Bari waxa jiray nin la odhan jiray dhalin ileeye. Dhalin ileeye dadku waxay ku tilmaami jireen qof aan garaad ku filan lahayn, laakiin nin caqli badan oo aan dadka badidoodu ogayn ayuu ahaa. Waxay daganaayeen hawd guntii, gaar ahaan meel u dhaw magaalada burco. Dhulka hawdku inta badan waa dhul bahal badan, cabsi iyo khatar badana leh oo geel mooyee aan xoola kale lagu raacin. Haddaba dhalin ileeye reerkoodu wuxu ag daganaan jiray buur wayn.
Waxa diyaariyay :Nagiib Cabdi Raabi.
Dhalin ileeye wuxu lahaa sheekooyin cajiiba iyo murti badan oo dhaxal gal ah. Marka uu wax sheegayo dadku waa iskaga qosli jireen iyagoo dhayalsanaya hadalkiisa, laakiin dib ayaa laga ogaan jiray murtida iyo qiimaha uu hadalkiisu xambaarsanyahay. Mar marka qaar wuxuu sheegi jiray waxyaabo aanay dadku fahmi Karin, markaasaa inta lagu qoslo oo laga ruwaayadsado la odhan jiray waa caqli xumadiisii.
Waxay sidaa ahaataba, maalin maalmaha kamida ayaa dhalin ileeye intuu reerihii la hadlay ku yidhi "tolkayow buurtan garabkeeda innaga rara oo meel kale aynu u guurno". Dadkii markay hadalkaa maqleen ayay qosol isku dareen, kolkaasaa iyaga oo yaraysanaya ay ku yidhaahdeen "oo dhalin ileeyoow maxaa dhacay, ma colbaa inagu soo duulaya?". Dhalin ileeye ayaa yidhi " mayanee buurtan ayaa saancad iyo balaayo leh, oo haddaan laga guurin maalin ayay gorayo heeryaysani inagaga soo bixi".
Wixii dad meesha joogay ayaa qosol afka jabiyay, waxay yidhaahdeen " maantana ma waxaasaad keentay dhalin ileeyoow?. Waar wax caqliga gala la kaalay, gorayo heeryaysan halkay joogto adaa sheegiye". Dadkii oo leh waa hadalkiisii aan macnaha lahayne inaga daaya ayaa halkii ku dhaafay. Dhalin ileeye ayaa markuu arkay dadkii oo hadalkiisii yaraystay wuxu yidhi "waynu eegi doonaa".
Barigaa haddaba dadku waxay guran jireen baalka gorayada, kadib waxay u iib gayn jireen dibadaha oo lagac fiican baa laga siisan jiray. Sidaa darteed dadku gorayada way dhaqan jireen oo waxay u samayn jireen aqallo ay galaan, si ay baalasha uga gurtaan. Markaa buurta ay dhalin ileeye reerkiisu garab daganaa waxa ka danbeeyay reera kale oo dhaqda gorayada. Gorayooyinka habeenkii ayaa guryo lagu xerayn jiray, subaxiina waa la dareerin jiray si ay u soofaan.
Maalin ayaa gorayooyinkii la illaaway in la sii daayo oo ay dhulka u calaf doontaan. Subaxii markay gaadhay wakhtigii la sii daynayay gorayooyinka ayay isku yaac-yaaceen, dabadeed ayaa midba dhinac u caymadday aqalkii dhexdiisii. Gallin markay aqalkii dhex socsocdeen ee kadinkii laga furi waayay ayay gadoodeen oo ay damceen inay aqalkii xoog kaga baxaan. Siday kolba guriga dhexdiisa dhinac ugu ordayeen ayaa mid kamidii kabad aqalka ku dhisnayd oo jilisan afka ku daloolisay, markaasay ka dhex baxday aqalkii oo ay dibada is taagtay.
Markay guriga ka dhex baxday ayaa waxay dhabarka kusii qaadatay kabad guriga ku dadbanayd. Gorayadii ayaa orod is bidday iyadoo kabad ama heeryo dhabarka ku wadata, gorayooyinkii kale iyaguna oodda ayay jabiyeen oo way baxsadeen. Gorayadii oo kabaddii dusha ku wadata oo aad moodid inay rarantahay ayaa buurtii kasoo dhacday. Waxay kusoo baxday dhinacii dhalin ileeye reerkiisu daganaa. Dadkii ayaa fajacay markay arkeen gorayada raran oo waxay yidhaahdeen " alla bal gorayadan heeryaysan eega dadaw". Dhalin ileeye markuu arkay ayuu yidhi " maxaan idiin sheegayay".
Sheekadan dhalin ileeye waxa ka dhashay hadal murti ah oo dadku inta badan adeegsadaan. Mar kasta oo arrin laga baqayo haddii laga hortagi waayo inay wax aan la filayn ka yimaaddaan ayaa waxa la yidhaa " wallee haddaan kadinkaa laga guurin gorayo heeryaysan ayaa kasoo gali", taas oo laga wado, haddii arrintaa laga hortagi waayo wax aan la filayn oo laga fajaco ayaa ka dhalan doona
No comments:
Post a Comment