Qorsheyntu waa tan u horaysa una muhiimsan marka hawl la qabanaayo, hawl la qabto qorshe la’aan waa hawl aan la hayn wax macno ah iyo hawtulhamagnimo, inta badana waxay u muqataa hawl aan adkeyn.tusaale ahaan kasoo qaad inaad aroorta 6:00 subaxnimo ugu baxayso safar magaalo ka baxsan magalada aad degentay, waa hawl aan wax badan kaga baahnayn hadana qorshe kama maarmayso, waxad u bahantay inad diyaarsato gadiidkad raacileyd iyo inaad qadato sahay iyo wixii kaleed u bahantay sida waraqahaga aqoonsiga hadaad xuduud ka talaabayso. Qorshe waa inuu ahaado mid qoran aad goorkasta si sahlan u tix raaci karto cabirina karto markasta horumarkaad samayso,qorshe aan qornayn wuxu kugu sababi karaa inaad lunto waayo waxaad u dhigantaa nin yidhi maskaxdayda ayaan ku qadanayaa mapkayga umana baahni inan qaato waraqo wax ku sawiranyiin, tani waa arin khatara hadii uu shaki kaa galana waxaad halis u tay inaad samaayso go’aan khaldan.inteena badani maab nololeedkeena madaxeena ayaan ku sidanaa, "waana ta keenta inan is qiimayn kari wayno oon garan wayno xageen u soconaa oonan ku qanacno wixii ay noloshu inoo keento."
Abu Qaasim al-shabi gabay afka carabiga ku qoran oo uu leeyay, ayuu dhulka ku su’aalayaa "Hooyo, basharka ma dhibsatay?" dhulkuna wuxu ugu jawabayaa
"Dadka waxaan barakadeyda siiyay kuwooda hammiga leh, een khatarta ka fuula.
Waxan nacdalay kuwooda aan wakhtiga la socon, noloshana iskaga qanca teeda adag".
Hadaba nolosha qorshe qorani waa lagama maarmaan hadii aan rabno inan si aan leexleexad,jaahwareer iyo lumis toona lahayn inan u gaadhno hammigeena nolosha. Waxa laga yabaa inad is weydiinayso maxan uga bahanay qorshe nololeed qoran? Ma kombani ayaan ahay? Runtu waxa weeye kombani adaa ka qaalisan, maskaxda kambaniga hagaysaana waa adiga, laakiin hadad adigi lunto cidkale meel maad gaadhsiin? waa maya. Waayo horaa loo yidhi "Tiisaba Daryeela tukalena ku dara".
Iyada oo aad looga wada dharagsanyay muhiimada qorsheynta, hadana waxaan tilmaami donaa qorshe la’aantu iney tahay waxa in badan oo inaga mida dhaxalsiiyay nolol aanay rabin. Faa’idooyinka Qorsheynta waxa ka mida ku wan:
1. Jihayn
Marka aad yeelato qorshe cad oo qoran dhamaan qaybaha kala duwan ee jidhkaagu waxay ku shaqeeyan qorshahaas waxayna ka war qabaan u jeedooyinka aad leeday iyo waxaad hiigsanayso, tusaale shirkadaha ama ururadu waxay leeyiin ujeedooyin ama (objectives) sababta shirkadu u qorto una soo bandhigto ujeedooyinkeeda waxa ka mid ah in dhaman shaqaluhu ka war qabaan ujeedooyinka shirkada kuna dadaalan iney xaqiijiyaan ujeedooyinka shirkadaas ay ka shaqaynayaa, iyo in aan isbedelka maamulku sababin in shirkada yoolkeedu is bedelo lakiin ay ahaado mid leh hal yool oo la xaqiijin karo. Qorshuhu badanaa wuxuu u dhaqmaa sida maabka oo wu ku tusaa kolta inaad hore u socotay iyo intaad u jirto yoolkagi iyo goobtaad ku nasan leyd.
2. Lama sadaalin karo mustaqbalka.
Sideedaba qorshuhu wuxuu ku saabsanyay mustaqbalka, mustaqbalkana lama sadaalin karo, hadaba inaad qorshe lahaata waxay yareeysaa khataraha ka iman kara isbedelada mustaqbalka , waayo qofkii qorshe leh wuxuu ka fakiraa dhamaan caqabadaha ka hor iman kara iyo ka hortagooda iyo xalalka macquulka ah ee mid kaste lagu xalin karo hadday yimaadan.
