SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shimbirkii ku noolaa Beedka Shimbiraha.

Markii uu Alle (SWT) uu dunida guudkeeda ku abuuray Nebi Aadan (CS) iyo Xaawa, waxa uu awood u siiyey inay dhalaan ubad mataano ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, sidaas baanu bani’aadamku ku tafiirmay, kuna tarmay.

Haddaba, waxa dhacday in ay is khilaafeen laba wiil oo uu dhalay Aadan, kuwaasoo la odhan jiray Qaabiil iyo Haabiil, waxaanu khilaafkaasi sababay in Qaabiil qudha jaro walaalkii Haabiil.

Kadib isagoo afariirsan oo argagax iyo naxdina ka muuqato, oo garan’la maydka walaalkii si uu yidhaahdo, ayuu Alle (SWT) u soo diray shimbirka Tukaha kaasoo dhulka qodanayey, taasoo ahayd xikmad iyo aqoon ka maqnayd Qaabiil, sida ku cad, suuratul maa’idaha aayada 31-aad ee quraanka kariimka ah, waana sababtii keentay keentay inuu qoday dhulka, ka dibna uu ku aaso maydka walaalkii, halkaasoo ah meeshii ugu horreysay ee laga bartay in la aaso maydka dadka bani’aadamka ah.

Dunida aynu ku nool nahay guudkeeda, waxa Alle (SWT) ku abuuray makhluuqaad badan, haddii ay noqon lahayd barriga, biyaha iyo kuwa sammada haadaba.

Haddaba, marka aynu dib u halacsano qaar ka mid ah dhaqannadii Taariikhiga ahaa ee dunida ka jiray qarniyadii aynu soo dhaafnay, waxa caado u ahaan jirtay oo ay rumeysnaayeen in tukuhu yahay dhambaal sidaha geerida iyo inuu hadalkiisu uu ahaa waxyi uu Alle u soo dhiibay, isla markaana uu xidhiidh dhow la leeyahay geerida.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano, sababihii dhaliyey caaddeysiga mushriknimadaas ay ahaayeen in aan la’aasin maydka labka, ka dibna la arki jiray nooc ka mid ah shinbirkaasi oo dul-haadaya maydad badan dushooda, ka dibna quudanaya.

Waxa kale oo ay rumeysnaayeen dadka haysta diinta budhismku in haddii la saaro jidhka qofka dhintay gurada sare macdabta ay ku cibaadaystaan (temples) uu qaadi doono shinbirkaas, ka dibna dib loo soo galin doono nolol cusub.

Waxa tariikhda lagu sheegaa in shinbirkaasi lagu quudiyey dad badan oo u dhintay cudurka daacuunka ee la yidhaahdo (Bubonic plague) kaasoo ka dilaacay wadamada yurubta galbeed qarnigii 13-aad ee la soo dhaafay.

Shimbirkii Ku Noolaa Beedka Shimbiraha

Sidoo kale, dadka ku nool wadama dalka Greek’guna waxay rumeysnaayeen inuu yahay guhaan, oo haddii uu soo dul fadhiisto guri ama geed u dhow, ka dibna uu ciyo saddex jeer uu ka dhiman jiray qof ka mid ah qoyskaas, laakiinse, haddii aanu ciyin, iskana duulana, aanay la kulmi jirin wax dhiilo ah ama dhibaato ahba qoyskaasi, waxaanay ku odhan jireen shinbirkaasi "Go on your way, and bring me good news." taasoo macno ahaan noqonaysa "Dariiqaagaa haysoo, war wanaagsan noo sheeg" waxaanay markii danbe loogu magac dareen "Group of crows " oo ahayd kalmad Greek ah, oo macnaheedu yahay "kooxdii dillaaga ahayd".

Dhamaan shimbiruhu waxay leeyihiin xirfado iyo fikrado kala duwan, kuna salaysan hadba kala duwanaanshaha xaaladaha ku gadaaman ee jira, sidoo kalena ay jiraan kala duwanaansho dhinaca kartida, maskaxda iyo qaab-dhismeeka ay maskaxdu u sameysan tahay, haddana inkastoo aan la aqoon sida ay u eegyihiin maskaxaha shimbiraha naasleyda iyo shimbiraha kaleba, balse waxa ay qorayaashu ku doodaan aragtida ah awoodaha xaaladaha qaar ay u isticmaalaan kaydsiga cuntada, damqashada iyo awoodaha fikradaha macquulka ah ee isku-garashada muraayada.

Xirfadaha garasho ee shimbiraha naasleydu waxa ay qayb ka tahay maskaxaha loo yaqaano neocortex, shinbiraha aan lahayn qaab-dhismeedkaasi, laakiinse leh maskaxda maareynta hawlaha adag la yidhaa " Pallium.

Haddaba nooc ka mid ah tukaha oo ay isku qoys yihiin waxa uu qadhaabtaa

kalluunka, khudaarta, midhaha geedaha, maska, caarada, beedka, cufka shimbiraha, cayayaanada, khashinka, raqda xayawaanka iyo wax kasta oo uu heli karo, kaasoo lagu qiyaaso inuu maalin kasta u doonta qadhaabkaasi masaafad u jirta illaa iyo 40 mayl.

Waxa hab-dhaqanka iyo dabeecada uu leeyahay lagu tilmaamaa mid dagaal badan, oo leh caqli badan, kaasoo mararka qaarkoodna leh muran iyo cayaar badan, lagamana yaabo inuu si fudud uu u illaawo codka uu maqlo, waxaanu leeyahay dhawaaqa laxamka jiibta ciyaaraha ee la yaabka badan ee ay ka mid ka yihiin qaybaha kala duwan ee ay leeyihiin luqadaha aadamuhu.

Noocan ka mid ah bahda shimbiraha ee la isku yidhaahdo Tukaha, waxa uu dhalaa kiisa dhadig afar illaa iyo shan beed sannadkiiba, beedkaas oo ku dilaaca muddo 18-maalmood ah, ka dibna, waxa ay quudisaa muddo 4- todobaad ah, waxaana lagu qiyaasaa inuu gaadho cimrigiisu in ka badan 16-sanno

Haddaba noocan oo ka mid ah qoysaska tukaha kaasoo loo yaqaano Jay ayaa ah mid ku nool beedka shinbiraha, isla-markaana ah mid xasarad badan oo baabiiya cufka hoyga shinbiruhu ay sameysteen, ka dibna tukayaasha kale waxa ay saaraan maxkamad cadaalad ah, taasoo lagu xukumo darajooyin kala duwan, kama danbeystana way dilaan.

Dulucda qormadeydan haddaan hoos ugu soo daadego, ma lihi cidbaa innaga noqotay shimbirkii Jay ee ku nool beedka shimbiraha, laakiinse waxaan odhan lahaa in dhug loo yeesho masuuliyiinta ku nool beedka shimbiraha.

Qoraa Dr. Maxamed Faarax Qoti

W, PH & Astrologist

 

 

No comments:

Post a Comment