Qoraalkan aadka u kooban waxaan ugu tala galay oo kaliya inaan talo usoo jeediyo saxafiyiinta, sawir qaadayaasha, iyo Tifaftirayaasha saxaafada socod baradka ah ee somalia ee ku shaqeeynaayo xaalado aad u dhib badan iyo duruufa ay adagtahay in saxaafadu ku kobocdo misna ka guul gaadho hadafka ay higsanayso oo ah in dadka laga haqab tiro warar, faalloyin, iyo maqaalo ka turjumaya waxa ka socda dalka. Qoraalka maha mid ku socda Baraha internet ka iyo Wargaysyada u adeega danaha kooxo gaar ah.
Maalmihii la soo dhaafayay qurba joogta Soomaalida waxay garwaaqsatay muhimada qalabka wabahinta u leeyahay bulshada wargalinteeda. Waxay isha ku hayeen daqiiqad kasta waxa baraha internetka ugu afka dheer kuwa Somalida ka qoraan dagaalka siyaasada daba ku hayo ee dalka ka qarxay.
Soo tabinta dagaalka iyo xaqiiqda dhabta ah ee meesha ka jirta looma simanayn. Saxaafada qaar waxay ahayd kuwa usoo gudbinaayo dadka gobaha dagaalka ka dheer jooga sawir macne u samaynaayo . maxaa dhacay? Yaa ku hardamaya dagaalka? labada dhinac meeqaa ka dhimatay? Maxaa dhaawac ah? Dhul intee la eg ayaa lagu kala qabsaday? Dadka Rayidka ah maxaa khasaare ah oo soo gaaray? Yaase looga itaal roonaaday dagaalkan culimada waa wayn ee soomaaliyeed ku sheegtay mid fitna ah?
kuwa kale ayaa bilaabay inay lumiyaan dhexdhexaadnimadii saxaafada looga bartay iyaga oo siyaabo kala duwan ula kala saftay kooxo gaar ah taasi oo macnaheedu yahay qarinta jabka kooxdu u webkaa sida gaarka ah u taageero iyo buunbuuninta jabka kooxda kale haleelay. Meeqa Murtad ayaa bakhtiyay? Maxaa ka shihiiday koox hebel? Iyo ereyo kale oo an haboonayn in xilligan lagu hadaaqo.
Aan usoo dago biya dhaca qormadan aan ugu magac daray "TALO SOO JEEDIN" ee ku socota bahda ku lug leh warbaahinta dalkeena hooyo. Intii dagaalkan Muqdisho ka qarxay bilowday waxay saxaafada soo bandhigaysay sawirro naxdin leh kuwaa oo aan saluugay soo bandhigidooda. Waxaan arkay wiil Soomaaliyeed oo xiran dharka ciidanka dawlada oo loogu yeeraayo "MURTAD". Waxan arkay mid kale oo cimaamad wato oo la bahdilaayo. Iyada oo aan ognahay ka saxaafad ahaan dagaalkani yahay mid hooyo Soomaaliyeed ku gablamayso wiilasheenana ay ku dhimanayaan ayaan hadana u bareernay inaan maydkiisa oo yaal goobta dagaalka Kaamarad la raacno oo Sawiro naxdin leh ka soo qaadno.
Intii uu bilowday isticmaalka aaladan sawirada lagu qaado mawduucan waa mid dunida oo dhan lagu kala qaybsanyahay. Saxafiyiin waa wayn ayaa qaba in dadku xaq u leeyihiin inay ogaadaan wax kasta oo dhacaayo saxafiguna xaq uleeyahay inuu dadka usoo bandhigo waxa uu shakhsi ahaan la kulmay. Kuwa kale ayaa qaba inaysan anshax ahaan haboonayn sawirka mayd yaalo goob dagaal in la qaado.
Wariyayaal badan oo ku dhiiraday falkan xilliyadii Maraykanku ku jiray dagaalkii 2aad ee dunida, kii Vietnam, iyo kan hada ka socda dalka Ciraaq iyo Afghanistan waxay la kulmeen canbaarayn ba’an, qaarkoodna waxaa lagu abaal mariyay in lagu magacaabo khaa’inul wadaniyiin. Kuwa ayaa ku mutaystay in loogu hanjabo dil.