3. Go’aan ayaa laysku dhaafay.
Inaad garato halkaad ka timi iyo mesha aad ku socotaa waxay kuu sahashaa inaad go’aan ka qaadato dariiqa kugu dhaw ee aad u marki karto meshad ku socoto iyo halista kaga iman karta dariiqaasi, iyo waliba wakhti intee leeg ayuu kugu qaadaynaysaa dariiqaasi, ma helaysaa sahay iyo biyo dariqaas cidi ma degentay aad u hoyato mise waa cidlo-ciirsila oo waa adi iyo bahala waxa meshaas maray. Dhamaan arimahani waxa macno u yeelaan go’aamadada horaa loo yidhi "War la helaa, talo la helaa" maclumaadka aad wax ku qorsheysay waxay ka saacididonan inaad go’aan xikmadaysan qaadato.
Waayo!, Maxaynu inteena badani u lahaan weynay qorshe nololeed?
Dadka intooda badani waa daawadayaal daawada noloshooda kolbay dariiqay qaado, laakiin iyagu marna ma doortaan dariiqay mari lahaayeen, waxa laga yaaba inay qorsheeyaan xirfada ay ku shaqaysan lahaayeen iyo inay dhisaan guri iyo wixii lamida. Laakiin marna ma qorsheeyaan dhamman noloshooda dhinac kastooy noqoto, qofka maha inuu kaliya la haado qorsheeyaal gaagaaban waxa qofka laga rabaa inuu ka la haado qorshe dhamaan noloshiisa. Hadaba si aynu uga badbaadno aafada qorshe la’aanta iyo hawtulhamagnimada oo aan u yeelano qorshe qoran oo kuu jiheeya dariiqa toosan waa inan ka lahaano qorsheyaal dhaman arimahan soo socda, akhyaareey inta badan waxan soo xigan donaa khitaabka la yidhaa "الشخصية المسلم" ee uu qoray Dr. Mohamed Ali Hashimi, kitaabkan oo inta u badan idin soo tarjumi doono waxa laga yamaa inan wax aniga xageyga ka ahaaday ku daro, lakiin asalka qoraalka wuxu ka iman dona kitabkaas iyo wixi aan ku dari karo.
Waxaa Dhacda In Dad Badani Ka Baqaan Caqabadaha Yar Yare ee Ka Sokeeya Xaqiijiinta Hamigooda, Taasoo dhaxalsiisa Inuu Qofku Noqdo Col Hortii Jabay Oo Uu Gacmaha Iska Laabto Isagoo Awoodaya Inuu Isticmaalo Kartidiisa Iyo Maskaxdiisa Uu Door Bido In Sida Shimbirta Yare ee Cushka Ku Jirta Afka Wax Loogu Guro Oo Aanu Haba-yaraate U Hawl Galin Horumarinta Iyo Kor U Qaadida Heerkisa Nololeeed "Obstacles Are Those Frightful Things You See When You Take Your Eyes Off Your Goal." Ma Khaldani Hadaan idhaahdo Jidka Guusha Hammigaaga Ayaaba Caqabado Ka Samaysan, Haddaba Akhriste Ma Odhan Karnaa Safarka Kumannaanka Mayl La Socdaa Wuxuu Ka Bilaabmaa Hal Talabo Oo Aad Qaado Hadii Aad Ku Dhiiran Waydo Inaad Talaabada Ugu Horayso Qaadidna Lagama Yaabo Inaad Gaadho Meesha Aad Rabto
Suura gal ma tahay inaad u safarto magaalo aanad garaneyn magaceeda, dhanka ay kaa jirto iyo wliba masaafada ay kuu jirto, adigoo waliba aanay jirin ruux kale aanad isku Haleyn? Dabcan jawaabta way iska caddahay suura galna ma noqon karto inaad u safarto meel aad rabto adigoon ka helin xog ku saabsan sida magaceeda oo kale, safar kooban oo saacado ama daqiiqado uun qaadanayo haddii uusan suura gal ahayn qorsho la’aan maxaa u maleyneysaa safarka nolasha oo idil ah.
