconds) daqiiqado ka badan kuwa caadiga ah taasina ay keento in marmarka qaar ilbidhiqsiyada daqiiqadu ka kooban tahay ay noqdaan 61ilbidhiqsi hay’adda caalamka uqaabilsan waqtiguna ay ka warqabto .
W/Q:- Economist : Mohamed Ali Mohamed (Boss)
Email :-Maxamedboss7@gmail.com
No comments:
Post a Comment