SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

TAARIIKHDA IMAAMU-SHAAFICI (AUN)

Rag badan oo kamid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka ayaa waxay qoreen kutub ugooni ah taariikhda imaamu shaafici waxayna kahadleen cilmigiisa, sharafta ilaahay siiyay, qiimaha uu uleeyahay umada islaamka iyo sida uu diinta islaamka usoo nooleeyay waxaa kamid ah culamadaas xaafith al-bayhaqi, ibnu-abiixaatim iyo xaafith ibnu-xajar al-casqalaani dhamaantood alaha unaxariisto ragaas kadib Qofka ku shakiya daraja imaamu shaafici wuxuu lamidyahay qof ku shakiyay maalinimo eyadoo qoraxdu dheertahay.

Taariikhda imaamka waxaan kasoo guuriyay kitaabka layiraah (tawaalii al-taasiis limacaalii muxammad binu-idriis al-shaafici) waxaa qoray imaamka wayn ee layiraahdo (al-xaafith al-kabiir ibnu-xajar al-casqalaani)

1- WAQTIGII UU DHASHAY

Taariikh yahaniinta islaamku iskuma khilaafin waqtigii imaamku dhashay (al-xaafid-al-xaakim) wuxuu yiri ma ogi wax isku khilaafay arinkaas wuxuu dhashay imaamku taariikhdu markay ehayd 150 hijra nabawiyah taasoo ahayd sanadkii uu geeriyooday imaamu abuuxaniifah alaha uwadanaxariisto wuxuuyiri (al-xaafid ibnu-xajar al-casqalaani)waxaa culumadu kaqaateen dhalashadaas iyo geeridaas labada imam ee iskusoo aaday in imaamu shaafici uga bedel noqonayo imaamka kale cilmiga fiqhiga. 2-MEESHUU KUDHASHAY

meeshuu kudhashay imaamku alaha unaxariistee waxaa lugusheegaa laba meelood ookala ah (casqalaan)iyo (gazza)al-xaafid ibnu-xajar al-casqalaani wuxuuyiri labadooda waxaa xoogbadan inuu kudhashay casqalaan waxaa sidaas soo guuriyay culuma aad loogu kalsoonyahay oo kamid ah ahluxadiithka kuwaas oo ah ibnu-abii-xaatim,abuuxaatim,camar binu-sawaad,hasa ahaatee labadoodu isma diidana oo gazza waa tuulo casqalaana waa magaaladii laga xukumay.

Casqalaan waa magaala kutaala falasdiin bada xeebteeda waxay udhexaysaa gazzah iyo jibriin waxaa ladhihijiray (caruusul-baxar)waa meeshii ciidanka muslimiintu kusoo xirajireen si ey u ilaaliyaan dhulka muslimiinta.

Imaamku asagoo kujira uurka hooyadiis ayaa aabihiis u safray meel kamid ah (shaam) halkaasoo uu ku dhintay kadibna waxaa dhashay imaamka markuu gaaray labasano ayaa hooyadiis u soo waday (makkah al-mukarramah) halkaas ayuuna kusoo koray.waxaa kamid ah sharafta ilaahay siiyay imaamka wuxuu ku dhashay uuna kusoo koray dhulka barakaysan ee looyaqaan (al-ardul-muqadasah)


3-ABTIRISKIISA
Abtiriskiisu waa sidaan soo socota muxammad binu-idriis bini-cabaas bini-cuthmaan bini-shaafic bini-saaib bini-cubayd bini- cabdi yaziid bini-haashim bini-cabdil mudallib bini-cabdi munaaf bini-qusayi waxay nabiga (scw)isagasoo dhacaan cabdimunaaf abtiriskaasi wuxuu muujinayaa inuu ahaay imaamku quraysh oo ah qabiilkii nabigeenu(scw) kadhashay.

