Tukuhu waa macalinkii ugu horreeyey ee aadamaha wax tusay oo baray, markii Haabiil walaalkii Qaabiil qoonsaday ee dilay wuxuu garan waayey si uu yeelo meydkii walaalkii, wuxuu sido oo sido meydkii walaalkii kuna daalo xambaarsanaantiisa, ugu dambeyntii waxaa Eebeheena weyn u soo diray tuke isna midkale dilay oo meydkiisi sida kaas oo intuu soo hor fadhistay haabiil god qoday oo aasay asturayna meydkii tukihii dhintay; falkaas markuu arkay Haabiil ayuu qoomameeyey oo yiri, hohay hoh ma intaas ayaan garan waayey kartina u heli waayey; sidaas ayuu tukuhu macalinkii ugu horreeyey inoogu noqday ee ina baray asturaada iyo xurmeynta mowtideena (Arintaa quraankeene kariimka ah ayey ku qorantahay oo lainoogu sheegay).
Prof Abdirahman Abdullahi Warfa.
Somalidu wax badan kama taqaan tukaha iyo fariidnimadiisa, waxay moodaan in uu fulay yahay oo digtoonyahay waxaaney yiraahdaan iyaga oo barbar dhigaya xuunshada: xuunsho ayaa la weydiiyey goormaad garata ninka ku halgaadaya ama ku ganaya; waxay tiri "markuu leebka iyo qaansada isa saaro una sso tuurayo ama soo ganayo" ; tukaha markii la weydiiyey wuxuu ku jawaabey ‘markey laba is dhugato ama is eegto" Tukuhu wuxu kaloo yiri bey somalidu tiraahda "Inta hilibka cuntana waan u yarahay inta midhaha cuntana waan u weynahay" " Tukuhu nasiib uu caano ku helo wuu leeyahay mid uu ku calfado se ma leh"; waayo badana markuu weelka qarka iskaga istaago ee lagu qayliyo ayuu weelku gaddooma canuhuna qubtaan.
Dadak addunka qaar wey masabidaan tukaha oo masiibooyinka dadqalatada, dagaalada, dilka, mugdiga iyo dhiiga ayey u soo qaataan sida marar badan aflaanta iyo buugaagta baqdinta masileysa loogu soo qaato sawirka tukaha, dhiiga iyo mugdiga.
Wuxuu awood u helay in ku noolaado cimilo aad u kala duwan sida dhulka barafku ka dhaco, keynta cuffan, dhulka geed gaabka ee kulul iyo saxaarahaba; sidoo kale wuxuu ku noolyahay magaaloyinke aadka loo degganyahay iyo beeraha isaga oo la nool aadamaha. Waa shinbir bulsho ah oo kooxo u wada nool.
Tukuhu waxayaalo farabadan ayuu cunaa oo quutaa (omnivores) sida hilibka, kaluunka, qashinka, cayayaanka, shimbiraha, noolaha yar-yar, ukunta shimbiraha, midhaha. Caqli iyo xeelado uu cunnada ku helana wuu adeegsan karaa; Masalan tukaha mareykanka oo gurta geed midho adag (nuts) markuu jibin kari waayey midhahaa wuxuu helay xeelad sahleysa in uu midhahaas beerka kala baxo, wuxuu ku tuuraa midhahaas adag laamiga baabuurta yaryari mareyso si ay ugu jebiyaan midhahaas ka dibna uu beerka midhaha quuto, kuma tuurayo meesha baabuurta waaweyni mareyso wayo wuxoo dhanba wey burburinayaan oo laamigey ku malaasmayaan.
Maskaxda tukuhu wey ka weyntahay tan shimbiraha kale sida ta qooleyda, sidoo kale marka loo eego misaanka jidhka tukaha wey culistahay; qaybteeda hore ayaa aad u weyn sida ta aadamaha ama dadka.
Cilmi badheyaal iyo aqoonyahanno korsaday tukuha cilimi baadhisna ay ku sameeyeen oo barbar dhigeen xayawaanno kala duwan, waxaa u soo baxday in tukuhu ka caqli badan yahay kana khiyaamo iyo xeelado badan yahay eyda, bisadaha iyo doofaarkaba; kuwo kalena 2004 waxay xaqiijiyeen in uu ka caqli iyo xeeladba kaga horreeyo daayeerada gaar ahaan shinbanseega (chimpanzees).