Dadwaynaha Maraykanku waxa ka simanaayeen marka laga reebo tiro aan badnayn in hal meel looga soo wada jeesto sawir qaadihii soo sawira gabdho iyo wiilal xiran direyska ciidanka Maraykanka, gudanayana waajib dalkiisa ka saaran.
Anshaxa saxaafada waa muhiim waana udub ka mid ah tiirasha ay ku taagantahay saxaafada casriga ah sidaa daraadeed waxaan rabaa inaan mid mid ula hadlo sadexda kooxood ee aan kor kusoo xusay oo aan isleeyahay way baajin karaan in sawirradan foosha xun bulshada la dhex keeno.
Mudane Sawir-qaade aniga oo ogsoon in aad xaq uleedahay qaadida sawir kasta oo aad u aragto mid bulshada anfacaayo, sharciga saxaafadana ku siinaayo xuriyad kaamil ah oo aad ku duubi karto kuna qaadi karto sawir kasta oo aan diinta ka hor imaanayn waxaa haboon inaad iswaydiiso inta aadan sawirin maydka yaalo furinta dagaalk waxii aad ka samayn lahayd hadii qofkani yahay mid aad taqaano waliba kuwayn qalbigaaga. Waxa aad samayn lahayd hadii qof kani yahay mid kamid ah eheladaada kuwa aad ugu jeceshahay. Waxaan filayaa in jawaabtu maya tahay.
Hadii aad tahay qof qadarinaayo quluubta dadka uu ka geeriyooday qofkan dagaalka ku dhintay ama aqoonta gaar ahaaneed uleh waxaa kuu soo baxaayo inaysan haboonayn inaad murugo galiso quluubtooda. Sidaa daraadeed ka dheeroow inaad wiil Soomaaliyeed oo maysdf ah sawirkiisa soo qaado si dadku u daawadaan.
Mudane Wariye maadaama hawshaadu tahay mid nagu wayn, dhagtana aan u taagayno jabaqda kaa soo yeeri doonta daqiiqad kasta waa inaad isku daydaa inaad ka reebto warbixinta aan dhawrayno sawirada aan kor ku xusay. Waa inaad dareenta inaad tahay qof bulshada dhexdeeda ku leh maqaam. Waa inaad ka fogaata dhaawaca quluubta dadka Soomaaliyeed ee ka naxaya sawirada Wiilasha dagaalka sokeeye ku dhimanaya ee" Ma liibaanayasha lagu liibaanay loogu magac daray."
Mudane Tifaftire waxaa tahay qofka ugu danbeeya ee miiskiisu ku soo dhacayo sawiradan naxdinta leh, ha ahaado film qof la tooganaayo, mid la gubaayo ama mid ciida quruqriyay oo waa hore xabadi leeftay. Waxaa tahay " Gate-keeper" oo macnaheedu yahay inaad sii dayn karto ama xanibi karto warbixin kasta oo dhiillo xamnbaarsan iyo inaad ka reebto qoraalka wariyaha kusoo gudbiyay wax kasta oo aad u aragto mid khilaafsan Sharciga iyo anshaxa saxaafada. Tifaftiruhu waa inuu ilaaliyaa sidoo kale wararka lidka ku ah danaha Dalkeena, Diintena, iyo Dadkeena.
Dunida maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ah. Mid kasta waxay wax kasta ka hormarisaa danaha qarankeeda "national interest" ama amniga dalkeeda "national security" waxaase la isku dhaafay sida anshaxa wanaagsan loogu dabakhaayo saxafaada maanta jirta.
Mudane Tifaftire waa inaad kala saartaa ra’yiga saxafiga iyo warka oo ah laba shay oo aan is qaadan karin. Waa inaad u carbisaa Wariyayaasha inay noqdana kuwa ku eg soo tabinta waxa dhacay, meesha uu ka dhacay, sababta uu u dhacay, goorta uu dhacay, iyo sida uu u dhacay.
Mudane tifaftire waa inaad ka dheraataa isticmalka ereyo kooxo gaar ah ku hal qabsadaan sida; Xukuumada Ridada, Khawaarijta, Takfiirka, Ciidanka Alle, Cadawga ilaahay, Mujaahid, Murtad iyo kuwa kale oo badan maadaama dagaalka maanta socdo ay culimo waawayn ku tilmaameen inuu yahay mid fitna ah labada qolana aysan jirin mid isu aqoonsan kuna qanacsan magaca loogu yeerayo.
W/Q: Cabdiraxiim.
No comments:
Post a Comment