Imaamka magiciisu waa muxammad naynaastiisuna waa Naasirul-xadiith waxaa kaloo ladhihi jiray abuu-cabdillaah.Hooyadiis waxay ahayd reer azad diinta islaamkana aad ayey utaqaanay waxaa lasoo guuriyay qiso ah imamka hooyadiis iyo naag kale iyo nin ayaa maxkamad marqaati kafurayay markaasaa qaaligii( makkah al-mukarramah)wuxuu damcay inuu laba meelood kala fariisiyo labada dumar ah.

Markaasay imaamka hooyadiis waxay kutiri qaaligii xaq umalihid inaad nakala fogaysid waxayna soo daliishatay aayada 282 (al-baqara)oomacneheedu yahay daynka marqaati uga dhiga labanin hadaad waysaana uga dhiga nin iyo laba dumar ah si hadii midi ilaawdo mida kale uxasuusiso wuxuu yiri(al-xaafith ibnu-xajar al-casqalaani)kani waa daliil xoogbadan oon dadku lawada imaakarin,taasi waxay tusinaysaa aqoonta ay u leheed diinta.

4-WAXBARASHADIISII

Imaamku wuxuu xifdiyay (qur’aanka kariimka ah) asagoo todobajir ah kitaabka layiraahdo (al-muwadha) oo imaamu maalik leeyahay wuxuu xifdiyay asagoo tobanjir ah sidaas waxaa soo guuriyay (al-xaafith al-khadiib) imaamku wuxuu ahaa agoon hooyadiis sookorsatay oon xoola lahayn mucallimkiisuna wuxuu imaamka hooyadiis uga qanacsanaay inuu ardada uga tagto markuu meel aadayo .

Markuu bartay (al-qur aan al-kariim) ayuu galay (masjidul-xaramka) si uu cilmiga u barto wuxuu ku qorijiray cilmiga lafaha markay bataana wuxuu ku ridijiray caashuun wayn gurigiisu wuxuu makkah uga yaalay (shicbu al-khayf.

Sidaas waxaa sooguuriyay (ibnu-abiixaatim) Imaamku wuxuu u baxay baadiyaha (makkah) asagoo jira todoba iyo toban sanowuxuu u tegay qabiil layiraahdo (hudeyl) si uu korka uga qabto gabayadooda, reer hudayl waxay ahaayeen laba qaybood waxayna kaladeganaayeen woqooyiga iyo koofurta magaalada (makkah al-mukarramah)dhamaantood waxay caan ku ahaayeen gabayada iyo fasaaxada luqada carabiga .

Imaamku intuu lajoogay qabiilkaas wuxuu kabartay luqada iyo fasaaxadeeda, sidaas waxaa wariyay(imaam al-aabarii) wuxuu aaday imaamku al-madiinah-almunawwarah hijradudu markay ahayd 170 halkaas oo imaamu maalik uu kula kulmay kadibna wuxuu aaday yaman hijradu markay ahayd 179 .

Muddo ka bacdi wuxuu aaday masar halkaasoo uu kudhisay mad habkiisa kadib wuxuu aaday ciraaq hijradu markay ahayd 195 wuxuu kusoo laabtay masar 198 hadana wuxuu aaday makkah al-mukarramah misana wuxuu kusoo laabtay masar 199 halkaas ayuu joogay ilaa ilaahay ka oofsaday maalin jumca ah bisha rajab hijraduna ahayd 204 waxaa lugu aasaqabuuraha loo yaqaan (maqbaratu banii- cabdil-xakam)

Imaamka safaradiisu waxay kusaab sanaayeen cilmigabarashadiisa iyo baridiisa, waxaa imaamka lawaydiiyay sideebaad ugu dadaashaa cilmiga wuxuu kujawaabay sida qofka bakhiilkaahi ugu dadaalo xoolaha uu haysto oo kale. hadana waxaa lawaydiiyay sideebaad uraadisaa cilmiga barashadiisa wuxuu kujawaabay sida hooya wiil madiyihi kalumay ilma kalena aan leheyn sidaas waxaa wariyay(ibnu-abiixaatim)

