Fikrada odhanaysa qofku isaga oo aah u buuran ama aad u cayilan ayuu caafimaad qabi karaa ,waxaa suura gal ah in ay tahay mid aad u adag, sida ay sheegayaan khuburo ku sugan dalka boortaqiiska.
Cilmi-baadhistan oon aan wali lasoo daabicin, ayaa lagu odorosay waxyabaha caafimaadka ee ay dhakhaatiirtu ka diiwaan galiyeen dad gaadhaaya 3.5 milyan qof oo ku nool UK.
Waxa ay sheegeen in dadka aadka u buurbuurani/cayilani balse aan marka hore lagu arkin calaamadaha horudhaca u ah xanuunka Wadne xannuunka iyo Sonkorta/Macaanka in ay adag tahay in ay ka nabad galaan ,qaybaha dambe ee noloshooda xannuunno, arrintaas oo burinaysa cilmibaadhis horay loo sameeyay.
Cilmibaadhistaasi oo kooban ayaa lagu falanqeeyay shirka cayilka dadka buuran ee Yurub.
Odhaahda ah "buurni badqabta " ayaa ahayd aragti sheegaysay in cayilka siyaadada ah uusan dhib lahayn, haddii ay sidii loo baahnaa yihiin waxna aanay iska badalin cabirka dhiigga iyo sonkorta dhiiga ku jirta.
Laakiin cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadheyaal ka socda jaamacadda University of Birmingham ,ayaa darsay macluumaadkii laga arruuriyay malaayiin bukaan ah intii u dhaxaysay 1995-kii ilaa 2015-kii , si ay u hubiyaan bal in ay sheegashadaasi run tahay iyo inkale .
Cilmibaadheyaashu waxay ogaadeen hadda in dadka aadka u buurani ee markaas xaaladdooda caafimaad ay siddii loo baahnaa tahay in ay halis wayn ugu jiraan in ay qaadaan wadne xannuun, qayb ka mid ah jidhka oo hawlgab noqoda ama shaqayn waaya, wadnaha oo istaaga, marka la barbar dhigo kuwa cayilkoodu uu siddii loo baahnaa yahay.
Maxay tahay in ay dadku sameeyaan?
Talada wadne caafimaad qaba ee ay bixiso Hay'adda Wadnaha ee Britain ee magaceeda loo soo gaabiyo BHF waa in aan sigaar la cabin, la cuno cunto isu dheelitiran, in si joogto ah loo jimicsado iyo la yareeyo cabidda khamrida
Qof kaste cilmibaaritsan cusub ma ku qanacsan yahay?
Waxaa jirta cilmi baarisyo kale oo tilmaamaya in ay macquul tahay in aad caafimaad qabto adigoo cayilan.
Tusaale ahaan cilmibaaris la daabacay 2012kii ayaa tilmaamaysa in ay macquul tahay in qofku uu caafimaad qabi karo isaga oo cayilan.
Ka soomidda caanaha iyo burcadka ‘oo caafimaadka lafaha u daran’
Gabadhii 'ugu cuslayd adduunka' dawayn dheeri ah ayay u baahan tahay
Buhari: Weligay sidan oo kale uma xanuunsan
Cilmibaaris: Saliidda kalluunku waxba kuma kordhiso garaadka carruurta
Warbixintan oo lagu daabacay wargayska European Heart Journal sannadkii 2012kii ayaa cilmibaareyaasha sameeyay waxay tilmaamayaan in dadka cayillan ee jismiyan u caafimaad qaba aysan halis ugu jirin in ay qaadaan cudurrada wadnaha ku dhaca ama kansarka, ayna ula siman yihiin dadka miisaankoodu uu caadiga yahay.
Xigasho:bbcs.
No comments:
Post a Comment