Maxkamadda iyo caddaaladda tukaha
Tukuhu wuu is qabtaa oo is xukumaa haddi mid ka mid ahi gaf xeerka tukaha ku xun sameeyo, masalan:-
Haddii tuke cunno ka xado caruur ama jiijile: waxa dhacda in lagu xukumo in baalasha laga rifo si uu u duuli waayo sida caruurtii u ka xaday cunnada, cunnana si fiican ugu doonan kari waayo madaama aanu duuli karing.
Haddu tuke kufsado xaas tuke kale: Intay geed tukayaashu isugu yimaadan sida beer dhir waaween leh, isna la soo dhex fadhisiyo ayaa kooxi xukumeysa markuu xukunku dhaco isga oo cuuq cuuq leh madaxana hoos u rogaya oo aad mooddo in uu qiranayo in dembigaa uu galay, ayaa markiiba koox hareero jogtay oo ilaalineysey soo boodeysaa oo afka ku boobeysa illaa uu ka dhinto. Markuu dhinto qaar baa qaadaya oo si xushad iyo xurmo ku jirto meel ugu duugaya asturayana meedka.
Hadduu tuke buul tuke kale leeyahay dumiyo: waxaa lagu xukumaya in uu hagaajiyo wixii uu dumiyey amaba mid kale u dhiso reerka uu guriga ka dumiyey.
Xaaladdeena (wax kooban)
Bal arrintaa tukaha dhuux oo u fiirso koley somaalidu ku waano qaadan meyso waxba eh. Bal eeg xooga waxa dhexdeena maalin walba yaal eeynaan dan ka lahayn ama moognahay:
Somaalia weligeed caddaalad wey ka fogeyd dhaqan ahaan, berigii hore ninkii tamar daran xoolahaa looga dhici jirey si naxariis darro ah oo weliba lagu faani jiray. Xamasta xataa ri’ irmaan loogama tegi jirin.
Dhaxalka, magta, iyo meherkaba sidii la doono ayaa laga yeela oo waa laga leex leexdaa sharcigii Eebe weyne ino soo dejiyey ee sida fiican ee cad u qeexayey arimahaa.
Maamuladii soo maray Somalia mid kasta kii ka horreeyey wuu ka caddaalad iyo damiirba xumaa:Nafo badan oo ilaahay xurmo siiyey ayaa soomaliya lagu dilay labaatankii sano ee tegay iyadoo lawada arkayo waxaana badankooda la yiri waa looma ooyaan looma aaraan. Waxaan la yaabay isimaa isgu tegey xamar 2007; iyagoo leh oo go’amiyey wixii hore waa xaley dhalay – Xataa mey oran wixii xaqdarro lagu dilay aan u duceyno ama sida gaalada daqiiqado u aamusno, lama dhowring xataa damiirka dadkii iyo hooyooyinkii wilashoodii la laayey.
Maxkamadaha horta dad u qalma in ay wax xukumaan oo damiir leh Eebana ka baqayaa wey ku yaraayeen haddana kaba sii daran, nadaamka xukunku wuxuu ahaa la jiifiyaana bannaan iyo faraskaagii laga badi.
Dhinaca wax barashada; inkasta oo waxbarashadu bilaash ahayd oo dawladana ka cawinjireen Somalia, haddana naas nuujin iyo in waxbarashada dibadda la siiyo dad gaar ah wey caddeyd oo madaxda iyo inta u dhow ayaa caruurtooda meelaha ay u maleeyaan in ay fiicantay u diri jiray, sidoo kalena shaqooyinka fiicfiican heli jiray oo la siin jiray (nadaamka lagu kala saari jiray wuxuu ahaa waaina hebel).
Waxaan xasuustaa markaan dhiganayey dugsiga dhexe 1966 iyadoo ardaydii nala dhiganeysey la midha midheysto oo loo diray dibadda iyagoon weli dugsigii dhexe dhammeyn, dalalkii shuuciga ahaa ayaa waxbarasho loogu diri jiray kuna soo dhameystaan, kuwayagii laga tegay Eebe mahaddiise maaney khasaarin oo Eebe u miciin.
Kuwo kale waxaa loogu aarey dad aan shuqul ku lahayn, aqoonna, laakiin loo heysto in ay wax wadaagaan kuwo kale madaama ay abtirsiin hore oo fog oo fog wadaageen.
