Dunida cidkastaba waxa ay leedahay tariikh iyo dhaqan lagu tixgaliyo iyaduna ay isu taqaano,taarikhdu waa raadka iyo marinka lagu garto dadkaagu halka ay ka yimadeen iyo meesha ay kasoo jeedaan.
Dunida waa ay adag tahay in aad aragto umad dhamaan tariikhdeedii ay tirtirantay sida Somalida,taasna waxaa inoogu wacan ayay aniga ila tahay markii la waayay cid ilaalisa ama daryeesha.
Tariikhu maaha wax inta meel lagu qoro kolba la xasuusto,balse waa dhaqan iyo hidde ka muuqda dadkaasi tariikhda sheeganaaya,hadii ay dhaqanka iyo suurada dadka ka muuqan waydana,dadkaasi waxa ay noqonayaan kuwo lumiyay taarikhdoodii.
Hadii aan wax yar dib u raaco,lumitaankeenii tariikhda ,isla markana aan waxyar idinka xasuusiyo in aynu tariikh iyo dhaqan lahayn,waxaa iswaydiinleh sadax arimood oo dunidu ay tariikhdeeda ku ilaashato midna maanta inagama muuqdo.
Somalida badankeeda %99 magacdeenu waa kuwo carbeed sida Cabdi,Xasan,Muxamad iwm ;hadana sidoo ay tahay magacda Bilaha aynu tirsanana waa Faranji sida Maaraj,jenawari iwm, ku darsoo aayamaha aynu tirsanaana waa Carabi tusale ahan Sabti,Axad iwm.
Hadii maanta qof ka mida dadka carabta ama dadka kale ee ajanabiga ah uu ku waydiiyo cida aad tahay iyo meesha ad kasoo jeedo,waxa ay dadka Somalidu qaar kood ay sheegtaan Carab ,taasna ma aqaano sabab ay ku noqdeen Carab,taariikhdaana aniga waa la'iga badiyaa.
Balse hadii aad dadka ku tidhaahdo anigu waxa aan ahay Somali dhalad ah,cid aan galo iyo cid aan kasoo jeedaa ma jirto ,marka laga reebo Nabi Adam oo dunida oo dhami ku wada abtirsanto.
Hadana iyada oo sidaasa ,ayaa hadii lagu sii waydiiyo ,sadax su'aalod oo kala ah,magacyada aad ledihiin ee aad isu bixisaan halkee ayay kasoo jeedaan ,magacyada Bilaha aad isticmashaan iyaguna wadankii ama qoomiyadee ayaa isla leh iyo maalmaha aad noloshiina tirsataan ma yihiin kuwo dhaqankiina ku salaysan oo aaydaan cidna kasoo amaahan.
Su'aalahaasi dhamaantood,qofkasta oo Somaliya waa ay ku adkaanaysaa wixii uu kaga jawaabi lahaa,waana meelaha ugu muhiimsan ee dadka laga eego dhaqanka iyo hidaha ay haystaan in uu yahay koodii ay asalka u lahayeen iyo in kale.
Hadii aynu dib ugu noqono,magacyadani iyo halka ay inooga yimadeen iyo ka hor wixii aynu la'lahaan jirnay,waxaa cadaanaysa in ay dhamaan magacyadani ay ku yimadeen marxalado iyo xaalado kala gadisan.
Hadaan ugu horeeyo magacyadan Carabi ah ee aynu dhamaanteen leenahaym,anigu waxa aan isleeyahay waxa ay inoo yimadeen xiligii aynu sida dhabta ah u qaadanay Diinteena islaamka ; hadaad tidhaa Islaamka ka hor maxaynu ahayn,waa su'aal kale oo aanan hada ka jawaabi karin.
Abtirsiinteena dadka Somalida hadii aad u dhabba-gasho,waxaa badankeena ka muuqanaaya marka ay abtirsiintu sii durug taba, magacyo ku qotoma dhaqankeena Somaliga ah,bal u fiirsi badankeena magacyada qabiilooyinku ay leeyhiin, sida Hawiye,Daarood,Garxajis,Awal,Biya-maal,Tumaal,Raxanwayn iwm,dhmaan tood waxa ay ku tusinayaan asalnimadeenii,arkina maysid magacyo kasoo jeeda qoomiyado kale.