Noloshu waa Safar u baahan qorsheyn iyo in loo sameeyo yool ay hiigsato oo ay ku dadaasho xaqiijintiisa iyadoo raaceyso qorshe ay u dagsatay, dadka nolasha ku guuleysta waa dadka leh yool ay hiigsadaan isla markaana u dajiya qorshe, taas oo ah jaranjaradii ay ku fuuli lahaayeen hiigsigooda.
Yoolka ugu weyn ee uu hiigsanayo qofka muslimka ah waa jano iyo in uu Nabi muxamed (NNkH) uu daris kula noqdo janada, haddaba qof walbo si uu u gaaro yoolkaas waxaa lama huraan ah in uu u maro wadadii uu u jeexay nabi muxamed (NNKH), walaalkeyga qaaliga ahaw yeysan jirin wax kaa mashquuliya fulinta waajibaadka diiniga ah .
Waxaa jira sidoo kale qof walba in uu xambaarsanyahay hadaf iyo yool kale oo uu hiigsanayo isla markaana ka damacsanyahay nolashiisa inta uu aduunkan dul joogo , balse dadka badigood hamigooda waxa ay ku keedsadaan uurkooda iyagoo anan sameyneyn wax isku day ah markii uu ruuxa sidaa noqdana hamigiisii oo idil wuxuu isu bedalaa hawo iyo khiyaali aan soo dhaafin uurkiisa.
Qiyaasidda Hammiga aad Siddo
Hammiga Iyo Arimaha Fududeeya Inaad Ku Guulaysto Hammigaaga Nololeed Waxaynu Isla Garanay In Kala Duwanaanshiyaha Nolosha Dadku Ay Masuul Ka Tahay Hammigooda Oo Kala Gedisan Markasta Oo Qofku Gaadho Hamiguu Lahaa Wuxuu Dareemayaa Farxad Iyo Deganaanshiyo Waxayna Dhalisaa Inuu Ku Dhiirado Inuu Hore Uga Sii Socdo Halka Uu Taganyahay Noloshiisuna Samayso Horumar Xag Walba Ah Taa Caksigeeda Hadday Dhacdo Inuu Qofku Ku Guuldaraysto Hamigiisa Waxaa Dhacda Inuu Niyad Jab Iyo Rajo Xumo La Soo Daristo (Desperation) Taasoo Kalifta Inuu Ku Dhiiran Waayo Waxyaabo Badan Oo Uu Qabsan Lahaa Curyaamisana Horumarku Nolosha Ka Samayn Lahaa Bulshadeena Way Yartahay Dadka Qoraalka Ku Sameeya Waxay Ku Haminayaan Waxaa Haboon Inaad Qorto Waayo Waxay Taasi Kaa Caawinaysaa In Aan Madmadow Ka Galin Hamigaagi Si Fiicana Aad U Fahansantay Waxa Hamigaagu Yahay Sababayn Kartana Waxyaabaha Aad Ku Dooratay Daraasad Cilmi Baadhiseed Oo Dhawaan La Sameeyay Ayaa Waxaa La Ogaaday In Bulshada Inta Qorta Waxay Ku Hamiyayaan Ay Ka Hoosayso (Boqolkiba Saddex 3% ) Taasina Waa Ta Keentay Inuu Ruuxu Garan Waayo Meshu Ku Socdo Kuna Jahawareero Ujeedada Iyo Riyadisa Nololeed .
Qofka oo Gaadha Heerka Guushiisa.
Run ahaantii Cidina Guusha Lamay Dhalan Dhaxalna Umay Helin Balse fahamka Sirta Nolosha ayaa Laysku Dhaafay Waa Dadaalka Iyo Ka Midho Dhalinta Hamigaaga Runtii Waxaan Jecelay Qaybahan Danbe Ee Qormadeena Inaan Ku Falanqayno Sida Ugu Haboon Eed Wakhtigaaga Uga Faa’idaysan Kartid Sidii aad Hamigaaga Ugu Guulaysan lahayd Riyadaadana u Rumayn Lahayd . Waxaa Shaki La’aan ah In Bulshada Soomaalida Ay Ku Yar tahayba Inta Qaabaysa Ama Si Fiican U Maamusha Wakhtigooda Oo Aan Odhan Karo Celcelis Ahaan Waxay Ka Yar Yihiin (Boqolkiba Hal 1%) Bal U Fiirso Bulshadeena Markad Indho Indhayso Meelaha Fadhi Ku Dirirka Dhalinyarada Xooga Ah Ee Awoodoodi Iyo Kartidoodi La Fadhiya Gidaarada Waxay Caadaysteen Wakhti Lumiska Iyo Meel Iska Fadhiga Waana Sababta Meelaha Fadhi Ku Dirirku Ay U Yihiin Kuwan Ugu Camiran Uguna Dadka Badan Waxad Garwaaqsanaysaa In Dhamaan Dadkaasi Ay U Heelan Yihiin Siday Wakhtiga U Dili Lahaayeen Ama Isku Dhaafin Lahaayeen:-
1.Sidee Duunyo Loogu Lumay?
