Qarnigan hadda la joogo, dalalka iyo dawladaha caalamku kuma tiirsana oo kaliya; cudud-ciidan,mid dhaqaale, hogaamin hufan, horu-mar, heerka aqooneed iyo midka waxsoosaar ee dadka iyo dawladu leedahay, laakiin waxa udub-dhexaad u ah haayadaha nabad sugidda iyo sirdoonka oo kaalin muhiima ka qaata:
Ogaanshaha weerarada ka iman. Kara dalka gudihiisa iyo dibadda.
Ilaalinta xogaha iyo siraha gaarka ah ee waddanka.
Ka hortagga iyo gacan ku dhigidda. basaasiinta shisheeye.
Ogaanshaha cadowga qarsoon
Soo ururinta siraha iyo siyaasada hadoodilan ee cadowga tooska ah.
Fulinta hawl galada halista ah
Sidaa darteed waxa la odhan karaa: sirdoonka waxa uu xilkoodu yahay raadinta,soo ururinta iyo soo gudbinta siraha qarsoon, si loo xoojiyo xiriirka, danaha, amniga iyo amaanka waddan leeyahay.
Ciidanka loo xusho ka mid noqoshada iyo ka qayb qaadashada waaxaha sirdoonka, waxa loo kala saaraa labo qaybood:
Qayb ugaara dalka gudihiisa,oo usii kala baxda waaxo kala duwan iyo
Qayb ku hawlan sidii ay daboolka uga qaadi lahayeen siraha qalaad ee qarsoon, sidoo kalena waxay fuliyaan shirqoollo loo baahan yahay, waxaana lagu magacaabaa basaasiin.
"BASAAS " waa erey loogu yeedho :
Ruuxa sida shaqsiga udabagala arrimaha gaarka ee qof leeyahay sida; asxaabta, ehelka,qaraabada iyo qariibka.
Qofka ka tirsan ciidanka sirdoonka ee ka hawlgala dalalka shisheeye.
Diin ahaan iyo dastuur ahaanba waa dembi adag basaasnimadu, balse waxa jira xilli iyo xaalad la ogolyahay oo ah, marka la basaasayo colka iyo cadowga ka soo horjeeda dalka iyo diinteena.
Si uu qofku ugu biiro hay'ad sirdoon, waxa looga baahan yahay inuu lahaado:
Geesinimo iyo dhiiranaan
maskax-furnaan
Hal-abuurnimo
Aqoon heer jaamacadeed ah
Waddaniyad iyo waddan-jacayl
Xirfado uu ku shaqaysto,marka loo diro dawladaha iyo dalalka kale, sida: sawir-qaade, saxaafad, darawal, makaanik iyo mihnada kale ee aan laga shakiyin.
Waa inuu ugu yaraan ku hadlaa 2-3 luqadood oo ajaanib ah.
Intaa kadib, waxa la mariyaa badhitaan caafimaad, haddii uu ka gudbana,waxa
Loo bilaabaa tababarka.
Sirdoonka caalamka
Intii ka dambaysay dagaal weynihii 1aad iyo kii 2aad, waxa dunida aad ugu xoogaystay hawlgalada basaasnimo iyo shirqoolada lagu khaarijiyo madaxda,
Adduunkana waxa si qarsoodi ah ugu tartamaya,uguna diriraya ciidamada sirdoonka ee ka tirsan dawladaha iyo dalalka ka midka ah quwadaha dunida,
waxana sabab looga dhigaa:
Dagaalkii 1aad iyo kii 2aad
Dagaalkii Qaboobaa
Dagaalkii dawladaha carbeed iyo yuhuuda.
Dagaalkii fitnam
Soo bixitaankii mintidiinta
Dagaalkii sofiyeetka iyo afghanistan.
Xasuuqyadii siyaasadeed
Colaadda kashmir
Dagaalkii ciraaq
Raadintii usama binu laden.
