Maansadan aadka u quruxda badan waxaa tiriyey Abwaan Axmed Cali Aadan.Runtii waxa ay maansadani ka turjumaysaa duco iyo Rabbi tuug ku saabsan, in aan Ilahay ac-maasheenii Ramadaanka aanu hoojin inagana aqbalo.
Waatan maansadii Rabadaan dhamaataye:
Cirkan aan dhaqaaq'iyo
Soo dhicid midna lahayn
Misna udub dhaxaadiyo
aan dhiga hayaa jirin
Allii sare u dhaabaw
Rabadaan dhamaataye
Danbi dhaaf Nasiiyeey.
dhulkan aan dhaqaaq'iyo
dheeldheeliga lahayn
Allii buura dhaadheer
Hoos ugu dhardhaaree
dhidibada uga yeelaw
Rabadaan dhamaataye
danbi dhaaf Nasii'yeey.
Allihii dhabada baray
Qoraxdaa mar soo dhalan
Marna sii dhacaysee
Habeenkiyo dharaartii
Sababta uga dhigayaw
Rabadaan dhamaataye
Danbi dhaaf Nasii'yeey.
Biyo qaybi dhay tahay
Qaybina dhanaan tahay
Misna dhaam ku wada jira
Allii teed u kala dhigay
Aanay dhaafi karinaw
Rabadaan dhamaataye
Danbi dhaaf Nasii'yeey.
Allahaan wax dhalinee
Isna aan la dhalinee
dhigga aan lahaynaw
Rabadaan dhamaatye
Danbi dhaaf Nasii'yeey.
Allii Aadam dhoobada
Dhulka uga xantoobshee
Bashar siman ka dhigayaw
Rabadaan dhamaataye
Danbi dhaaf Nasii'yeey.
Waaga dhalashadiisiyo
Ilamaa cadceed dha'ca
Cunno gaws la dhiga iyo
Cabbitaan dhamaantii
Allahaanu dhuuniga
Uga dhaarsanaynaw
Rabadaan dhamaataye
Danbi dhaaf Nasii'yeey.
Saqda dhexe habeenkii
Qiyaam dhuuxu gororiyo
Rukuuc dhabarku daaliyo
Sujuud food la dhiga iyo
Allahaan dhamaantayo
Baryo ugu dhaqaaqnee
Gacmaa hoos dhigaynaw
Rabadaan dhamaataye
Danbi dhaaf Nasii'yeey.
Rabadaan dhamaataye
Kawaad naarta dhababiyo
Rabbaw dhacan ka saareed
Waxay kaa dhursugayaan
U dhabayso naga yeel.
Rabbiyaw dhamaantayo
Camalkay dhitays'teen
Kuwaan laad ku dhufanee
Dhan kastaba cibaadada
Kuugu dhaga nuglaadee
Shaydaan dhufays adag
Kaga dhuunta naga yeel.)
Aamiin aamiin aamiin aamiin.
Maansada waxaa tiriyay Abwaan :Axmed Cali Aadan.
No comments:
Post a Comment