5-CULAMADII UU KABARTAY CILMIGA

Imaamku wuxuu waxka bartay dad farabadan (xaafith ibnu-xajar) wuxuu yiri culamada imaamku waxka bartay waa 79 todobaatan iyo sagaal shiikh waxayna kala joogeen shan meelood makkah al-mukarramah sida sufyaan binu-cuyeynata,muslim binu-khaalid,saciid binu-saalim,cabdulmajiid binu-cabdilcaziiz iyo cabdullaahi ibinu-xaarith al-makhzuumi waa culamadii ugu oqoonta badnayd reer makkah waqtigaas,al-madiinatul munawwarah .

Waxaa ugu caansanaay al-imaamu maalik oo ladhihi jiray imaamu daaril hijrah imaamu shaafici markuu madiina tegay wuxuu jiray sedax iyo toban ama todoba iyo toban sano,ciraaq waxaa ugu oqoon badnaa culumada reer ciraaq .

Waqtigaas muxammad binul-xasan oo kamid ahaa ardadii imaamu abii-xaniifh,yaman,masar waxaa kamid ahaa culamadii uu halkaas wax uga bartay imaamku yuusuf binu-camar bini-yaziid.kuwaasi waa mashaaikh diisii uu kaqaatay culuumta kaladuwan sida tafsiirka,xadiithka,taariikhda iyo qayba kale oo kamid ah shareecada islaamka.6-HADALADII MASHAA IKHDIISU KUTIRI IYO TILMAANTII AY KU TILMAAMEEN

-Imaamu maalik wuxuu yiri iima imaan nin

reer quraysh ah oo kafahma badan shaafici sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-aabaari.-Muslim binu-khaalid wuxuu kuyiri imaamu shaafici waxaad gaartay xad muftinimo ee suaalaha diinigaa dadka uga jawaab imaamku markaas wuxuu jiray 15 sano sidaas waxaa soo guu riyay ibnu-abiixaatim.-sufyaan binu-cuyeynata hadii lawaydiiyo mas ala diini ah wuxuu dhihi jiray weydiiya shaafici,marna waxaa loo soo sheegay imaamu shaafici geeridiisa markaasuu wuxuu yiri hadii sidaasi runtahay waxaa dhintay ninkii zabankaan ugu fadliga badnaa sidaas waxaa soo wariyay zakiriya al-saajii.

Dhamaan culamada makkah jootay waxay kutilmaameen imaamka fahma badan,caqli badan iyo dhowrsimo sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-bayhaqi -muxammad binul-xasan al-shaybaani wuxuu yiri haday hadlaan maalin culumada cilmiga xadiithku waxay kuhadlayaan carrabka shaafici sidaas waxaa sooguuriyay xaafid ibnu-casaakir.

Yaxya al-qidhaan wuxuu yiri waxaan uduceeyaa salaad kasta dhexdeeda iyo maalin kastaba shaafici sida ilaahay uwaafajiyay xaqa iyo cilmiga ilaahay siiyay ee uu dadka ufaaiideeyay sidaas waxaa wariyay xaafidka caanka ku ah taariikhda islaamka oo layiraahdo ibnu-abiixaatim -cabdiraxmaan binu-mahdi wuxuu riyi salaadkasta oon tukado waxaan uduceeyaa shaafici kadib markuu aqriyay kitaab uu lee yahay shaafici oo layiraahdo (al-risaalah)sidaas waxaa soo guuriyay abuu-thawr.

7-CULAMADII KUWAQTIGA AHAAYD HADALADOODII

Abuucubayd al-qaasim binu-salaam wuxuu yiri ma arkin nin ka caqli badan,ka xalaal miirad badan,ka fasiixsan shaafici.Haaruunu-rashiid wuxuu yiri alaha ku badiyo ehelkayga adookale kadib markuu dhegeystay imaamka hadalkiisa sidaas waxaa sooguuriyay zakariya al-saajii.