Si kastaba ha lagu sababeeye,waxa jira haayado sirdoon oo ka sheegan dunida inteeda kale, waxana ka mida:
ISI, pakistan
Waxa la asaasay sanadkii 1948kii, xarunteeda dhexe waxay ku taalaa magaalada caasimada ah ee islamabad.
SIS waa hay'ad sirdoon oo caalami ah, waxana lagu amaanaa hawlihii cuslaa ee ay qabatay waqtigii :
midowga sofiyeeti gudaha ugalay waddanka afghanistan.
Samayntii hubka nukliyeerka ee pakistan oo ay ka dhigtay; gabi ahaanba mid aanay dunidu ka warqabin samayntiisa,inkastoo lagu doodo in markii dambe ay ka war-heshay hay'adda RAW ee hindiya.
Waxa kale oo lagu amaanaa tabaha iyo farsamooyinka cajiibka ee ay ku hawlgasho.
Inkastoo aanay weli xal uhelin daah ka qaadida weerarada DAALIBAAN,waxa lagu magacaabaa hay'adda sirdoon ee ugu xooga iyo xeelada badan dunida.
Hayadaha sirdoon ee bakistan,waxa kale oo ka mida:
MI: sirdoonka ciidamada milatariga
NI: sirdoonka ciidamada badda
IB : sirdoonka difaaca shacabka
AI: sirdoonka ciidamada cirka.
mossad, israel
Waxa la asaasay sannadkii 1949,waxana laga- maamulaa TEL -AVIV.
mossad waxay ka mid tahay sirdoonka adduunka ugu sharka iyo shirqoolka badan, waxa aanay caan ku tahay khaarijinta iyo aar-gudashada.
mossad iyo dilalkii ay ka fulisay.
Sannadkii 1960-kii, mossad waxay dalka arjantiin kasoo afduubtay nin ka tirsanaa hogaankii sare ee NASI- -ga, kasoo dhuumasho ku joogay dalkaas, magaciisina ubedelay "ricardo klemen,balse hore loo odhan"adolf eichman". Hawlgalka waxa fuliyey shan ka mid ah xubnaha ugu muhiisan mossad oo uu horkacayey " shimon ben aharon ". Adolf afduubka kadib waxa la geeyey israiil oo lagu daldalay.
1980-kii waxay dileen yaxye al mashad oo madax ka ahaa mashruucii hubka nukliyeerka ee ciraaq.
1995, dilkii fathi shiqaqi oo ahaa hogaamiyihii "jabhada islamiga ah ee falastiin.
1988, dilkii khaliil alwasir oo ahaa ninkii aasaasay ururka FATAX ee ka hawlgala falastiin.
Dilalkii ay ugaysatay dadkii lagu tuhunsanaa weerarkii munikh ee lagu gumaaday ciyaartooydii israail uga qaybgalaayey olomikada, waxana loo dilay:
Dr: basil alkhubaysi, 1973,paris
Dr: maxamed hashmari,1972,paris.
Xusayn albashir, 1973, qubris.
Axmed bouchiki oo ahaa mudalab, reer moroka ah,1973, waxa aanay ku qadeen"cali xasan"
Cali xasan saalix ,1979, bayruut, cali waxa uu ahaa hogaamiyihii weerarkii munikh ee la magac baxay "sibtembartii madoobayd"
Wadiic xadaad oo ka tirsanaa ururkii dib uxoraynta falastiin, kana qayb-qaatay afduubyo loo geystay diyaaradaha yuhuuda. Waxa lagu dilay dalka biljamka, kadib markii ay mossad sun ugu soo dartay jukulaato uu aad ujecla waxana sidaa buugiisa ku sheegay "aharon klien" oo ah sirdoon yahuudi ah, haatanse hawlgabay.
Mossad waxay xoogga saartaa, sidii ay difaaci lahayd danaha israiil iyo dadka yuhuuda ah oo bartilmeed u ah dadyowga adduunka, waxana Imika madax u ah "yossi cohen "
Sakariye yuusuf cigaal.
No comments:
Post a Comment