Dhinac kale hadii aynu ka eegno,dhamaan magacyada ay leeyihiin dhirta Ilahay dhulkeena ku beeray sida Galool,Maraa,Kidi iwm dhamaantood waa ay adag tahay in aad aragto dhir leh magacyo ajanabi.
Waxaa kaloo iyana wali aan dhaqan doorsoomin,magacyadii ay lahayeen xiliyada iyo wakhtiyada Somalidu sida Jilaal,Gu,Dayr,Karan iwm taasna waxa aan isleeyahay waxaa usabab ah,isticmaalka ay inta badan isticmalaan dadka reer guuraaga ah,oo iyagu wali dhaqankii haysta.
Somalidu geedka ay garanwaydo ee dhulkooda soogalay xilitadii danbe ee ay dadka inaga ilbaxsani inoo yimadeen , waxa ay u yaqanaan magacyo gaar ah sida "Dheemaal faranji iyo geedka layidhaa macaleesh" oo la odhan karo waxa uu ku badan yahay dhulka Carabta.
Hadii aan dib waxyar ugu noqono,dhinaca magacyada Bilaha faranjiga sida Disamban iwm,taas waxa la odhan karaa waxa ay inoo timi xiligii gumaysiga oo aan iyadu sidaasba usii durug sanayn,balse wax aad mooda in casharkaasi aynu dhakhso u qaadanay.
Magacyada ayaamuhu iyaguna waa sidaas oo kale,waxa uun la odhan karaa waxa ay la socdeen dhaqamadii ay inoola yimadeen dadyawgii ajaanibta ahaa ee inaga ilbaxsanaa ee dhulkeena yimi, qaabkasta ha ku yimaadaana,khaasatan Carabtii.
In dhaqanka iyo kaljarka laga qaado Diinta Islaamka iyo Kidaabka Ilahay inoo soo dejiyay ee Quraanka waa mid Faral inagu ah,waxanan ka doonbidayaa in waxkasta Isaga laga horaysiiyo,hadii aan magacyadaa Islaamiga ah aan la qaadana waan garan karnaa in ay inaga lumayso qaabkii iyo sidii loo ciibaadaysan lahaa, hadana iyada oo ay sidaasi tahay ,waa in aynu haysanaa dhaqamadeenii aynu lahayn ee aan Islanimadeena waxba u dhimaynin.
Waxa aad ogataa in umad kastaa hadii laga xadaarad iyo ilbaxnimo badan yahay,waaxaa khasab ah in dadka u yimaadaa ee dhulkooda soo gaadhaa ay ka badalayaan kana dhaqan doorinayaan wixii ay dadkasi haysteen ,waana mida Somali ku dhacday maanta iyo horayba.
Waxa kaloo iyana la odhan karaa ,waxaa qayb wayn ka ahaa dhalin doorsoonka dadka Somalida, Dawladahii wakhtiyada kooban Somali usoo talin jiray ,oo iyaga laftoodu door wayn ku lahaa in Somalidu ay qaadato dhaqan iyo kaljar aanay lahayn,gaar ahaan dawladii Kacaanka,la odhan karo iyaga laftoodu qayb laxaadle ayay ka qateen sidii Somali ay uga fogaan lahayd dhaqankii iyo abtirsiintii ay lahayd.
Waxyabaha kale ee aan isleeyahay tariikhda Somalida in ay lunto ,qayb ayay ka yihiin , waxaa ka mida,intii aqoonta iyo ilbaxnimada cusub isbidaysay oo iyadyuna dhamaan soo waariday dhaqami iyo tariikho aynaan lahayn.
Waxa aan dhawaan la sheekaystay niman u dhashay dalka Suriya oo Carab ah,dadkaasi runtii waxaa ku adag in ay gartaan magacyada iyo Bilaha uu leeyahay faranjigu sida Juun ito Julay iwm,taasi waxa ay i tusisaysaa in ay ku adag yihiin dhaqankoodii.
Isha Allaahu waxaan ku dadaali doonaa in wakhti dhaw aan soo bandhigi doono,sadaxdaa arimood ee aan kasoo hadlay ee kala ah,Magacyada,Bilaha iyo ayaamaha Somalidu kuwii ay lahayd ee aynu dhaqanka u lahayn.
W/Q.Khadar Aar.
No comments:
Post a Comment