ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ يَدَاكَ وَأَنَّ اللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّامٍ لِلْعَبِيدِ
Maanta meel kasto oo Geeska Afrikada ah waxaa daadsan kuna silcan malaayiin Soomaali ah, oo ku jira nolol tuugsi iyo shaxaad abaddi ah, oo aad u malaysid in "baryada iyo baahida" meherad lagu noolaado ka dhigtay.
Tiiyoo taas jirta, ayaa hadana waxaa lagu eersheegtay in cimilada adduunka isbedeshay oo abaarihii is daba joog noqdeen, oo dad iyo xoolaba qolfoofoobeyn. Waxaase isweydiin leh sababta dadka Soomaalida ah abaartaas iyo silacaan ugu nugul yihiin, markastana dhibta iyo rafaadka ugu badan yihiin.
Qaar badan oo ah culumada cilmiga dhaqaalaha iyo kuwa cilmiga bulshada isku raaceen in gaajada iyo fuqurnimada ay tahay wax ku yimaado rabitaanka iyo dhaqanka qofka ama dadka meel wada deggan. Waxaa arrintaas sii xoojinayaa dardaaranno tiro badan oo Nabi (SCW) uu uga dhigayay dadka dhaqamada xunxun ee keena abaarta iyo colaadda. Arrimaha Nabiga (SCW) ku tibaaxay in hoog adduunyo keenayaan waxaa ka mid ah:
1. Xumaanta oo xarago lagu faano noqotay: Waxaa wixii ka danbeeyay xoriyadda Soomaaliya waxaa caadi noqotay cayaaraha iyo caweesyda, xalaal iyo xaaraan u kala saarneyn. Haddana waxaa soo baxay "websaytyo" waabaaydaas seerayo, oo meel kasta degdeg ku gaarsiinayo. Nabiga (SCW) wuxuu sheegay dadkii xumaanta iyo faxshiga caadeysta inaysan baahi iyo cudurtoona aysan huraynin. Wadamada gaalada ah ee aan deggan nahay, waxaa yaal hantida adduunka inta ugu badan cudur, calaacal iyo ciriiri adduunyana ka bogsadaan.
فعن عبد الله بن عمر - رضي الله عنهما - قال: أقبل علينا رسول الله - صلى الله عليه وسلم - فقال: (يا معشر المهاجرين، خمسٌ إذا ابتليتم بهن وأعوذ بالله أن تدركوهن: لم تظهر الفاحشة في قوم قطُّ حتى يعلنوا بها إلا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن في أسلافهم الذين مضوا، ولم يُنقصوا المكيال والميزان إلا أُخذوا بالسنين وشدة المؤونة وجور السلطان عليهم، ولم يمنعوا زكاة أموالهم إلا مُنعوا القطر من السماء، ولولا البهائم لم يُمطروا، ولم ينقضوا عهد الله وعهد رسوله إلا سلط الله عليهم عدوًّا من غيرهم فأخذوا بعض ما في أيديهم، وما لم تحكم أئمتهم بكتاب الله ويتخيروا مما أنزل الله إلا جعل الله بأسهم بينهم) رواه ابن ماجه في سننه.
2. Beecmushtar khiyaaneysan, khiyaanadaas ha ahaato mid cabbir ah ama caqli-saracaad ah: Waxaa batay dadka, iyagoo xayaysiinaya, gadaya wax cadad ahaan ama faa'ida ahaan run ahaanta ka duwan waxa dadka ay u sheegayaan. Iyagoo ka faa'ideysanayo baahida qofkana, ka gada wax aan qiimo lahayn. Dadbaa dadka ka gadayaa daawo iyo raashin dhacay, ama dalka gaynayaa gawaari iyo mashiino ay og yihiin inaysan gacan ka gaysaneynin wax soosaarka iyo wanaagga dadka iyo dalka. Nabigan (SCW) oo sheegaya dadkii beecaas qootoqootada ah caado ka dhigta aysan huraynin "madax mujrimiin ah" (madax-manaxayaal ah) iyo "abaaro dabadheer ah".
