SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

TAMARTA MUSTAQBALKA (FUTURE ENERGY)

Dunida ayaa aad uga walwalsan baahida tamareed ee ku soo wajahan ayada oo tamarta ugu badan oo la isticmaalaa ay tahay shayidaalka (fossil fuel) laga soo saaro Dhulka. Tan iyo xilligii Kacaankii Warshadaha (Industrial Revolution) waxaa si weyn loo adeegsanayay shidaalka ceeriin oo laga helay dhulka guntiisa kaas oo in badan daboolay baahidii tamarta loo qabay, islamarkaasna suurta-geliyay horumar iyo farsamooyin (technology) casri ah oo fududeeyay adeegyadii dhaqaale, ciidan iyo bulshaba.

Hase ahaatee – nimco adduun laguma waaro -, - nimco welibaana niqmo (dhib) ayay leedahaye – isticmaalka shidaalka oo si xad-dhaaf ah loogu talax-tagay waxaa ka dhashay laba cilladood:

Dabar-go’ ama idlaasho (Shortage of Supply) soo wajahday shidaalka; sidaa darteedna uusan muddo dabadeed dabooli Karin baahidii tamarta loo qabo maaddaama tirada dadka dunida ku nooli ay sii kordhayso shidaalkuna sii dhammaanayo.

Isbeddel Cimilo (Climate Change) oo ka dhalatay qiiq badan ee atmosfeerka galay kaas oo sababay isbeddelka cimilada iyo sare u kaca heerkulka Dhulka.

Arrimahaas aan soo xusnay waxay dhaliyeen in ay dunida soo wajahdo mushkiladda isbeddelka cimilada iyo mushkiladda baahida sii kordhaysa ee loo qabo tamarta. Sidaa darteedna; waxaa lagama maarmaan noqotay in lagu fakaro helitaanka tamar joogto ah (sustainable energy), nadiif ah oo aan wasakhaynaynin deegaanka, islamarkaasna aan cimilada kharribaynin, hawadana aan wasakhaynaynin (air pollution). Deedna cilmi baaris ay dawlado iyo hay’ado madax bannaani in badan wadeen ayaa waxaa ka soo baxay ilo-tamareedyo (energy sources ) nadiif ah, had iyo jeer la heli karo (renewable energy), islamarkaana looga bixi karo baahida loo qabo tamar dunidu u isticmaasho adeegyada bulsho, deegaan iyo dhaqaaleba.

Ilo-tamareedyada mustaqbalka lagu guulaystay tijaabadooda waxaa ka mid ah:

1. Tamarta ilayska Qorraxda (Solar Energy):

Ilayska Qorraxda oo loo beddelo koronto ayaa noqday tamar lagu isticmaali karo guryaha, gaadiidka, meheradaha, hay’adaha, warshadaha iyo wax walba oo adeegsiga tamar u baahan. Qabashada ilayska Qorraxda iyo u beddelidda koronto midna ma sababo shanqar wax dhibta iyo wasakh aafaysa deegaanka iyo hawadaba (pollution).

Xaddiga ilayska Qorraxda ee Dhulka soo gaara oo aad u badan islamarkaasna ah mid aan go’aynin ayaa ka dhigaya tamarta ilayska Qorraxda mid dabooli karta baahida tamareed ee walwalka laga qabo waayo inta uu adduunku jiro subax walbaa Qorraxi waa ay soo baxaysaa, subax walbana tamar cusub oo Ilaahay Mooyee aysan cid kale naga celin Karin ayaa nagu soo waabariisata.

2. TAMARTA DABAYSHA (WIND ENERGY):

Isticmaalka dabayshu ma ahan wax ku cusub bani-aadamka iyo adeegyada bulshooyinku u baahnaayeen qarniyo badan. Waxaa dabaylaha looga faa’iidaysan jiray safarrada badaha, soo saarista biyaha ceelasha, shiidista badarka, iyo waxyaalo kaleba. Hase ahaatee habka isticmaalka dabaysha ee waayahan dambe nagu cusubi waa dabayshii oo loo adeegsado dhalinta koronto.

Wareegga dabayshu xoog u wareejiso marwaxado waaweyn (turbines) oo badan ayaa waxaa laga dhaliyaa tamar koronto ahaan loo isticmaali karo, laguna kaydsan karo batariyaal si goor dambe loo adeegsado.

Waa tamar nadiif ah oo aan waxba u dhimaynin noolaha, deegaanka iyo cimiladaba. Waa tamar joogto ah waayo dabaysha dunidu waa joogto, hayeeshee waa lagama maarmaan in lala socdo xoogga dabaysha iyo xawliga ay ku socotaba.

3. TAMARTA BIYAHA SOCDA (HYDRO POWER):

Xawliga biyuhu ku socdaan; gaar ahaan marka ay meel sare ka soo dhacayaan, oo loo dhigo marwaxado (turbines) ay wareejiyaan ayaa waxaa laga dhaliyaa koronto loo adeegsan karo adeegyada bulshada sida korontada magaalooyinka, warshada iwm. Inkastoo dhismaha biyo-xireenno loo isticmaalo koronto dhalin ay ku kacayso kharash aad u badan; haddana waxaa laga faa’iidaa koronto nadiif ah oo lagu beddelan karo isticmaalka shidaalka ama dhuxusha.