2. Maxaa Dad badan Ku Soo Lug Go´ay?
3. Maxaa Ku Hungoobey Duul badan?
4. Diihaal Kula Soo Dhex Dhacay?
Dhamanten Waa Inaynu Ka Warhaynaa Kana Fiirsana Waxa Ugu Badan Ee Aynu Wakhtigeena Ku Bixino Madama Aanu Wakhtigu Ahayn Wax Inoogu Soo Noqonaya Siyaabah A Wakhtiga Loo Maamulo Si Aad Hamigaaga Ugu Guulaysto Madama Aynu Isla Garanay In Wakhtigu Yahay Kan Ugu Qaalisan Nimcooyinka Ilaah Inagu Galaday Waajibna Ay Tahay Inaynu Ka Faa’idaysnaa Waa Inaynu Qaabayna Si Aynu Midho Wanaagsan Uga Gurano Mustaqbalkeena Danbe. Akhriste Marki Xog Ururin Lagu Sameeyey Dad Badan Oo Hamigooda Ku Guulaystay Ayaa Waxaa La Ogaaday In Badankoodu Ay U Qaabeeyeen
Wakhtigooda Sida Hoos Ku Xusan:-
1. Wakhtiga Shaqada (Work Time)
2. Wakhtiga Bulshada (Social Time)
3. Wakhtiga Ruuxda Ama Cibaadada (Spiritual Time)
4. Wakhtiga Jidh Dhiska (Fitness Time)
5. Wakhtiga Maskaxda La Nasinayo (Mental Relaxation Time)
Todobaadku Wuxuu Ka Koobanyay 168 Saacadood Wakhitga Aad Joogto Goobta Shaqada Oo Marka Loo Eego Si Heer Caalamiya Noqonaysa Guud Ahaan 48 Saacadood Ayaa Waxa La Odhan Kara Waa Wakhtiga Wax Soo Saarka Waxaa Haboon In Wakhtigan Si Fiican Aad Uga Faa’idaysato Oo Aad Halgan U Gasho Si Aad Xirfadaada Shaqo Aad U Horumarin Lahayd Waajibkaagana Aad U Gudan Lahayd Sida Ugu Wanaagsan Taasoo Ku Dhaxal Siinaysa Inaad Hamigaaga Ku Guulaysto Waana Fursadaha Ugu Mihimsan Ee Qofku Ku Horumarin Karo Naftiisa Waxsoo Saar Muuqdana Ku Muujin Karo.
Wakhtiga Bulshada (Social Time) Wakhti Inaad La Qaadato Bulshada Aad La Nooshahay Oo Aad La Falgasho Intoda Wanagsani Waa Arrin Muhiimadeeda Leh Aqoonyahanada Ku Takhasusay Cilmu Nafsiguna Waxay Sheegaan In Ay La Falgalka Bulshada Uu Qofku La Nool Yahay U Tahay Caafimaad Jidh Ahaan Iyo Maskax Ahaaneed Labadaba. Inaad Kala Sheekaysto Asxaabtada Waxyaabaha Aad Xiisaysid Sida Ciyaaraha Qaybahooda Kala Duwan ,Aflaamta Nooca Aad Jeceshay , Siyaasada , Isbedelka Cimilada Aduunka Iyo Xaaladaha Nololeed Ee Dadyowga Caalamka Ayaa Waxay Dhalinaysaa In Dareenkaagi Ku Xidhmo Bulshada Oo Aanad Noqon Qof Ka Xiriir Furma Taasi Waxay Ka Badbaadinaysaa Inaad Isku Buuqdo Ama Aad Keligaa Sheekaysto Oo Aad Culays Iyo Ciriiri Badan Dareento Ilaa Toban Saacadood Todobaadki Hadaad Siiso Bulshadaada Waa Wax Naftaadu U Baahan tahay Lagamana Yaabo Inaad Go’doon Noqoto Nafsad Ahaan Firficooni Hor Leh Iyo Cadaadis Badan Ayaa Ka Degaya Tasina Waxay Fududaynaysa Inaad Hamigaaga Ku Guulaysato.
