SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaabadan: Cimiladii iyo aniga ayaa heshiin waayey!

Xeel-dheere ku takhakhusay dhinaca cilmiga barashada saadaasha hawadda ee loo yaqaano Meteorological, kaasoo ka shaqeyn jiray wakaaladda sahaminta cimiladda hawadda, ayaa ka fadhiistay shaqadii uu ka hayey wakaaladdaasi, ka dib, markii muddo dhowr-billood ah ay soo food saartay in ay kala duwanaadeen cimiladdii iyo war-biximihii uu kaga faaloon jiray saadaasha hawadda, taasoo sababtay in khal-khal iyo jahwareer weyni ku abuurmo dhamaan bulshadii ku noolleyd degaanaddii uu ka soo jeeday Khabiirkaas.

Isla-markaana muddo yar ka diba, waxa uu go’aansaday in uu iskaga tago shaqadii uu ka hayey wakaaladda cimiladda saadaasha hawadda, taasoo, mar wax laga weydiiyey, sababihii ku kalifay shaqo ka tagidiisa, khabiirkaasi waxa uu kaga jawaabay:- " Anniga Iyo Cimiladdii ayaa heshiin waayey ".

Haddaba, marka aynu eegno hab-dhaqanku waxa uu ka shaqeysiiyaa go’aan qaadashadda maskaxaha aadamaha, haddana way ku kala aragti duwan yihiin indheer-garadka iyo indhakugaraadluhu, sababtoo ah, waxa aad arkeysaa, Suldaankii iyo dhaqankii oo heshiin waayey, Wadaadadii iyo wacdigii siyaasadda oo heshiin waayey, Gudoomiye xisbi iyo musharixiisii oo heshiin waayey, Wasiiro iyo nidaamkii siyaasaddeed ee ay ku haggi lahaayeen hiigsigii lagu gaadhi lahaa himiladda oo heshiin waayey, Indhdeer-garadkii iyo Indhakugaraadlihii oo heshiin waayey.

Marka aynu ka nimaadno arrimahaas oo dhan, waxa aynu leenahay hindise iyo awoodda ka jawaabta marka ay wax dhacaan, waxaana suura-gal ah, in aynu noqon karno kuwo ay ka hooseyso heerka lagu qiimeeyo qiyaasta cabbirka dareenka aadamaha.

Taasoo dhinaca maareynta suuggaanta erayaddana, waxa lagu macneeyaa Indheer-garadku in uu yahay, Hindisaha oo kaliya, laakiinse, marka taasi laga yimaado, waxa lagu lamaaneeyaa kartida awooddaha ay leeyihiin aadamuhu, sababtoo ah, maadaama aynu nahay kuwo uu xil ka wada-saaran yahay dhamaan nolosheena.

Sida la wadda-aqoon sanyahay waa wax dabiiciya Indheer-garadnimadu, waxaana lagu tilmaamaa in ay leeyihiin dadka indheer-garadka ahi karti awoodeed oo aad u sareysa, mana’aha kuwo ka indha’la xaaladdaha hab-dhaqan iyo xaaladdaha duruufeed ee ku gadaaman, waxaana gun-dhig u ah, oo lagu qiimeeyaa hab-dhaqanadooda ayaa ah, kuwo soo saara doorashooyin miyir-qaba, in ka badan kuwa ay soo saaraan shardiyaddu, taasoo ay gun-dhig u tahay dareenku.

Haddiiba ay nolosheenu la shaqeynayso hadba, xaaladda aynu ku suganahay, innagoo haysana go’aan qaadashadda miyir-qabka, ama fullin la’aanta arrimaha qaar ee inta badan lagu tixgalinaayo sababo jira awgeed, miyeynaan odhan karrin, taasi waxa dooran lahaa, in awood lagu siiyo, kuwa doonaya innay inna xakameeyaan.

Dadka indheergaradka ahi waxa ay leeyihiin awood gaar u ah oo ay ku xanbaaraan cimiladda, ha noqoto cimiladdaasi mid rooban ama ha ahaato mid iffaysa oo aan iyagga isbaddel ku sameyneyn, waxaana kuwaasi lagu qiimeeyaa inay yihiin haggayaal, laakiinse, haddii lagugu qiimeeyo shaqo wanaagsan iyo wax soo saar tayo leh, taasi, maaha mid ka shaqeysiisa cimiladda, sababtoo ah, cimiladdu wax-bay haggtaa ee lama haggo.

Halka ay dadka indha-kugaraadlaha ahi ay soo gaadhsiiyaan dhibaatooyin iyo wax-yeelooyin deegaanadda ay ku nool-yihiin bulshaddoodu, marka ay cimiladda bulshadu ay si fiican u daaweyso dadkiisana, waxa ay dareemaan caafimaad, marka ay dadkiisu waayaana, waxa ay noqdaan kuwo difaaca, sidoo kalena, waxa lagu tilmaamaa in ayihiin kuwo dhisa niyadda xayn-daabka ku wareegsan hab-dhaqanka nollosha dadka kale, isla-markaana, waxa ay ka xakameeyaan dhinaca baahiyaha awooddaha ay dadku ka liitaan.

Awoodda rabitaanka degdega ah ee hooseeysa, waxa lagu sifeeyaa in ay tahay sida cabbirka maayaddaha oo kale, taasoo lagu qiimeeyo nuxurka shaqsiga indheer-garadka ah, kuwaasoo ay haggaan fikraddaha qiimahoodu aadka u sareeyo, ee sida fiican loogaga taxadiray, isla-markaana, leh xullasho sarre oo qiimo badan iyo dhex-dhexaadnimo, halka, dadka indha-kugaraadlaha ahina ay haggto hawadoodu, ha noqoto xaaladdaha duruufeed ee ku xeerran deegaanadooda.

Laakiinse, marka aynu sameynayno kala doorashadda, waxa aynu noqonaa indha-kugaraadlayaal, kuwaasoo intooda badan wax-yeelooyin gaadhsiiya qaab-dhismeedka deegaankoodka, haddii ay cimiladdu u wanaagsan tahay, waxa ay dareemaan wanaag, hadday xun-tahayna, waxa ay wax-yeeleeyaan arragtida iyo habka fullinta-hawlaha ay u socdaan.

Haddaba, akhriste sideebaynu ku fahmi karnaa Hoggaamiyaha Indheer-garadka ah iyo Hoggaamiyaha Indhakugaraadlaha ah.?

Qoraa/Maxamed Faarax Qoti

No comments:

Post a Comment