SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaad ka taqaanaa Diiwaanka guud ee Boqortoyadii Gaaljecel?

Boqortooyada Gaaljecel waxay aasaasantay xilligii dowladdii Cabaasiyiinta ee khilaafada islaamka, Boqortooyadaasoo ahayd mid ku timid Diiniya (Dacwa Islaamiyah) taasoo hoos imaaneysay amiiraadii ama khulafadii dowlah Cabaasiyah.

Boqortooyada Gaaljecel oo ah mid aad u fac weyn soona jirtay muddadaas ayaa waxaa tan iyo markaasi soo maray ilaa iyo 22-Ugaas oo la soo shaqeeyay Khulufadii waqtiyadaasi jiray.

Markii ay burburtay dowladdii Cabaasiyiinta, waxa Boqortooyada Gaaljecel ay la soo shaqeysay oo ay xiriir la lahayd Dowladdii Cusmaaniyah laga soo bilaabo mu’asaskii dowlah cusmaaniyah, Cusmaan Binu Ardhuqaral taariikhdu markay ahayd 1299-kii ee Miilaadiga, waxa kaloo xiriir wada shaqeyn ah ay la lahayd Saliimul Awal oo xilligaasi ahaa Khaadimul xarameyn isla markaana ahaa Amiirul Mu’miniin ee Aala-Cusman.

Markii ay taariikhdu ahayd 1512-kii ayaa waxaa khilaafada Islaamka soo wajahay weeraro kaga yimid French iyo Portugal, weeraraadaasoo sababay in khilaafada islaamka ee dunida muslimka lagaga qabsado dhul muhiim ah, waxaana dhulkaasi ka mid ahaa Andulus oo ahaa dhul 800 sano Muslim ahaa.

Haddaba boqortooyada Gaaljecel oo ka mid ahayd Boqoradii hoos imaanaayay khilaafada islaamiga ee Aala-Cusmaan waxay door weyn ka qaadatay adkeynta midnimada muslimiiinta gaar ahaan geeska Afrika iyo dunida Muslimka oo idil, waxay kaloo xiriir toos ah la lahayd Khaliifkii Cabdulxamiid Taani (II).

Sanadka markuu ahaa 1876-dii ayuu Khaliifka muslimiinta ee Aala-Cusmaan wuxuu amar ku siiyay dhammaan caalamka islaamka inay ka hor tagaan weeraradii ugu imaanayay dhanka Frenchiga oo marba marka ka dambeeya isa soo tarayay dhulal badan oo Islaam ahna lagu qabsaday.

– 1 –

Boqortooyada Gaaljecel waxay xilligaasi ka mid ahayd Boqortooyooyinkii u hoggaansamay awaamiirtii Muqaawamada ee uu bixiyay khaliifkii Muslimiinta Cabdul Xamiid Taani waxayna Boqortooyada Gaaljecel door weyn ka qaadatay abaabulka iyo adkeynta midninmada Islaamka guud ahaan gaar ahaan tan Geeska Afrika, taasoo looga hortagay Franchigii ku soo duulay dhulka musliimiinta.

Boqortooyada Gaaljecel oo ah mid facweyn oo taariikh lama iloobaan ah ku leh dunida Musliimka ayaa waxay xiriir la lahayd ilaa 1924-tii khulafooyinkii jiray oo uu ugu dambeeyay Cabdul-Majiid Thaani oo ahaa khilaafkii ugu dambeeyay dowlah Cusmaaniyah.

Haddaba Boqortooyada Gaaljecel oo sida aan kor ku soo xusnay soo maray 22-Ugaas oo badankood la soo shaqeeyay Khilaafooyinkii jiray ayaa waxay kala yihiin:-

1. Ugaas Xaaji Saalax

2. Ugaas Axmed

3. Ugaas Dheylar

4. Ugaas Hufane

5. Ugaas Mandaluug

6. Ugaas Diinle

7. Ugaas Cabdisalaam

8. Ugaas Dhoore

9. Ugaas Caamir

10. Ugaaas Abroone

– 2 –

11. Ugaas Mahad-Alle

12. Ugaas Erebelle

13. Ugaas Dhaayow

14. Ugaas Diini

15. Ugaas Maxamed

16. Ugaas Nuur

17. Ugaas Cumar

18. Ugaas Maxamed

19. Ugaas Jirow

20. Ugaas Cilmi

21. Ugaas Muxumud

22. Ugaas Cabdullaahi

Waxaa diyaariyay : Maxamed Deerow Caddaawe.

No comments:

Post a Comment