Al-imaam al-zacfaraani wuxuu yiri ma arkin shaafici ookale,mid ka fadli badan,mid ka khayr badan,mid ka deeq sisan,mid ka cabsi badan iyo mid ka cilmi badan sidaas waxaa soo guu riyay al-xaafid al-xaakim.

Imaamu zacfaraani wuxuu yiri waxaan la doodi jirnay shiikh bishri al-mariisi waana nooga guuleysa jiray dooda kadib laba hameen ayaan soo aqriyay kitaab imaamu shaafici leeyahay oo kahadlaya marqaatiga iyo dhaarta axkaamtooda kadibna waxaan kusoo laabtay xilqadii shiikh bishri markaasaan uga adkaaday doodii kadibna shiikh bishri wuxuu yiri xujadaan waxay katimid nin aan ku arkay makkah oo ilaahay siiyay dadka aduunka kunool caqligooda barkiis wuxuu ulajeeday imaamu shaafici sidaas waxaa laga wariyay al-imaam al-aabaari.

8-CULAMADII WAXKA BARATAY HADALADOODII

Yaxya binu-aktam wuxuu yiri shaafici wuxuu ahaa nin caqli badan oo fahma badan oo xujada heliog sidaas waxaa sooguu riyay zakariya al-saajii.Imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri waxaa waxnoo xukmi jiray ardadii imaamu abii-xaniifah ilaa aan aragnay imaamu shaafici wuxuuna ahaay shaafici midka dadka ugu oqoon og kitaabka ilaahay iyo sunnada rasuulka (scw) sidaas waxaa soo guuriyay ibnu-abiixaatim.

Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri cilmigayga dhamaantiis ama intiisa badan waxaan kaqaatay imaamu shaafici muda sodon sana ah ayaana uducaynayay imaamu shaafici sidaas waxaa sooguu riyay zakariyaa al-saajii.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri shaafici wuxuu daliishadaa xadiith saxiix ah rayigiisuna waa saxiix sidaas waxaa wariyay ibrahiim al-xarbi.

Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri shaafici wuxuu aad ugu xeel dheeraaday afar luqada carabiga,ikhtilaafka dadka,macaanida iyo fiqhiga sidaas waxaa laga wariyay muxammad binu-cowf.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri cilmiga fiqhigu ehelkiisa wuu kaxiraa ilaa ilaahay ugu furay imaamu shaafici sidaas waxaa sooguu riyay abulqaasim al-bagawi.

Muxammad al-zacfaraani wuxuu yiri culumada xadiithku waxay ahaayeen kuwa hurda ilaa imaamu shaafici kakiciyay hurdada.Rabiic binu sulaymaan wuxuu yiri imaamku markuu tukado salaada subxiga waxaa u imaajiray dadka doonaya inay kabartaan tafsiirka,qoraxdu markay soobaxdana waxaa u imaajiray kuwa doonaya xadiithka,markay qorraxdu soo dheeraatana waxaa laga hadli jiray wixii dood ah oo kusaabsan diinta,kadibna waxaa u imaajiray kuwa doonaya luqada carabiga ilaa laga gaaro maalinta kala barkeeda.kadibna wuxuu aadijiray gurigiisa

9-DADKII ZABANKIISII KU DHOWAA HADALADOODII

Daawuud binu-cali al-isbihaani wuxuu yiri waxaa ilaahay ukulmiyay imaamu shaafici fadli badan oo qofkale uusan u kulmin waxaa kamid ah sharafka nasabkiisa maxaa yeelay waxay isku abtiris yihiin nabigeena (SCW) waxaa kamid ah diintiisa oo fayoow,caqiidadiisa ooka nabad gashay bidci nimo, hawa raac,asagoo deeqsi ahaa,aqoon dheeraada asagoo ulahaa cilmiga xadiithka,asagoo korka kayiqiinay kitaabka ilaahay,aqoon dheeraada asagoo ulahaa siirada nabiga(SCW) iyo siirada asxaabta.

