1- Xiddigaha Cirirka la yiraahdo tan ugu dambeysa oo u dhexaysa tan la yiraahdo Rab Dambe iyo tan la yiraahdo Godinta.
2- Wax cirib dambe oo wanaagsan leh; ka-soo-rayn oo lihiin wanaagsan leh.
3- Waxaa dhaqan soojireen ahaa, in ninka ku guulaysta dagaal uu galay ama libin soo hoyaadshay uu madaxa ama timaha gashan jiray baal gorayo. Sidoo kale, gabadha gashaantida ah, ayaa iyaduna madaxa gashan jirtay, iyadoo siduu dhaqanku ahaa durraamanaysa aayo wanaagsan iyo guur lihiin dambe leh.
4- Waa magac ilaa hadda wiilka loo bixiyo.
Dhanka kale, dhulkii fircoonnada waa Kemet e, Meecaad (Ma’at) wuxuu ahaa ama ay ahayd astaanta runta, dheellitirka, xeer-sugidda, dhaqanka-san, iyo garsoorka. Waxaa kaloo Meecaad loo haystay inay tahay ilaahadda kala hagta xiddigaha, xilliyada iyo hawlaha weynayaasha iyo geerileyda (mortals). Waxaa la rumaysnaa inay iyadu ka badbaadisay uunka qaskii dhacay markii isaga la uumay. Sida la rumaysnaa waxaa Meecaad kadhan ahaa Is-Feyd (Isfet)
Qoraallada ugu durugsan oo muujinaaya Meecaad waxay u muuqdaan in Meecaad abuurka iyo bulshada dunindaan iyo tan dambaba u tahay hal-tusaaleed, sidaas waxaa lagu xusay qoraallo laga helay xilligii Boqortooyadii Hore ee Kemet, waxaana qoraalladaasi yihiin kuwii Unas ee Haramka (ca. 2375 BCE iyo 2345 BCE).
Waayo kadib, markii uu hir galay dhaqankii laysku lammaanin jiray Eebbe dheddig iyo mid lab ah, waxaa Meecaad lammaane looga dhigay Dood (Thot). Mar haddii Meecaad ay door fiican ku lahayd abuuritaanka oo ay si joogta uga hor tagaysay in dunidu labanto, waxay hawsheedu noqotay inay miisaanto arwaaxda (souls) waaga aakhiro ama nolosha dambe. Baalka ay Meecaad haysato ee lagu sawiray meelo badan baa la rumaysnaa inay arwxaada ku dherariso ama ku miisaanto, sidaana waxaa lagu garan jiray ruuxa u gudbaya dhanka jannada iyo kaan u gudbayn ee ayaan-darraysta.
Waxaa lagu arkay sawirradii fircoonnadii, iyagoo xiran astaantii Meecaad oo ahayd baal laglaga dheer, waxayna sidaasi tusaysay sida fircoonku asba ugu hawlnaa xeerarka Abuuraha Weyn.
Meecaad waxay ahayd inay haqab tirto dadyowga kala geddisan oo danaha kala jeeda leh, si markaas looga badbaado qas ama qalalaase. Sidaas bay Meecaad u noqotay saldhigga xeerka Dhulkii Fircoonnada waa Kemet e. Xilli kasta oo ka mid ahaa waayihii Boqortooyadii Hore ee Kemet, boqorka markaas talinaayay wuxuu isku tilmaami jiray "Duqa Sare ee meecaadidda" kaasoo laabtiisa ay ku daahsoon tahay Meecaad.
Waxtarnimadii Meecaad cirkay isku shareetay waxayna gaartay dhammaan goonyaha jiritaanka sida, inay uunka u tahay dheellitir, inay isku xirto qeybaha sii-jiritaanka, inay maamusho xilliyada, inay kala hagto dhaqdhaqaaqyada uunka, inay siddo kalsoonida iyo samaha runtu u leedahay bulshada dhexdeeda iyo falgallada dhex-mara is la bulshada. Waxaa la rumaysnaa qaska ku dhaca uunku inuu saamayn toosa ku yeelanaayo arrimaha qofka sidoo kale arrimaha dalka. Waxaa ka soo horjeeday Meecaad, Isfeyd oo astaan u ahayd qaska, beenta iyo dirirta.
Doorkii weynaa ee ay Meecaad lahayd, ka sakow, waxaa jiray xeerar si weyn door u ahaa sida; ku-dhaganaanta hiddaha, gaaritaanka sinnaanta iyo garsoor bulsheedka. Qoraal ku beegan xilligii Boqortooyadii Dhexe (2062 ilaa c. 1664 BCE) Eebbaha weyn baa ku dhawaaqay "Waxaan ka dhigay qof walba dhiggiisa oo kale". Meecaad waxay u sheegtay in hodanku caawiyo kuwa iyaga ka ayaan daran intii ay dhiig miiran lahaayeen. Qoraal laga helay xabaal horana wuxuu leeyahay: "Waxaan rooti siiyay kuwa gaajaysan, waxaan u xiray dhar kuwa qaawan, waxaan u ahaa sey marwo laga dhintay, waxaana aabbe u ahaa agoon".
Waxaa maankii qofkii ka tirsanaa dhulkii fircoonnada ku tirnaa in Meecaad walxoo dhan isku guniddo kana yeesho majabayaal isku dhafan, uunka, dunida abuurriinka, dalka, iyo qofkaba, waxaa dhammaantood loo arkay qeybo ka mid ah suubbanayaasha ay dhalisay Meecaad.
Laga soo bilaabo Boqortooyadii 5aad (c. 2510-2370 BCE) Xilsidihii mas’uulka ka ahaa caddaaladda waxaa loogu yeeri jiray Wadaadka Sare ee Meecaad. Xilliyo dambe waxay garsoorayaashu xiran jireen hummaagga Meecaad.
Xilliyadii Giriiggu qabsaday Masar, xeerarkii hore ee dhulku waxay ka barbar jireen kuwii ay Giriigguu la yimaadeen. Waxaa ka mid ahaa xeerarkii sii jiray; xuquuqda la dhawro ee dumarku ku dhex leeyihiin bulshada, kuwaas oo loo oggolaa inay u hawl galaan si ka madax bannaan ragga iyo inay haweenku yeelan karaan hanti ballaaran. Waagii Roomaanku qabsaday Masar waxaa dadkii lagu qasbay qaadashadii xeerarkii Room, waana laga tagay kuwii hore.
Haddaba sidaas bay Meecaad u ahayd astaanta isu-dheellitirnaanta, caddaaladda, iyo runta. Waxaa Meecaad muuqaal ahaan astaan looga dhigay gabar da’ yar (waa sidii Soomaalidii hasha ama gabadha astaan ahaan uga dhigtay xoriyadda).
Waxay ila tahay inaysan dood lahayn xiriirka ka dhexeeya, waxa Soomaalida maanta erayga Meecaad u taqaan iyo wixii dadkii Kemet u haysteen. Waxaa cad in dhaqankii Meecaad ee hore iyo kan hadda ahba ay hal meel ka soo wada jeedaan iyo in isirkii dhulkii Kemet ee duugga ah iyo bulshooyinka reer Kuush ee hadda joogaa ay isku isir yihiin.
W/Q:Cabdi Aadam.
No comments:
Post a Comment