Maxaad Ka Damacsantay Nolashaada Dhaw iyo Taada Fog?
Qofkastoo bani-aadam ahi wax buu Hiigsanayaa isla markaana jecelyahay in uu gaaro balse waxaa kala duwan sida ay u qaabilayaan ka gun gaarida waxyaabaha ay hiigsanayaan, Dadkeena badankoodu 95% malaha qorshe ay u dajiyeen ka mira dhalinta yoolka nolashooda waxa ay nolasha u qaabilaan hadba sida ay iyada usoo qaabisho, halkii ay nafta xukumi lahaayeena naftii ayaa hogaanka u heysa taasina waxa ay sababta in inta badan ay qiimo beesho nolasha qofka.
Caqabadaha Kaa Hor-taagan inaad Qorshe Sugan u Dejiso Nolosha.
Waxyaalaha ka hortaagan dadka badankoodu in ay qorsheyaan noloshooda way faro badan yihiin hase yeeshee waxaan ka xusi karaa qodobadan.
· Iyaga oo aan fahamsanayn xawaaraha wakhtiga nolosha iyo xaqiiqna nolosha.
· Cabsi ay ka qabaan guul daro iyo fashil ku yimaada qorshaha ay dejistaan.
· Kalsooni darro soo waajahda Habsami usocodka Noloshooda
· Liiditaan nafsadooda ay liidayaan iyagoo isu arko in aysan qorshe fulin Karin
· Faham daro muhiimada ay leedahay qorshe u dajinta hadafka nolosho .
· Xisaabtan la’aan iyo saamaynta nolosha
· Xishood iyo cabsi ay ka qabaan in ay bulshada la yaabto .
Aqriste waa muhiim in uu kuu cadyahay hadafka aad nolasha ka leedahay is weydii
Maxaad u nooshahay?
Waa maxay hadafka fog ee aad noloshaada ka damacsantahay?
Waa maxay xaqiiqda dhabta ah ee aad ku dambayn doontid?
Mar haddii aad jawaab u hesho su’aalahaas waxaa kuu sahlanaan doona qorshe u dajinta xaqiijinta hadafka noloshaada.
Qorshe ma leedahay?
Dhowr qodob oo ku saabsan muhiimada ay leedahay in qofku uu qorsheeyo noloshiisa.
1. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay diintaada. Dhamaanteen waxaan dooneynaa in aan ku noolaano sidii uu nafaray Allah. Hadaba su’aashu waxay tahay xagee ayaad taagantahay maanta? Waxaa muhiim ah in qofku qiimeyn ku sameeyo habka uu ilaahay u caabudayo oo qorsheeyo waxyaabaha u baahan in uu wanaajiyo.
Waa in aad su’aalo iska weydiisaa arimaha la xiriira diintaa isla markaana aad qorsheysaa sidii aad u hor marin lahayd xiriirka kaala dhexeeya Allah.
2. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay reerkaaga. Waxaa macquul ah in sanadkii hore adiga iyo xaaskaaga aad kala fogaateen, caruurtii in aysan wado fiican ku socon. Haddii ay jiraan dhibaatooyin u baahan xal waa in aad qorsheysaa sidii aad meel u saari lahayd arimahaas sanadka cusub.
3. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay shaqadaada iyo waxbarashada. Soomaalida inteeda badan waa shaqo la’aan. hadaba maxaa talo ah? sidee ayaad wax uga badali kartaa xaalada shaqada ee aad ku jirto. In aad cayr ku noolaato mustaqbal ma ahan. Waa in aad qorsheysaa haddii aad u baahantahay waxbarasho dheeri ah, haddii aad ganacsi bilaabayso iwm.
W/Q : Axmed Xasan Qarni (Tiigsade)
No comments:
Post a Comment