Kutubta uu allifay wanaagooda,culamadii waaweyneed ee islaamka oo isku raacday imaamka cilmigiisa iyo inuu oogay sunnada nabiga (SCW) iyo inuu aduunyada kajeestay waxaa kamid ah culamadaas imaamu axmad binu xanbal,sulaymaan binu-daawuud al-haashimiyi,al-xumaydi,al-karaabiisi,abiithoor,al-zacfaraani,al-buwaydi,al-jaaruud,al-rabiic,ibraahiim al-mazani iyo xaarith binu-surayj waxaa sidaas soo wariyay al-imaamu al-bayhaqi.

10-SIDUU UGU DHEGANAA XADIITHKA NABIGA (SCW)

Al-xaafith al-bayhaqi wuxuu sanadkiisa uga waruyay rabiic binu-sulaymaan waxaan maqlay shaafici ooleh hadaad kaheshaan kitaabkayga wax khilaafsan sunnada nabigeena (SCW)qaata sunnada kana taga hadalkeega.rabiic markalena wuxuu maqlay shaafici oo leh hadaan wariyo xadiith saxiix ah oonan kucamal falin waxaad ogaataan inaan waashay.wariye bayhaqi.

Rabiic wuxuu maqlay shaafici oo leh samadee baan harsanayaa dhulkee baan ku kor soconayaa hadaan xadiith nabiga (SCW)wariyo oonan ku camal falin.wariye al-xaafid al-xaakim.Waxaa shaafici kuyiri imaamu axmad hadaad ogtahay qof haya xadiith saxiix ah iisheeg waan aadayaa meelkasta oo uu joogee.

Wariye xaafith al-dabaraani, Xuseyn binu cali al-karaabisiyi wuxuu maqlay shaafici ooleh qofkii kahadlaya qur-aan iyo xadiith ayaa xaq kutaagan wixii kasoo harayna waa hadal leyska yiri.wariye abuu-ciisaa al-tirmidi.Al-buwaydhi wuxuu maqlay shaafici ooleh qabsada culamada xadiithka waayo waa ka toosnaan badan yihiin dadka kale.

11-DHAWRSANAANTIISII

Shiikh mazani wuxuu waydiiyay shaafici suaal kusaabsan caqiidada waxaa shaafici ugu jawaabay iwaydii wax hadaan ku gafo aad ileedahay waad geftay ee haiwaydiin wax hadii aan kugefo aad ileedahay waad gaaloowday wariye xaafid ibnu-xajar.

Rabiic wuxuu kasoo wariyay shaafici weligeey ulama doodin qof aad ka adkaatid wariye bayhaqi.Xasan binu-cali al-karaabisiyi wuxuu maqlay shaafici ooleh weligey qof markaan ladoodayo waxaan jeclaystaa inuu ilaahay qofkaas u kaalmeeyo oo uu toosiyo sidaan ujeclahay inuu iikaalmeeyo oo uu iitoosiyo.

12-RIYOOYIN UU ARKAY IMAAMKU MARKUU YARAA

Xarmalatu ibnu-yaxyaa wuxuu maqlay shaafici ooleh markaan yaraa waxaan ku riyooday nin dad wax baraya markaasaan usoo dhowaaday waxaana ku iri wax ibar markaasuu jeebkiisa wuxuu kasoo baxshay miizaan waana isiiyay wuxuuna yiri kan adaa leh kadibna waxaan utegay nin riyooyinka fasira wuxuu igu yiri waxaad noqonaysaa hormoodka cilmiga waxaadna ku sugnaanaysaa wadada xaqaa iyo sunnada nabiga (SCW) wariye al-imaamul-xaakim.

