Waxaan halkan ku soo bandhigayaa dhawr arin oo ka mida dabeecadaha dadka.Marka aynu tilmaamayno qof dabeecad wanaagsan waxaynu ku sifaynaynaa inuu yahay:
W/Q:Cabdirashiid Maxamed.
1. Qof waji furan oo hadal macaan
2 .Qof xanaaq yar oodulqaad badan
3 .Qof hadalkiisa ka ilaaliya wax yaalaha dadka dhibaya
4 .Qof ay had iyo jeer ku badan tahay waaninta dadku
5 .Qof ay ku yar tahay aar gudashadu
6 .Qof cafis badan oon calool ku sid lahayn
7 .Qof naxariis badan
Hadaba iyadoo aan la soo koobi kari sifaadka ay leeyihiin dadka ku sifoobay dabeecada wan aag hadaan ka tilmaamo todobadaa qodob
Hadaan isu dul taagno qodob qodob
1-Qofka yeelanaya waji furan iyo hadalmacaan wa inuu yahay qof ku kalsoon naftiisa waa inuu yahay qof aan caloosha waxba ugu hayn bulshadan uu lakulmayo waayo qalbiga furan ayuu ka yimaadaa wajiga furan iyo hadalka macaan
2 -Sideedba waxa keena xanaaqa in naftaada wax layeelo ama hadal xun lagu yidhaahdo markaa hadaanadad isku kalsoonayn waxaad qaadanaysaa inaad ficiltanto oo dagdag uga jawaabto af iyo adinba waayo markiiba waxa kugusoo dhacaya ninka iska celi laakiin hadaad u aragto nin khaldamay waxaad helaysaa kalsooni aad ku samirto samirkuna waaka aad ku gaadhayso dulqaad
3 -Hadaad hadalka aad odhanayso aanad marka hore ee uu uurkaaga ku jiro aanad qiimayn waxay keenaysaa inaad hadal aad adba necebtahay aad dadka kale ku tidhaahdo laakiin hadaad hadalka aad adba necebtahay ka ilaaliso qofka kale hadalkaagu wuxuu noqonayaa hadal aan dhibaato lahayn
4 -Hadaad had iyo jeer isku daydo inaad kofka walaalkaaya wixii qaldan aad kawaaniso sixigmadaysan wixii wacana ku waaniso waxay horsed utahay kalsooni ini dhexmarta iyo talo wadaag
5 -Qofka haysta kalsooni naftiisa ah uma arkayo dhibaato qaladka kaga yimaada dadka kale waayo wuu ucudurdaarayaa qofka ku qaldamay markaa wuxuu helayaa hasilaad ka ilaalisa inuu aar guto
6 -Hadii aadisku kalsoontahay hadii qofku kuuqirto inuu kugu qaldamay wayfududahay inaad dhaafto hadii qaladkii uu kuugaystay uu islasii saxsan yahay laakiin aad u aragto inaad ka aragti horayso iyana way fududahay inaad cafiso
7 -Waxa keena had iyo goor naxariista garashada qofka hadba inta ay leegtahay ayay naxariistiisuna leegtahay
Markaa hadaad doonayso inaad dabeecadaad wax ka badasho waxaan kuu sheegayaa arin fudud oo hadaad si dhaba qalbiga ugu haysa kuu keenaysa inaad yeelato dabeecad wanaag san
Walaalkayga iyo walaashayda qaaliga ahaw hadaad xusuusato arin kastaba intaad ka maqas hay sifaadkii nabiga scw ,oo isku daydo inaad nabigeenii ku dayato way kuu fududaanaysaa tusaale
Marka ay noqoto xaga deeqsinimada oo aad tidhaahdo sidee buu nabigu yeeli jiray marka wax lawaydiisto way kuu fududaanaysaa inaad wax bixiso
Marka wax lagugu sameeyo hadaad tidhaah side nabigu yeeli jiray marka wax loo gaysto wa ykuu fududaanaysaa inaad dul qaadato ama aad wax cafiso markaa walaal miqyaas ka dhigo nabi maxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
No comments:
Post a Comment