Afrika waxa ay ka mid tahay Qaradaha Dunida ku yaala kuwa ugu hodan san,uguna macdanta iyo khayraadka badan,balse khayraadka iyo hodanimada uu Ilahay Afrika ku manaystay may noqon mid ay calfadaan dadkeedu,kuna baahi baxaan.
Hadaba su'aashu waxa ay tahay,waa maxay sababta ay Afriki u hanan wayday in ay hesho khayraadka ku jira dhulkeeda gudahiisa,maxaase sabab u ah in dadkeedu uu noqdo dadka ugu fakhriga iyo gaajada badan Dunida.
Inta badan dadka ka faaloda arimaha afrika iyo waxa ugu wacan mushkiladaha haysta ,waxa ay u nisbeeyaan siyasiytiinta afrika oo ah kuwo aan marnaba jeclayn in ay dadkooda iyo dalkoodaba ay horu mariyaan.
Hadaba dhibatada ugu badan ee maanta ka taagan afrika,waligeedna kasoo taagnayd dadka ugu badan ee ay samayso waxaa ka mida Dumarka iyo Caruurta,kuwaasi oo markasta xerada iyo edega ugu jira dhibaato kasta oo Afrika ka dhacda.
Caruurta Afrika waxa ay soo maraan marxalado aad kala wada gadisan,caruurta Afrika ku calool gashaa 100% waxa ay markasta halis iyo darxumo ugu jiraan dhibaatoyin kala wada gadisan oo markasta ka jira dhulka uu ku nool yahay.
Inta badan caruurta afrika waxa ay ku dhintaan caloosha Hoyada,taasna waxaa ugu wacan nafaqa darada iyo darxumada markasta haysata hooyada Ilmaha caloosha ku sida,waayo ma hesho cafimaad iyo cunto ku filan oo nafaqo leh,taasina waxa ay keentaa in Afrika 80% ay ku dhintaan caloosha hooyada oo aanay sooba gudbin.
Hadii Ilmaha afrika ay u sahlanaato in uu caloosha Hoyada isaga oo nool kasoo baxo, ama uu kasoo gudbo,soona dhaafo darxumada caloosha kusoo liciifisay ,kana soo baxo caloosha hooyada isaga oo hal Kiloo ah, waxa hadana markaasi sugaysa oo ay adag tahay in uu ka gudbo ,waxa loo yaqaano nafaqa darro la daris ah halka uu ku noolan doono sida Cuduro iyo gaajo ku sugaysa guriga uu ku nolaandoono.
Ilmahaasi yar oo Ilahay kasoo badbadiyay in uu ku dhinto Uurkii hoyadii,kadibna intii yaraantiisa uu jirayna lasoo kulmay shaban iyo Haraad,abaaro iyo darxumooyin aan kala joogsi lahayn, intaasi oo dhanna ay kusoo dhacaysay xanuuno iyo cuduro loo dhinto, ayaa hadiiba uu ka badbaado cuduradaasi ,waxa hoyada iyo Abaha dhalay ay kula tacalaan in ay u helan waxbarasho aasaasi ah.
Ma sahlana in Ilmahaasi loo helo waxbarasho ku filan,balse waxa ay waalidku kula eertaan goobo aan sidaasi u waxbarasho fiicnayn,danta iyo duruuftuna ay ku khasbayso in ay sidaasi yeelan.
Ilamahaasi yar marka lagu darro waxbarashada asaasiga ah ee bilawga ah,waa ay adag tahay in uu sii watto turuufa kala wada gadisan oo noloshiisa ku xeeran awadeed,taasi oo ay ugu horayso,dhaqala darada haysata guriga uu kasoo joodo.
Waxa kaloo iyana markaasi bilaabma in uu Ilmahu u jeesto dhinac kale oo uu ka fikiro in uu noloshiisa iyo tan dadkii dhalayba uu masuul ka noqdo, isaga oo aan jirinba sanado badan,waana tan keenta in ay Baalashle(caseeye) noqdaan ama ay babuurta suuqyada ku maydhaan.
Maskaxdaada ku hay,duruuftaa aynu ka sheekaynaynaa ma haysato qoys iyo laba toona balse waxa ay haysataa 95% qoysaska afrika ku nool,duruuftaasi waxaa qayb wayn ka ah macalimiinta loogu talagalay in ay dadka wax barto iyo dhakhaatiirta ,taas awadeed ayaad markaasi waxa aad dareemaysaa in ay adag tahay in horumar la taaban karaa uu ka dhasho halkaasi.
