Maskaxda iyo unugyada qaabilsan fekerka oo horukac sameeya.Qofka wax akhriyaa waxaa uu si joogto ah u helaa fikrado kala duwan oo u horseedi kara horumar. Qofka wax akhriyaa waa mid si deg deg ah u jihayn kara fekerkiisa haddii ay soo wajahdo arrin deg deg ah oo aanu horay ugu tashan. Tusaale ahaan haddii ay doodi dhexmarto laba qof oo midkood yahay qof akhris badan midna aanu waxba akhrin, waxaa dhacaysa in qofka akhriska u saaxiibka ahi si sahlan uu horumar uga sameeyo dhinacii dooda.Sababtuna waxaa weeye qofka akhriska badani waa qof leh tababar dheeraad ah oo dhinaca maskaxda iyo maanka ah.
Ogaanshaha wax cusub: Dunida aynu ku dhaqanahay ma aha mid taagan balse waa mid mar walba uu ku yimaado isbedel. Waxyaalo horay u jirey ayaa dunida ka dhamaanaaya, waxaana soo kordhaaya waxyaalo cusub oo aan horay loo aqoon. Sidaas darteed akhriska badani waxaa uu kuu fududeynayaa inaad wax badan duniga ka ogaatid dunida kugu wareegsan.
Helitaanka khibrada dadka kale: Waxaa jira dad badan oo dunida ka tegey balse qoray waxyaalo badan sida buugaag, wargeysyo iyo waxyaalo kale oo badan. Ma heli kartid khibrada ama waaya-aragnimada dadkaas kol haddii aadan ahayn mid wax akhriya.
Waxyaalaha ay qoreen dadkaas aan maanta dunida ku nooleyn waxaa ay kugu dhalin karaan fikir kaa maqnaa, waxaa kaloo ay kugu caawin karaan inaad ka leexato qaladaadkii ay dadkaasi horay u sameeyeen. Waxaad kaloo ka dhaxli kartaa inaad kaga dayato waxyaalihii fiicnaa ee ay dadkaasi horay u sameeyeen.
Waxaa kaloo jira dad nool oo wax qoray balse aaney suurtogal kuu ahayn inaad la kulanto. Haddaba akhriska iyo baadigoobka aqoonta ayaa kuu sahlaaya inaad ka bogato waxyaalaha muhiimka ah ee dadkaasi qoreen.
Ummadaha lagu tilmaamo ilbaxnimada waa kuwa ay dadkoodu wax akhriyaan. Waxyaalaha ay wadamada horay u maray geliyaan lacagta badan waxaa ugu horeeya arimaha waxbarashada iyo barashada akhriska. Macalimiinta ugu khibrada badan dugsiyada wax laga barto waxaa lagu jiheeyaa oo ay akhriska baraan dhalaanka soo kacaaya.
Wadanka Sweden waxaa uu mid yahay wadamada horumrka ka gaaray dhinaca dhaqaalaha iyo wershedaha. Dalka sweden ma laha kheyraad dabiici ah sida basiinka , dahamka, macdanta iwm, balse waxaa uu horumarka dalka saldhig u ah tacliinta iyo dadka oo la baray akhris, laguna barbaariyey raadinta aqoonta. Waxaa dadka reer sweden yiraahdaan tiirarka aqoonta iyo ilbaxnimadu waa awooda ay dadku u leeyhihiin iney si wanaagsan wax u akhriyaan.
Haddaba waxaa muhiim ah inaan akhriska ka dhigano dhaqan joogto ah. Waxaa kaloo muhiim ah inaan isku dhiirigelino inaan wax akhrino si aan waxyaalo badan u ogaano. Waxaa lagama maarmaan ah inaan joogto ka dhigano booqashada meelaha wax lagu akhriyo sida maktabadaha buugaagta. Waxaa kaloo haboon inaan aalada casriga ah ee Internetka u isticmaalo ugana faa`iideysano dhinaca akhriska. Waalidiinta waxaa laga doonayaa iney caruurtooda inta ay yar-yar yihiin ku barbaariyaan dhaqanka wax akhriska iyo raadinta aqoonta. Gabayaa soomaaliyeed ayaa isagoo akhriska iyo aqoonra ka hadlaaya yidhi:
Teknoolojiyada aad aragtay ee lagu taxaashaayo
Taleefoonka ,taarkiyo weliba Tv-ga
Waxa aalad lagu tababartoo nolosha taabaaya
Aqoonyahan tijaabiyey oo tiigsadee helaye
Tacliin hadii aaney jirin tacadi sow maaha.
W/Q Maxamed Abdulahi Hasan(CEENAD)
No comments:
Post a Comment