Aqoontu waa marka qofku uu barto wax uusan horay u aqoonin, waxaaan
loo qeybiyaa labo qeybood oo kale ah. Aqoon laga barto waayaha iyo
cimriga kaas oo ah cilmi dhegood ama noloshu ay ku bartay iyo mid
aad ka baratay Macalin ama Professor taas oo ah midda ugu fiican
marka lagu daro waayo aragnimo aqoontaasi aadbay u anfacaa qofka.
Waxbarashu
waxaa ay kaa qaadeysaa hoos waxaa ay kuu qaadeysa kor ama dabaqada
sare waxayna kuu suuro gelineysaa in aad heshid nolol wanagsan oo
qiimo leh oo ka duwan tan uu ku nool yahay qofka aan waxba
garaneynin ama iska xoogsattada ha.
Waxaa intaasi dheer aqoonta
labaranayo oo ah mid aad u kala duwan waxaa ugu waa weyn waa labo
qeybood oo kale ah aqoon ku saabsan aduunka iyo sida loogu noolaado
iyo mid la xariirta qofka aakhiradiisa taas oo ah tan ugu mihiimsan.
Tacliinta ugu horeysa ee laga doonayo qofka Muslim aka waxaa ugu
horeeya koow in uu barto marka hore Diinta Islaamka ugu yaraan tan
asaasiga ah sida Salaada, Soomka, Xajka, Zakada,Jihaadka iyo dhamaan
inta kale ee aan cibaada looga maarmin, markaas kedib waxaa uu qofku
baranayaa wixii kale oo la xariira aduunyadiisa.
Waxaan sidoo kale
laga rabaa qofka Muslimka ah in uu Qur,aanka barto oo uu ku dhaqmo
si ilaahey ugu fududeeyo wax kastaee uu doonayo aduunka iyo
aakhiraba, waana aqoonta ugu fiican ee uu barto qofka Muslimka
ah.
Sidoo kale hamoogaan aqoontaada aduun oo hanoqonin qof wixii
uu ubaahdaba qof kale ugu yeerta ee ugu yaraan wax uu ka baro
farsamada aduunka midda aad isleedaahay waa ku anfici doontaa, balse
xasuuso Allah SWT wax kasta oo aad sameyneysid si uu Allah kuugu gar
gaaro oo uu kuu gaarsiiyo meel sare oo ah meel aan laga dhimaneyn
iskana ilaali in aad ku caasisid oo aad Shaydaan raacdid, waayo dadka
raaca meel xun iyo naar ayuu u horkacayaa.
Ilaahey hanoo naxariisto. Aamiin
W/Q: Daahir Maxame.
No comments:
Post a Comment