Iftiinkacusub.com: Kala duwanashaha Lahjadaa Somaligu, waa mid mararka qaar hadii la isla fahmi waayo khatarteeda iska leh,keenina karta dhibaato dhanka nolosha ah;waana mid ku dhacday dad yaw fara badan oo Somali ah.
Wakhtigan aynu ku jiro waxa aad mooda in dadku ay hayaan ugu jiraan sidii ay u gaadhi lahayeen wadamada Yurub iwm,dadka safaradaasi ku jiraa Somalida oo kaliya maahan ,balse waxa aad moodaa in dunida oo dhami ay fikirka hayaanka wada qabaan.
Hadaba wadamadan marka aad timaado shayga ugu muhiimsan ee la'aantii aanay waxba kuu suuragalaynini waxa uu yahay Sharcigi aad ka hesho wadanka aad joogto,balse qaabka iyo farsadama sharciga lagu heelaa qaddarka Rabbi ka bacdi ,waxa ay u baahan tahay in aad laanta socdaalka ee dalkaa aad iska dhiibtay aad u cadayso sababta aad dalka u timi.
Dad yawga aduunka oo dhami oo ay Somalidu ka mid tahay ,waxa inta badan ay isku dhiibaan hadba halkii ay isleeyhiin waxa aad ku helaysaa sharci iyo goobaha ay markaasi dhibaatadu ka taagan tahay.
Madamaa wadankii Somaliya la odhan jiray aanu lahayn dawlad dhexe oo si sharciya loo aqoon san yahay ,taas awadeed ayaa Somalidu waxa ay isku dhiibtaa kolba halka ay isleeyhiin waxa aad ku qadanaysaan sharci,iyada oo badankoodu amma 100%99 ay dhab ka tahay magan galyo doonistu.
Hadaba waxaa Esweden ka dhacday sheeko aad u qosol badan ,kadib markii laamaha socdaalka mid ka mida,uu iska dhiibay nin dhalinyara ah oo u dhashay Somaliland kaasi oo isku dhiibay koonfurta Somaliya,isaga oo sheegtay in uu kasoo cararay dhibatooyinka ay shabaab ku hayaan dadka.
Khasab waxa kugu ah madamaa aad sheeganayso gobol aanad u dhalan in aan luqadiisa iyo qaab nololeedkiisa aad si fiican u barato,waayo waa waxa kaliya ee lagugu jirabaayo amma wax lagaa waydiinaayo waa gobolkaasi aad sheegatay.
Wiilkii dhalinyarada ahaa ,ayaa waxa loo qabtay balantii waraysiga si wax looga waydiiyo,xaladaha uu markaasi sheeganaayo iyo mushkiladaha ka jira gobolkaasi uu ka yimi.
Sida ay dadkuba inta badan ka warhayaan marka waraysiga laga qaadaayo waxaa lagu balaminayaa turjumaan luqadada yaqaana,hadaba ninkii dhalinyarada ahaa oo fadhiya xafiiska lagu xogwaraysanayay,su'aalahii la waydiinayayna lagu gudo jiro,ayaa ninkii turjumaanka ahaa oo u dhashay koonfurta Somaliya ayaa ninkii dhalinyarada ahaa ee reer waqooyi waxa uu ku yidhi:-
"Aboowe waxa ay ku waydiinayaan meesha aad ka timi"? kadibna ninkii dhalinyarada ahaa oo kalmada Aboowe u haysta *CAY xun,ayaa waxa uu ku qayliyay ninkii turjumaanka ahaa,kuyee "adiga iyo hooyada ayaa aboowe ah aniga mardanbe haygu odhanin".
Murankii iyo fara isku taagtaagi meesha ka dhashay ayaa gabadhii kiiska haysay,waxa ay dareentay in wax ay qaldameen ,kadibna waxa ay waydiisay waxa dhacay ee uu ninkan dhalinyarada ahi uu ka xanaaqay.
Waxa uu ku yidhi turjumaanka,ninkani waxa uu sheegtay in uu Konfurta Somaliya u dhashay,balse kalmada caadiga ah ee qofkasta ee Soomaliyii uu yaqaanana waxa uu isagu u yaqanaa cay,taasi waxa ay ku tusinaysaa in aanu ahayn meesha uu sheeganaayo.
Hadal iyo dhamaan ninkii dhalinyarada ahaa,fahamka qaldan ee uu kalmada Aboowe ka qaatay waxa uu ku wayay dhamaan in wadankii uu iska dhiibay oo dhan uu sharci looga diido ,waxa kaloo u dheeraday dacayadda ay Somalidu ku hayso oo ah "koonfurta Somaliyana waad isku dhiibtay aboowana caybaad u taqanaa xagee laga dheelaa"
Ninkii dhalinyarada ahaa markii wax laga waydiiyay Aboowe waxa uu ka aaminsan yahay waxa uu sheegay in labada kalmadood ee Aboowe iyo Abaayo uu u yaqaano cay xun oo ay reer koonfurku ku cayaan reer waqooyiga, bal-adba.
Waxa ii waramay ninkii ay ku dhacday.
Wabilaahi tawfiiq.
WQ/Khadar Ibrahim Aar
No comments:
Post a Comment