4. TAMARTA HAYDAROJIINTA (HYDRGEN ENERGY):

Haydarojiintu waa hawada ugu badan hawooyinka dunida, hase ahaatee inta badan ku dhex milan hawooyin iyo walxo kale sida biyaha (H2O), haydaro kaarboonnada, noolaha (xayaanka iyo dhirta) iyo walxo kaleba. Halkii moolikiyuul oo haydarojiin ahi waxaa uu ka kooban yahay laba atom, halkii atomna waxaa uu ka kooban yahay hal elekataroon(electron) iyo hal borotoon (proton).

Tamarta haydarojiinta waxaa koronto ahaan loogu isticmaali karaa gaadiidka, guryaha, xafiisyada, qalabka elektaroonigga ah, warshadaha iwm. Haydarojiintu ma lahan midab, ur iyo dhadhan toona waana hawo aad u fudud.

5. TAMARTA NIYUUKLEERKA (NUCLEAR ENERGY):

Tamarta niyuukleerku waa tamar laga dhaliyo atamka. Atamku waa qurubka ugu yar walaxda, oo ka kooban niyuutaroon (neutron) iyo borotoon (proton) isku dheggan. Haddaba inta la ogyahay waxaa koronto looga dhaliyaa tamarta niyuukleerka laba hab:

1. Neuclear Fusion / oo hab atammo badan lagu isugu cadaadiyo oo atam weyn looga dhigo; halkaasna lagaga dhaliyo tamar loo rogi karo koronto.

2. Neuclear Fission / oo ah hab atammada lagu burburiyo oo loo sii kala jajabiyo atammo yaryar; islamarkaasna laga soo saaro tamar loo rogi karo koronto.

6. TAMARTA KULKA DHULKA / GEOTHERMAL:

Kulka qabowga Dhulka guntiisa ku sugan ayaa loo beddeli karaa koronto loo adeegsado tamar ahaan. Waxaa la qiyaasaa in Dhulka uurkii jiro ilaa afar kun oo maayl(4000 miles) halkaas oo heerkulkeeda lagu qiyaaso ilaa shan kun oo sentigarayd (5000 degree Centigrade). Kolka uu kulkaas darani soo gaaro lakabyada oogada Dhulka xiga ayay in badan oo dhagax ahi dhalaalaan, islamaarkaasna biyaha roobabka oo dhulka guntiisa galaa ay aad u kululaadaan gaaraanna heerkul aad u sarreeya. Haddaba waxaa koronto laga dhaliyaa biyahaasa kulul oo dhulka guntiisa ku kaydas.

Tamartani waa mid joogto ah, goobo kala duwan laga heli karo, dabooli karta baahida tamareed, islamar ahaantaasna aan wax badan aan u dhimaynin hawada iyo deegaankaba. Waxaa xusid mudan in goobaha laga dhisayo warshad dhalisa tamarta geothermal-ka in laga dheereeyo meelaha dhul-gariirku caanka ku yahay.

7. TAMARTA BAYOLOJIGA / BIOMASS:

Dhirta ayaa ahayd shidaalka ama tamarta uu bani-aadamku u adeegsan jiray baahida noloshiisa qarniyo badan; welina dad aad u badan ayay noloshoodu ku tiirsan tahay dhirta (dhuxul ahaan). Dhirta ayaa leh hab uu Ilaahay SW ugu talo galay in ay sahasho korintaankeeda iyo tarankeedaba, habkaas oo loo yaqaan habka footosintesiska (photosynthesis) ayay dhirtu ilayskii Qorraxda ugu beddeshaa tamar ay isticmaasho.

Haddaba bani-aadamka oo sameeyay tadawur dhan walba leh ayaa horumar ka sameeyay xagga dhalinta korontada ama tamarta (heat) ayadoo laga faa’iidaysanayo dhirta qallashay sida laamaheeda, jirriddeeda iwm; halkaas oo ay ku kaysanayd tamartii ilayska.

Sidoo kale dib tamar uga dhalinta haraaga ama wasakhda ah walxaha orgaanigga ah (wastes/manure, sewage, etc) ayaa ah hab ka mid ah hababkan tamar dhalinta ah.

Habkan ayaa aad ugu habboon dhulka kaymuhu ku badan yihiin, waxaana ka faa’iidaysta dalalka dhirta iyo kaynta badan leh. Hirgelinta habkan (biomass energy) laga hirgeliyo meelo kale ayaa ku xiran beerista dhir badan, isticmaalka biyo badan, helitaanka dhul ballaaran taasuna waxay u muuqataa in ay hirgelintiisu u baahan tahay kharash aad u badan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la xaqiijiyay in taas beddelkeeda la helayo koronto daboosha baahida loo qabo tamar, aad uga jaban tamartii laga dhalin jiray isticmaalka shidaalka; islamarkaasna haddii si wacan loo maareeyo la baaqsan karo kaarboon badan oo hawada gala.

Gabagebo:

Intaas oo qura kuma koobno siyaabaha loo heli karo tamar nadiif ah oo uu bani-aadamku ku beddesho shidaalka; islamarkaasna u yareeyo wasakhaynta deegaanka iyo atmosfeerkaba.

Hase ahaatee waxaan u soo qaadannay siyaabaha kor ku xusan oo tamar laga dhigto koronto loo heli karo; waa ayagoo aad looga sameeyay horumar, deegaammo badanina ku liibaaneen kagana raysteen shidaalkkii qaaliga ahaa.

Haddii uu Ilaahay Idmo waxaan soo qaadan doonnaa maqaallo ku saabsan horumarka laga sameeyay koronto dhalinta hababka nadiifka ah.

Abdiaziz Haji Bashir Ismail

ikhyaar33@gmail.com


No comments:

Post a Comment