In kasta oo halqabsiga qormadu yahay hawraar hore u jirtay, haddana, waxaan u arkay, in uu aad ugu habboon yahay, ku la munaaqashada Maxamad iyo muujinta waxa ay maanta tusayso, hab adeegsigan casriga ah, anoo eraygii dhextaalka u ahaa badalay, si aan loo qabyaaladayn, qolo aan meesha ku xusnaynna aan loo qareen noqon marka xasuusta laga reebo.
Inta kasta oo aanan ku jirin, horena ugu jirin, inta kuu alalaastay, eed eyri go’an uga dhaqaaqday, walina kaa daba wada asqeysan, in kasta oo aanan kugu qaldamin ama kugu qatalmin, haddana, waa hubaal inaadan igu qiyaamayn Wasiirro iyo wajiyo aan cisi iyo cosob lahayn (CEEB IYO CILLAD U JOOGAYAAL!).
In qabiil ama qaab qiireed kuugu qiilisa ama kugu qarisase la ma weynayo, mar walbase waa adiga iyo raadkaaga aad sooyaalka u reebto rafaad iyo raaxo, mid baanse kuugu ballanqaadayaa, in aanan ku jiridoonin, inta berri ku xagxagan doonta! U ekaa oo i su ekaa arrinkeennu, ninkii ambaday, ee markii tolkiisu soo helaanba misana amban jirey, ugu dambayna yiri: Kolleyba waan lumi oo ambane, maxaad iga soo helaysaan ama iiga alalaasaysaan!
Waxaan nahay bulsho aan hubsiimo ku hawlgelin maankooda iyo maskaxdooda, falkooda iyo faalladoodana aan ku habayn si hagaagsan, haddana, marka ay joogto HOGGAAN hiyiraacnimada ku habta heddooda, oo aan hor, hareer iyo halacsan aayamaha. Hoos iyo heeryada ka kor ma dhugato, haddana, intaa waxaan wadnaa haydaaro aan hirasho lahayn.
Inta habac, hanfade, hacoo, hode, hoorri iyo halaage HALYEY loo mooday HUBSIIMO la’aan, haddana laga dhigay hadduu nagu habsaday ka dib hal iyo labo ma ahan, oo had dheer iyo had dhaw ayey hiif, hiirtaanyo, halaanhal iyo noo horseedeen hurgumo wali hugmaya, hadhowna noqon haaraamo aan fiitaddoodii wali raysan. Waxaan ku sugannahay "Had aan lays hanan ee lays hodo!"
Si kale, waxaan ku suganahay "meel laga soo tagay, si loogu noqdana aan lahayn, lana aqoon iyo meel la joogo oon si looga tago lahayn aanna la garanayn!" si ka sii duwan "mooroxun waa kaa sooftaa, makaanxunse kaa ma soofto!"
Maxamad Formaajo, wuxuu galay liis dheer, oo dhalandhoolkiisa wali lagu jiro, dhabba lagu dheelman yahayna aan la kasayn. Saadaal iyo malo jirtay, haddana, codadka badan, caaddifadda ku duldhacday iyo caadka uu fuulay cidna cindiga ma gashan aan ka ahayn, nacayb siyaasadeedka mar walba haga codbixinteenna marka ay suuragasho ama cudud adeegsigeenna marka na la cabburiyo. Xasuuso, Aadan Cadde, wuxuu codka madaxnimo ku waayey hal cod, oo sida la wariyo hore loogu sheegay amminka codbixinta. Xasan Sheekh wuxuu ku helay codadka 2012 is la hilinka uu ku waayey 2017dan, haddana wax la is ka ma weydiiyo, ee mar walba waxaa lagu tilmaamaa ISBADDAL! Eray aan nacay!