3.Bixin la'aanta zakada iyo canshuurta loogu talagay daboolidda baahida danyarta dalka;baahidaas ha ahaato mid aqoon, caafimaad, isgaarsiin iyo amaan. Zakada waajibka ah mooyee, waxaa loo baahan yahay inaan laga dhaaranin u gargaaridda dadka guud ahaan, gaar ahaan sokeeyaha iyo inta tabarta daran.
وَلَا يَأْتَلِ أُولُو الْفَضْلِ مِنْكُمْ وَالسَّعَةِ أَنْ يُؤْتُوا أُولِي الْقُرْبَى وَالْمَسَاكِينَ وَالْمُهَاجِرِينَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلَا تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ
Dadyowga arrimaahaas sameeya, sida Nabigeenna (SCW) yiri iyagana dhibicda roob ayaa laga qadiyaa.
4. Ceyrnimo lagu kibro (عائل مستكبر): Arrintaan oo Soomaalida aad ugu badan tahay. Walow aysan waxba haysanin, ayay hadana waxay ka faanaan shaqo kasto oo lagu dhidida, taas ha ahaato beer falasho, bir tumasho, wax barasho iyo dhab u dhaqidda caruurta iyo xoolaha. Waxaa caado nuqotay "La beerto, la beegtaa ka roon". Faan dartiis, ayay tuugsiga shaxaad ugu bedeleyn, musuqmaasuqana qootoqooto (furbelow). Nabiga (SCW) oo dadka noocaas ah ka hadlaya wuxuu yiri kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa la cadaabo.
عن أبي هريرة - رضي الله عنه - قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " ثلاثة لا يكلمهم الله يوم القيامة ولا يزكيهم " . وفي رواية : " ولا ينظر إليهم ولهم عذاب أليم : شيخ زان ، وملك كذاب ، وعائل مستكبر " . رواه مسلم .
5. Madax ama hoggaamiye beenaale ah (ملك كذاب): Culumada cilmiga bulshada iyo kuwa cilmiga siyaasadda waxay isku raaceen in wax qof lagu qadariyo, lagu raaco, loogana danbeeyo ugu muhiinsan tahay waxay afka khalaad lagu yiraahdo "personal Integrity" (Dheelitirnaanta Qofka). Qofkana wuxuu dheelitirnaan karaa marka uu "RUNLOW" yahay! Muhimadda runlownimada waxaa kuu cadaynayaa in waxa ugu horeeyo uu Alle ku doortay dhammaan dadkii uu ka dhigay anbiyo iyo rusuul ahayd "runlownimadooda". Tusaale bal eeg sifaha Alle ku tilmaamay anbiyadiisa:
واذكر في الكتاب إبراهيم إنه كان صديقا
واذكر في الكتاب إسماعيل إنه كان صادق الوعد
واذكر في الكتاب موسى إنه كان مخلصا
Waxa Soomaalida haysta waxaa ugu daran hoggaamiyaasha iyo madaxda beenaayaasha ah. Waxay qaateen magac siyaasi ama oday dhaqameed. Arrintaas waxay baabi'isay kalsoonidii ka dhaxaysay dadkii raacyada ahaa iyo madaxdoodii; halkaasna waxa ku kala dhantaalmay dawladnimadii, maamulkii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed.
6. Musuqmaalka (Corruptocrats) iyo
musuqmaalnimada (Corruptism): Musuqa wuu ka jiraa wadamo badan ee adduunka ka mid ah, hase yeeshee soddonkii sano ee Soomaaliya burburka ka jira waxaa samaysmay hay'addo iyo shaqsiyaad musuqmaal ah (Corruptocrats) fikraddooda 100% tahay musuq iyo dabamarteen. Qolyahaas waxay dabka isugu dhiibaan dadka Soomaaliyeed, markii ay qaxaanna dunida ugu baryo tago iyagoo leh Soomaaliya ha la gargaaro. In kaban 80% gargaarkaasi ma gaaro halkii iyo dadkii loogu talagalay ee wuxuuna jeebka u galaa musuqmaal siyaasi sheegtay, oday dhaqameed sheegtay ama aqoonyahan sheegtay.
وعن عبد الله بن عمرو بن العاص رضي الله عنهما قال لعن رسول الله صلى الله عليه وسلم الراشي والمرتشي
by Mursal Karanle
No comments:
Post a Comment