Waxa la yidhi: "Biyo sacabbadaada ayaa lagaga dhergaa". Waxana xaqiiqo ah in aynu aqoonta casriga ah afkeenna kaga bogan karno innaga oo aan isku hawlin afaf kale oo qalaad. Waa haddii aynu garano in ay aqoontu tahay wax loo siman yahay oo aan bulshooyin gaar ah ku koobnayn.
Aqoonta waxa lagaga bogtaa dadaal iyo akhris. Wax kasta oo cilmi ah afkeennana ku qoran haddii aynu waxtarka ku jira akhris iyo faham kula soo baxno, isla markaasna aqoonta iyo macluumaadka kale ee faa’iidada leh afafka kalena ku qoran aynu dhuuxno dadkeennana la wadaagno waa arrin fiican oo wax-ku-ool ah. Markaa akhriska iyo qoraalka waxa malaha wanaagsan in aynu horta akhriska xoogga saarno, waayo dadku marka ay wax badan akhriyaaan ayey qoraal iyo halabuur cusub labadaba ku dhiirran karaan.
Hore waxaynu uga hadallay in uu dadkeenna qoraalku ku yar yahay. Laakiin qoraalka uun ma aha ee akhriskuna waa uu ku yar yahay. Waxaynu odhan karnaa, afaf kale ha inoo joogaane, dhiganayaasha tirsiga leh ee maanta afsoomaaliga ku qoran dad aan badnayn baa akhriya. Taasi markaa waxay mar kasta teed ku noqonaysaa, haddii aanay wax iska beddelin, horukac kasta oo ay dadkeennu ka samayn lahaayeen xagga aqoonta iyo togagga murtida. Akhrisku marka uu yaraado aqoontuna waa ay durugtaa!
Dadkeenna oo keliya uun akhrisku kuma yara ee waxa laga yaabaa in ay Afrika iyo Aasiyaba ku nool yihiin dadyow badan oo arrintaa gaabiska ah innala qaba. Laakiin dadku isku mid ma aha,oo waxa laga yaabaa in bulshooyin badani arrintaas iyada ah ay ku baraarugsan yihiin, halka qaar kalena aanay war isu hayn ee ay murmayaan uun.
Akhrisku waa waxa lagu kala garto cidda doonaysa in ay waqtigeeda ka faa’iidaysato waxna kororsato iyo cidda kale. Barashada cilmiga iyo xikmadda marka laga tago akhrisku waxa uu dhisaa wacyiga iyo fikirka guud ee bulshada, waxana uu ku simaa kolba heerka nololeed ee ay bulshadaasi doonayso in ay gaadho.
Lama koobi karo waxtarka akhriska ee waxa habboon in ay dadkeennu dhaqan wax-akhris yeeshaan, da;yarta iyo ardaydana lagu dhiiri-geliyo. Waxa habboon in guryaha iyo meelaha kale ee ku habboon qaybo ka mid ah laga suurta-geliyo jawi wax lagu akhrin karo kolba intii hayn ahaan la awoodo. Dadkeennu waxay maanta baahi weyn u qabaan aqoon, horumar, waxsoosaar iyo caddaalad; intaas oo dhamina waxay ku xidhan yihiin akhris iyo qoraal. Akhris iyo qoraal marka aynu leenahay waxay u jeednaa wax kasta oo faa’iido iyo khayr leh, waxana inaga reebban wax kasta oo ka hor imanaya diinteenna iyo dhaqankeenna wanaagsan.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
No comments:
Post a Comment