SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Gun iyo Gumaysi?

Qormaddan, waxaan ku baadh-baadhaynaa: (1)Micnaha erayga gummaysi (2) Xidhiidhka ka dhexeeya gummaystaha iyo la gumaystaha iyo (3) Midhaha kadhasha gumaysiga.
Kala saraynta, isku dul noolaanshaha, iyo is cadaadintu waa dabeecad guun ah oo jirtay intuu jiray aadamuhu waana mid jiri doonta inta aadamuhu jiro.

Aadamuhu wuu kala baqaa, ee isma qadariyo, hadii aanu kala baqaynin isma qiimeeyo. Muruqa ayaa hagga maskaxda sida kusugan taariikhda. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa "rag idaa kuguma dayee wuxuu kugu daayo ayaa la tusaa".

Haddii aan u soo daa-dago qasadkii qormada, erayga gummaysi micnihiisa waxaan ku raad goobaynaa erayda kale ee Soomaaliga ah ee aan is leeyahay, isir ayay wadagaan, sida "Gun iyo Gummays" lakiin intaana guddo-galin micnaha erayadan, akhristow intaad hakkad galiso akhriska, maxaa xiskaada kusoo dhaca markaad maqasho erayga"Gummaysi"? bal isku day in aad qorto kadibna bar-bar dhigto qeexida qoraaga.

Waxaa dhab ah, marka laysu geeyo jawaabaha akhristayaasha dhamaantood in uu jiro hoseeye ka yare dhexeeya, oo haddaan soo uruuriyo wada hoos imanaya dalada "Cadaalad-xummada".


Eraygan "Gumaysi " ayaa wuxuu ab iyo isir lawadagaa laba eray ee kala ah "Gun" iyo "Guumays" oo labaduba bulshada Soomaaliyed dhaxdeeda loo adeeg sado cay ahaan. Erayga, gun micnihiisa guud waa " hoos", waxaana loo isticmalaa meelo badan ,tusaale waa inaga nidhaa gun iyo baar, (waa marka geed laga hadlayo, haddaan qof ka hadlayno waxaan odhan lahayn tin iyo cidhib) guntu waa wixii jirida geedka ka hooseeya sida xididada, baarna waa laamaha geedka kuwa ugu sareeya halka kasii saraysa.

Tusaale kale ceelka guntiisa, Weelka guntiisa. Dhamaan tusalayaasha waxay tilmaamayaan, micnaha "Gun" in uu yahay, shay ama meel qaybteeda hoose.

La gumaystuhu waa aadamaha ka ugu hoosaysa ama ugu liita, marka laga eego dhinac walba. Qiimayntan noocan ah waa tan maadiga ah, waayo diinteenu, si kale ayay u qiimaysaa aadamaha, taq-wada ayaana ah kafada qiimaynta Ilaahay loogu dhawaado, wanaag dhamaantiina halkaas ayuu yalaa.


Dhimrintan kore ee erayga "gun" waxaad kadheehan karataa kala sarayn, wax kore "Gob" wax hoose "Gun" haka eegin, jiho ahaan, ee waxaa loo kala sareeyaa sharf ahaan marka laga hadlayo Aadamaha qiimayntiisa.

Dhaqan ahaan, bulshada Somaaliyeed way addeegsan jirtay eryga "Gun" waxayna u adeegsan jirtay qaybo bulshadda kamid ah oo la takooray, loolana dhaqmi jiray si foolxun iyada oo anay jirin, kuwa takooray, ee iyagu isku maggacaabay "Gob" wax ay kaga duwanyiin kuwa ay takoreen.


Shaki waxaan ku jirin, dadka la takooray in ay ahaayeen dad tiro ahaan ka tirayar tolkooda kale, markaa loo cudud-sheegtay lana-baday hoog iyo hiirtaanyo. Cadayn waxaa inoo ah tolalka Soomaaliga ah ee jira manta, waxay isku qaddariyaan; qiimeeyaan ama ku kala sad-bursadaan waa "Laandheeronimo"


Dadka la takooray ayaan haba yaraatee, aan lahaan jirinin, wax xuquuq ah. Hantidooda waa ladhici jiray, marmarna waaba layska dili jiray. Dhab ahaan xidhiidhka kadhexeeya "Gob iyo Gun" "Gumayste iyo la-Gumayste" xaalkiisu waa saas oo dhab ah. Waa – Aan ku dooxee ha danqan, aan ku dhacee ha dhooyin -.

Dad walba oo laga awood bato, la ciilo la bahdilo, meeshay donaanba dunida haka jogaane marka kobaad way qab-jabaan, deedna hoggaansamaan, deedna waxaa kadhinta hal-abuurka deedna way badalmaan, deedna way bah-dilmaan ugu danbayna way tir-tirmaan. Taasi waa midhaha kadhasha gumaysi kugu raaga. Muhiimna ma aha cidda ku gumaysanaysa.

Erayga "Guumays" Soomaalidii hore waxay u isticmaali jirtay gabdhaha kuwa guur waaya ee aan helin geyaan oriyaysta. Guur la’aan waxaa kadhasha waraso la,aan oo keenta gablan.


Waa maxay, waxa aan bidhaaminayo ee kadhexeeya Guumays iyo Gumaysi? (1) Waa xaalada nolasha (2) Waa taran la’aanta. Way adkaanaysaa da’yarta iyo ree-maggaalku in ay fahmaan, nolosha gabadha guumaysta ah ay ku noolaan jirtay, lakiin hadaan idiin saafo, waa qof aan waxba haysan, dhaleecaysan! dheefna laga suga hayo, waayo guumaysta xoolaha ayaa la raacsan jiray biyahana waa lagu dhaansan jiray, wax daryeel ahna, maheli jirin, kan la gummaystana waa sidaas oo kale.

Waxaa jira micne daahsoon oo muhiim ah, oo uu leeyahay erayga "guumays", kaas oo ah "raagid ay daba socoto qiimo-jab". Tusaale gabadha guurku karaago waxay ku dhaleceeyaan "Guumays" micnaha waad raagtay ood qiima jabtay. Maanta haddaan ku dilo, waad ciiloon, lakiin ciilkaas ma yeelanayo caabuq hadaanu kugu soo noq-noqonin, marka shardiga gummaysiga ayaa ah in uu leeyahay dhib iyo gabood-fal joogta ah.

Hadaan soo xoomiyo micnaha eryga gummaysi: Waa gar-daro, waa gunimo, waa guunimo, waa gablan, waa geeri waa god abeeso ku waar. Haddaan si kale u dhigo waa Ciil, waa Cabudh, waa Caloolyow, waa caabuq, waa cimrigaa haku furto. Si kalana u qexoo , Gumaysi waa: Dil, waa Dulmi, waa Dacni, waa Daan-daansi, waa Doog aan la dhayin, waa Dibad wareeg.

Qore Cali Dheere
Alidhere2008@yahoo.com

No comments:

Post a Comment