Bukhari ayaa Abuu Hureyra ka wariyay in uu yiri: Rasuulku (scw) wuxuu yiri: (Muuse wuxuu ahaa nin xishood iyo is astur badan oo aan jirkiisa waxba ka muuqan xishood darti, markaasay dhibeen qaar reer Banii Israa’iil ah oo waxay dheheen: wax kale isu asturi maayo ee maqaarka ayuu ceeb ku leeyahay: baras ama sheelo ama aafo kale.
Alle ayaa doonay in uu ka bari yeelo waxa ay dheheen, markaas ayuu maalin gaar noqday, deeto dharkiisii ayuu dhagax dulsaaray, ka dibna wuu mayrtay, markii uu dhammaystay ayuu soo aaday dharkiisii si uu u qaato, dhagixii ayaa la cararay maradiisii, markaas ayuu Muuse ushiisii ka dabaqaatay, markaas ayay arkeen isaga oo qaawan, sida ugu qurxoonna Alle u abuuray, wuuna ka bari yeelay wixii ay ka sheegayeen, dhagixiina waa istaagay.
Markaas ayuu maradiisii qaatay oo xirtay, dhagixiina wuxuu ku garaacay ushiisii, Alle ayaan ku dhaartaye dhagaxa waxaa ku yaal sedex, afar ama shan haarood oo ah raadkii garaaca, taasina waa hadalka Alle oo ahaa:
‘’Dadka mu’miniinta ahow ha noqonina kuwii Muuse dhibay oo kale oo uu Alle ka bari yeelay wixii ay ku sheegeen.’’
Wuxuu ahaa (Nabi Muuse) mid Alle agtiisa waji ku leh).
Riwaayad kale waxaa ku jira: Reer banii Israa’iil iyaga oo qaawan ayay qubaysan jireen oo qaarba qaarka kale eegayaan, Nabi Muusena kaligi ayuu mayran jiray. Waxay kale oo sheegtay in Nabi Muuse dhahayay markii uu dhagaxa eryanayay: maradayda dhagaxow ilaa ay reer Banii Israa’iil ka arkaan Muuse oo ay dhahaan: wallee Muuse wax baasa inuusan qabin.
Faa’iidooyinka Qisada
1. Nabi Muuse aad ayuu u xishoon jiray, xishoodkuna waa dhaqan wanaagsan, Rasuulkeenuna (SCW) wuu ka xishood badnaa gabar inan ah oo makhabiyad ah, wuuna ammaanay xishoodka oo wuxuu yiri : (xishoodka kulligi waa khayr), wuxuu kale oo yiri : (xishoodku iimaanka ayuu ka mid yahay).
2. Reer Banii Israa’iil waxaa u bannaanayd inay mayrtaan iyaga oo qaawan oo cawradoodu isu muuqato, Nabi Muuse-se xishoodkiisa badan awgi kaligi ayuu qubaysan jiray. Arrintaas sharcigeenna kuma bannaana oo waa la nasakhay.
Dadka cawradooda bannaanka waraya oo aan Alle ka baqayn, addoomadiisana ka xishoonayn way khilaafsan yihiin muslimiinta, waxayna la dhaqan yihiin gaalada. Waliba waxaa yaab sii leh in ninku gashado dhar qarinaya ciribta ilaa madaxa oo calaacalaha iyo wajiga mooyee aan meel kale ka muuqan, dumarkana loo xiro wax haday u badato u asturaya cawrada hoose iyo naasaha kaliya !!.
3. Dadka dhibtooda cidina ka nabadgali mayso Nabiyaashana Alle ha ka dhigee ; sidaa darteed waa in lagu sabraa, wixii shubho ahna laga digtoonaadaa.
4. Dadka diinta xambaarsan cadawga islaamku si gaar ah ayuu sumcadda uga dilaa, dadkana ugu diraa, wuxuuna u adeegsadaa gado farabadan, wuxuuna ka abbaaraa dhinacyo kala duwan, wuxuuna u adeegsadaa munaafiqiinta, mararna kuwo muslin ah oo laga roonayaal ah oo munaafiqiinta u dhag raariciya. Haddaba waa in laga digtoonaado dhaleecaynta culimada iyo madaxda muslimiinta.
5. Ilaahay ayaa ka bariyeelay Nabi Muuse wixii ay ku tuhmeen, sidaas oo kale ayuuna u ilaaliyaa addoomadiisa wanaagsan, iyagana waxaa saaran in aysan xaqa uga tagin dicaayad laga sameeyay awgeed.
6. Xadiiskan waxaa ku jira labo mucjiso: a) dhagaxa la cararay maryihii Muuse b) saamaynta ushu ku samaysay dhagaxa.
7. Nabiyaashu iyagaa dadka ugu kaamilsan xagga abuuritaanka iyo xagga akhlaaqdaba; maxaa yeelay Alle wuxuu u xulay xambaaridda diintiisa kuwii dadka ugu fadliga iyo khayrka badnaa.
8. Dadka miisaaman markii wax kadis ah ku yimaadaan waa laga yaabaa inay u dhaqmaan; si aan caado u ahayn, sida haddaba Nabi Muuse u eryaday dhagaxa, ka dibna usha ula dhacay.
9. Tawraad iyo sharecooyinkii kale ee ka horreeyay Nabi Muxammad (scw) uma suubana in lagu dhaqmo saman kasta. Diinta islaamka oo qur ah ayaa shaqaynaysa ilaa qiyaamaha.
Xigasho:Jidkatoosan.wrodpress.com
No comments:
Post a Comment