Hargeysa waa magaalo aad u wayn,runtiina la odhan karo waxa ay soo dhisnayn mudo aad u badan,walaw aanay ahayn dhinaca wakhtiga Magaalo wakhti badan soo jirtay,hadana waa magaalo si dhakhsa ah u kortay intii ka danbaysay 1991-kii.
Hargeysa waxaa lagu qiyasaa dadka ku nool wakhtigan xaadirka ah ,ku dhawaad Hal malyan iyo badh qof,Hargaysa waa magaalo dhankasta u fiday gaadhayna xilagan aynu ku jirno tuuloyinkii iyo magalooyinkii yaryara ee ku haree-raysnaa.
Hargeysa waxa ay caan ku tahay Dooxa wayn ee mara badhatanka Magalada Hargaysa,kaasi oo loo yaqaano Dooxa kala qaybiya labada daamood ama Maroodi-jeex, erayga labada Damood waxa uu ka dhigan yahay dhinaca Koonfurta oo loo yaqaanay wakhtiyadaasi hore Dunbuluq iyo qaybta kale ee koonfurta.
Dooxa wayn ee Hargaysa kala badha,waxaa korkiisa saaran ilaa hadana kasii muuqda Biriijka wayn ee Hargaysa caanka ku tahay,magaladuna ku kala socoto,walaw ay jiraan Biriijyo kale oo wakhtiyadan danbe la sameeyay, hadana Biriijkaasi ay Hargaysi caanka ku tahay waa mid lama ilabaan ah.
Biriij kaasi Hargaysa waxa lafu qiyasaa in uu hada dhisan yahay muddo aan ka yarayn 65 sanno sida aan tariikhda ku hayo ,hadii aanan qaldanayn,Biriijkaasi waxa uu ahaa markii la dhisay mid ku filan isu socodka magalada Hargaysa dad iyo baabuurba.
Waxa dhici karta in wakhtigaasi ay Hargaysa ku noolayeen dad gaadhaya Boqol kun oo qof hadii aanay kaba yarayn,Baabuurta joogtayna waxa ay ahayeen kuwo fara-kutirisa oo qofqof loo yaqaano dadka iska lahaa.
Hadaba maanta oo ay Hargaysa ku nool yihiin dad ka badan ama lagu qiyaasi karo Hal milyan iyo badh qof,baabuurta dhex joogtaana aad is odhanayso malaha qofkasta oo hargaysa ku nooli hal babuur ayuu iskii u leeyahay,ayaa hadana Biriijkii wakhtigaasi la dhisay oo yahay maanta mid aan cago badan ku taagnayn.
Maalin kasta waxa aad arkaysa qaylo dhaan ka imanaysa dadkii shacbiga ahaa,kuwaasi oo ku dhawaaqaya "Biriijka ka haloo gurmadooooooooy" ilaa hadana ma jirto cid dhinaca xukumada ah oo markaliya dadkaasi dhag jalaq u siisay.
Ninka ku magacaaban wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyaynta Cali Mareexaan,waxa aad moodaa in uu yahay nin aan wali Hargaysa kala baran,kuna eeg Goobahii markii uu magalada yimi uu arkay iyo Hotelada ka ag-dhaw Madaxtooyada.
Waxyabaha kale ee iyaguna iga yabiyay waxaa ka mid ah,dadka inta badan biriijka u hadlayaa waxa ay u badan yihiin sida aan arkay dad kasoo jeeda Degmada Maxameed Haybe,taasina waxa ay i dareen siisay in aanay danba ka lahayn dadka kale ee iyagu magalada degeenka ku ahi.
Wali maan arin cid u doodaysa Birijkaasi kana qaylinaysa,Birijka ma dad gooniya ayaa mara,maxay ku dhacday in loo gurman waayo iyada oo si wada jira loogu dhan yahay,hadii aanay dawladu waxba ka qabanayn,saw xaq u yeelan mayno in aynu majarafadaha qaadano oo inta aanu dumin dayac tir lagu sameeyo.
Biriijkaasi oo xiligii la dhisay la odhan karo waxa dulmaraysay malintii oo dhan dhawr babuur,hadana korkiisa kama faaruqaan babuurtu,aniga wakhtigii iigu danbaysay marka aan babuurka la kormaro ,waxa aan ka biqi jiray in uu ila-dumo maantana hadalkeedaba iska daa.
Waar ha loo gurmado Birijka ha laga daayo qabyaalada,ninkastaba waa uu maraa waanu korsocdaa,degmo kaliyahi malaha,cidgooniyana uma shaqeeyo,hadii kaasi manta inaga dumana waynu garanaynaa in ay inagu adkanayso in aynu wax dhisano.
Waa Biriij nasiib badan,Hargaysa ayaan ku dhashay intaana waan ku leekaaday,waligay intaan noolaa maan arin dawlad hore iyo mid danbe toona cid Biriijka wax ka qabanaysa ama hoos u eegaysa.
Xisbiyada Mucaradka ah ee iyagu ka hadla maalinkasta waxyaabo badan oo lagaba yaabo in aanay dadka macna badan ugu fadhiyin, maxay ayay uga hadli la yihiin dhibtan wayn ee Hargaysa kusoo socota,mise waxa ay doonayaan in Biriijku dumo kadibna ay dawlada ku dhaleeceyaan,waar hada ayay idiin fiican tahay ee ku dhaleeceeya kuna eedeeya si dadka iyo idinkaba Biriijka wax looga qabto.
Wabilaahi tawfiiq.
khadar-aar.blogspot.com
facbook.khadaraar@hotmail.com
khadaraar101@gmail.com
WQ/Khadar Ibrahim Aar
No comments:
Post a Comment