Rabiic binu-sulaamaan wuxuu maqlay shaafici oo leh waxaan riya ku arkay nabiga(SCW) wuuna iiyeeray waxaana iri labbayka yaa rasuulallaah wuxuu igu yiri yaad katirsantahay? Waxaan kuiri waxaan katirsanahay jamaacadaada wuxuu yiri iisoo dhowaaw waan udhowaaday wuxuu sooqaatay candhuuftiisa markaasaan afkayga kala furay wuxuu marmariyay candhuuftiisii carrabkayga,bushimahayga iyo afkayga wuxuuna yiri alaha kuu barakeeyo candhuuftayda shaafici wuxuu yiri markaas kadib xadiith iyo waxkale midna igama khaldamin.wariye xaafith la-bayhaqi.

Rabiic binu-sulaymaan wuxuu maqlay shaafici ooleh anoo jooga bagdaad ayaan waxaan kuriyooday sayid cali binu-abiidaalib oo soo fariistay agtayda markaasuu siibay faraatigiisii dabadeedna wuxuu geliyay gacantayda nin cabiraa ah ayaan utegay wuxuuna yiri qorrax kasoobax iyo qorrax udhac meeshii sayid cali lugu xuso adna waa luguguxusayaah wariye muxammad binul-xusayn al-ansaariyi.

Rabiic binu-sulaymaan wuxuu shaafici kamaqlay waxaan ku riyooday asagoo qof ii yimid markaasuu qaatay kutubtaydii wuxuuna kufirdhiyay hawada markaasay kala biday waxaan uga qiseeyay riyadaas nin riyada fasirah wuxuuna yiri majirto meel muslim joogo oon cilmigaagu gaarayn.wariye zakariyaa al-saajii.

13-XADIITH NABIGA ( SCW ) OO LUGU FASIRAY SHAAFICIWaxaa nabiga (SCW) laga wariyay xadiith macnihiisu yahay ilaahay wuxuu umadaan usoo bixiyaa boqolkii sanaba qof diintooda u cusbooneeya ama barah wariye abuu-daawuud, xaakim, bayhaqi iyo xaafid al--khadiib.

Warinkale wuxuu yiri nabigu (SCW) xadiith macnihiisu yahay ilaahow hanuuni quraysh maxaa yeelay caalimkooda cilmigiisu wuxuu kalagaarayaa dhulka oo dhan ilaahow waxaad dhadhansiisay qurayshtii hore ciqaab ee dhadhansii qurayshta dambe deeq.wariye xaafid abuu-yaclaa.

Xaafith inbu-xajar al-casqalaani iyo xaafith al-bayhaqi waxay sheegeen in xadiith kaani xoog leeyahay.culama badan ayaa kufasirtay axaadiithtaas imaamu shaafici.Imaamu axmad binu-xambal wuxuu yiri boqolkii sano ee hore waxaa ilaahay ku galadaystayumadaan cumar binu-cabdil caziiz boqolkii labaadna waxaa ilaahay kugaladaystay imaamu shaafici.wariye xaafith abuu-bakar al-bazaar.

Imaamu axmad wuxuu yiri hadii mas ala layweydiiyo oonan uhayn daliil waxaan kujawaabaa sidii shaafici kujawaabay waayo shaafici waa imaam caalim ah oo reer qurqaysh ah waxaana nabiga(SCW) laga wariyay xadiith macnihiisu yahay caalimka reer quraysh wuxuu cilmigiisu buuxinayaa dhulka oo dhan.

Wariye xaafith al-bayhaqi.Xaafith abuu-naciim al-jarjaani asna wuxuu sheegay axaadiithtaas in loola jeedo imaamu shaafici dhamaantood alaha karaali noqdo una naxariisto aamiin
Midawgajidwaaq.blog

No comments:

Post a Comment