Markii dowladii dhexe burburtay, hantidii dadka ayaa la bobay welina la boobayaa wershrdihii ayaa la biliqeystey oo hub la siistay shirkadona lagu furtay wixii ka soo baxay, kuwii boobeyna waa loo qoslayaa halyeyayana waa loo haystaa, hadda, intii yareyd ee kumeelgaadhka ahayd ayaa kaalmadii addunyadu ku deeqday 70% madax ku sheegtu xaday sida la caddeynayo, dakhligi soo xeroodayna meel uu maray lama hayo.
(Soomaalidu berigii hore tuugada saqajaanka ah ma aqoon mana jecleyn oo xoogaa damiir ah ayaa noolaa – nin baa maalin goosarad ama min timir ah xaday markaas ayaa la xidhay muddo kadib ayaa la siidaayey, beri dambe ayuu meelahaa u shaqo tegay oo ilaahay wax siiyey, mar dambe ayuu ku soo noqday meeshii uu timirta ku xaday isaga oo doonaya in uu guursado; wuuna guursaday, maalintii la gelbinayey ayaa waxaa aragtay habar ogeyd malintii uu timirta xaday, aad bey ula yaabtay in ninkii timirta xaday weli bulshada dhexdeeda xaragoonayo oonu ka dhuuman ceeb darteedna dhulku la go’in – Markiiba intey is hayn weydey ayey arooskiisii ka booday oo buraanbur tiri ‘Ninkii minka qaaday illeyn shug ma oranne weli shaal buu ku duubanyahay" taasi waxay ku tuseysaa sidey ahayd somalidii hore ee reer magaalka noqotay una necbeyd tuuganimada, maantase malaayiin ayaa ummadda laga xaday doorashooyinna lagu gelayaa, ummadda lafteedu waxba uma aragto, waayo badankood damiirkii ayaa ka dhintay tuugadana wey difaacaan, inkast oy ka muuqato gaajadii uu ku dilay tuugu iyo diiftiiba.
Wax si caddaalad ah loo qaybsaday ma jiro somaalia: xildhibaanada hadda loo fadhiyo, wax sinnaan caddaalad iyo ilaah ka baq ah oo lagu qeybsanayo uma jeedo kolley anigu, issimmo badan oo ka biyo diidsanna idaacadaha waan ka maqlayaa maalin walba, qabaail badan oo dhul ballaadhan deggan, nabad jecel ayaanba ka muuqanin goobta oo ninna ugu jirin mid gobol wala mid dowlad ku sheeg, kuwona afar-afar, shan-shan ayey isugu qoreen welina wey ciil qabaan oo siyaado ayey doonayaan.
Xildhibaanadii hore ee Kenya iyo Djaboti waa lawada ogaa sida caddaalad darrada, nin jecleysiga iyo isdabamarinta wax lagu kala xushay – sideedaba waxaad moodaa in somalidu xulasho xuntahay, taariikhda qofka ma hubiyaan wixii horena wey iska illowdaa. Meelkasta waxa ordaya ee dadka hor boodaya, waxaa u badan dowladihii hore kuwii la talin jiray, u jaajuusi jiray, howla foosha xunna u fulin jiray iyo kuwii dalka iyo dadkaba burburiyey ee weliba afkooda ku sheegtay in ay dad laayeen.
Dulmigu weli waa sidii
Lakiin wxaan rejeynaya in macalinkeenii hore ee tuke aan marlabaad u fiirsanno waxyaabo badanna ka baranno, wixii uu hore inoo barayna aynaan illoobin.
Waar dhiig dambe waa inaanu daadan, kii hore kuwii daadiyeyna waa in aan la dhaafin ee lala xisaabtama. Carrurteenii ayey xaabo ka dhigteen oo kursi aan Eebe u qorin ku qubeen kuwii kalena wey laayeen, burbur iyo anshax xumona waxay badeen kuwii hadhay.
Si caddaalad loo hilo waa in maxkamado habboon dib loo habeeyaa oo dad ikhyaar ah, damiir leh, aqoon iyo sharaf ka muuqato loo dhiibtaa lana madax banneeya oo loo sinnaadaa.
Beelaha xaq ka maqanyahay haatan, wax badan bey soo samreen waxaan leeyahay haddana samra wuu soo nuqon doona xaqiinuye, hana ka seexanina in aad si hufan oo nabad ah u daba joogtaan xuquuqdiina.
Sideedaba somalidu wey doorasho xuntahay, inta ay wax xun ooney ka fiirsan doortaan, aaney taariikhda dib u eegin ayey berrina baroortaan.
Prof Abdirahman Abdullahi Warfa.
No comments:
Post a Comment