Hadda iyo dan, Maxamadoow codkii heshay, madaxweynana noqotaye, horta saarkii ma ku daayey? Ma kaa degay cudurkii uu abwaan Mustafe Sheekh Cilmi u baxshay; "MADAXWEYNE MAR I DHAHA!" anna aan iri "ANNA MUSHARRAX BAAN AHAY!"? Ma macaansatay macnaha madaxnimada, milgaha maaraynta iyo maamuuska maamulka, mise, wali wax baa kuu harsan? Haddaad is leedahay wali waxbaa kuu harsan, waad is dhigatay, qof is dhigtana, in dharbaaxo ku dhacdo ma dheera!
Si walba, mid waan hubaa, in aadan dhergin, mase ogi goorka aad dhergidoontee, dadkii mashxaradda kugu soo dhaweeyey, alalaaska kuu qaaday, alannada kuu tiriyey, kuu heesay, qoraallada badan kugu dhiirrageliyey, anoo ka afkooda ku hadlaya, haddii ay ii oggolaadaan ayaan jeclaystay, in aan kugu wargeliyo oraahdan; Madaxweynoow: qaan MUWAADIN waa qaaxo kugu maqan!
Bulsho ahaan iyo dadkanba, ma dhihi karo waxaa ka ogaal iyo garasho badan labadan gabdhoode, aan dhacdooda gaaban soo koobo. Nin baa gabar loo guuriyay, markii loo aqalgeeyey, ee mashxaraddii iyo alalaaskii dhammaaday, dadkiina ka ka la tageen, habeenkiina ay labo ku noqdeen aqalkii la dajiyey, ayaa ninkii wuxuu gabadhii ku yiri; "Aay ma i daartidoo/taabatidoo?" markaas ayey gabadhii ku tiri; "daardaar ay laka fadee, lankii dibigiisii gaduudnaa la gooriyey/gawracay!" hadda, dadka dhibka iyo kulaylka haysta haddii aysan garan, ee adiga kaa sugaan, in aad ka bixiso, wax badan way sugayaan.
Marna, gabar ayaa waxaa u soo xodxodosho tagay rag badan. Gabadha waxaa ku taagan qodox. Maadama miyi la joogo, waa muhim, in qofku wato middi iyo wax la mid ah, si ay waxyaabo badan uga xirmin. Gabadhii nin walba oo u yimaad waxay weydiiysaa; "Aw SARTO[1] iyo SIIBTA[2] kabtee/qabtee?!" kii kasta oo "maya" Ku warceliya, waxay ku tiraa "is ka bax" markii dambe ayaa waxaa u yimid wiil wata, markaas ayey ku tiri: "Aw adi laka fadee!".
Ogow hagrasho, hagardaamo, haadaan iyo hog ka tuur kaa ma ahan, hadday kaa tahayna hadba u ma helidoontid, ee baxaalligeenna dhaqan ayaa sidaa ah, walina aannaan ku baraarugin, si walba oo uu noo luggooyey, luud iyo luufluufna na geliyey, nagana reebay loollanka iyo legdanka bulshooyinka kale ugu jiraan nolosha iyo hormarka ilbaxnimo. "Geed caleemo weynoo, geelu daaqinaa jira!"
Qaanta kugu maqan, ee qaaxada kugu noqonaysa, hadda, had dhaw, had dheer iyo had walba, waa ballamahaagii, ballanqaadyadaadii, baaqyadaadii, baahida bulsho, bogga iyo beerka is ku dheggan, biya la’aanta, barakacayaasha, beerahaan abuurreyn, bakaaraha maran, badar la la’yahay, beecmushtarxumo, biil iyo beeso la’aan, boob, bililiqo, biri ma gaydo gawricid, bombo qarxin, bilis dulmin IQKB, haddiise boojo, boolaxufto iyo boos bannaysi ay kaa eheed, oyba kaa noqon karto Madaxweynoow: qaan MUWAADIN waa qaaxo kugu maqan!
"Horta waa mide
Madaxtooyooy
Yaa ku maamula?
Madaxweynoow
Yaad u maqan tahay?"
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
No comments:
Post a Comment