Waxaa dhici karta in Afrika ay suura gasho in ay waxbarasho aad u dhib madan ay soo dhamaystaan arday aan ka badnayn 20% kuwaasi oo marka ay dugsiyada sarre daal iyo darxumo ku dhamaystaan , ay ku adkaato in ay u gudbaan dhinaca jamacadaha,waayo waxaa adag in ay u saamaxdo waalidkood in ku adkaato in ay dhaqaale u helaan caruurtooda ay jamacadaha kaga bixiyaan.
Hadiiba Ilmahu uu noqdo mid nasiib u helo waxbarasho Jamacadeed,hadana waxaa afaafka u taagan darxumo kale oo ah shaqo la'aanta ku habsatay dhalintii Afrika,taasina waxa ay keeni kartaa niyad jab aad u weayn oo dhalintii ku dhaca,waana mida sababtay aakhirka in ay wadankaba ka tahriibaan.
Ha moodin in marnaba ay dhibtu ka hadhayso dhalinta afrika ee ayaan-daradu ku dhacday,hadiiba uu ardaygu dugsi sare iyo jamacad uu dirqi ku helay dhamaystayna, waxaa iyana sugaysa darxumadii kale ee Qabaa'ilka iyo dagalada sokeeye oo isaga la rabo in uu xaabo u noqdo ; halkaasna waxa ka bilaamaaya qaxoonti iyo rafaad aanay kasoo kaban karin.
Hadaba su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay,hadiiba Ilmaha yar ee maanta ku calool galaa afrika ay sugayuso,intaasi oo caqabadood oo aanu midnaba ka badbaadi karayn,midkastanaba ay halkeeda ku sugayso,taas macnaheedu saw maahan in aan Afrikaba loogu talagalin in ay noolaato.
Waxyar aan idin xasuusiyo,waxaa lagu qiyasaa caruurta afrika, marka ay dhalato ilaa inta ay si fiican u korayso tiro ahaan waxa ay gaadhaa 20% inta kale waxaa la hadho oo ay ku godoomaan Isbaariyinka midiba ay mida kale ka daran tahay,una horayso , caloosha hooyadu uguna danbayso dagalada sokeeye.
su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay ,mushkiladahan iyo dhibatooyinkan aan kala joogsiga lahayni ,halkee ayay inooga yimadeen,ma inaga ayaa dad xun ah oo aan loogu talagalin in aynu dunida si raaxo leh ugu noolaano.
Su'aasha jawaabteedu aniga waa ay ii fududahay,idinkana mooye si ay idinla tahay,waxa aan isleeyahay mushkiladaha horta waxa keenay waa Siyasiyiinteena iimaanku ka tagay ,balse kaligood kuma aha, ee inaga lafteena ayaa kaga rali ah in ay Siyasiyiinteenu nolosheena ku cayaraan.
Dad badan ayaa laga yabaa in ay isyidhaahdaan Afrika waa tan uu dhibaato ma qabtee ,waanay kala socotaaye ,halkee qoraagu uu wax ka eegay,waa su'aal fiican hadiiba ay jirto, u malaynmayo in ay maanta jiraan aqoon yahayn sidaa u fikirayaa,waxanan hubaa Afrika hadaad dhul badan martaan,gaar ahaan dawladaha waawayn ee Afrika laguna tilmaamo kuwa u dhaqalaha fiican,waad ka naxaysaa darxumada iyo dhibatada boqol jirsatay ee taala.
Afrika waxaa kala goostay oo dhigeedii iyo dheecaankeediba la baxay,waa laba qolo oo kala ah ,Nin Siyaasi ah oo imaan beelay iyo nin maalqabeena oo dhaqaale haysta,labadaasi oo midna dhaqalii haysto kan kalana uu qalinkii haysto,waxa loo heshiiyayna ay yihiin shacbigii darxumaysnaa ee masakiinta ahaa.
Ma jecli in aan wakhti badan ku lumiyo mushkiladaha iyo dhibatooyinka afrika ka dhaca,balse waxa aan qoraalkaygan kusoo afmeerayaa,hadiiba aynu arkayno in dhibaatoyinkaasi ay inooga yimadeen mamul xumada iyo xatooyada ay siyasiyiintu xantoobsanayaan hantida qaranka sidee ayaa looga bixi karaa ayay idinla tahay ?
W/Q.Khadar Aar.
No comments:
Post a Comment