SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xildhibanno gaadhaaya 105, oo Nayrobi kaga dhawaaqay urur cusub!

Waxaa durba soo baxaaya in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ay shirar kala duwan ku qaadanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana abuurmay isbaheysi sii xoogeysanaya oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Farmaajo.


Isbahaysigan ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Cabdrashiid Xidig, oo ah nin wakhtibadan siyasada kusoo jiray,lagana filaayay in xiligan oo kale ay ka iman karto mucaradad uu kaga soo horjeedo dawlada Farmaajo,kaasi oo ahaa isaga iyo rag badan oo hada madasha kula jiraa ,in ay yihiin kuwo si cad uga badheedhay in ay kasoo horjeestan dawlada uu madaxwaynaha ka yahay Farmaajo.

Xildhibanadani ayaa waxa ay shaki galeyiin dawladii cusbayd ee hada la dhisay ,kadib markii ay ururkan madasha ay kaga dhawaaqeen dalka Kinya ,iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in ay la kulmeen xubno ka tirsan dawlada Kinya.

Xildhibanadani oo ah kuwo aad u farabadan, ayaa laga soo warinayaa in magaalada Nayrobi ay ka dhiseen madal ay ku mideysan yihiin tiro dhan 105 Xildhibaan, oo ka kala tirsan labada Gole ee baarlamaanka.

Madashaani cusub ee hada la dhisay ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano lasoo shaqeynaayay dowladii uu Madaxwaynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo dhamaan madasha Guddoomiye looga Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Madashaasi waxaa loogu magac daray ,Horusocod ,iyada oo aan ilaa hada la garanayn waxa ay horseedi doonaan,balse waa arin shakigeeda leh,kadib markii si badheedh ay xildhibanadaasi ugu kulmeen dadla dibdiisa,waxa kaloo ay iyana caqabad ku noqon doonaan hawl maalmeedka dawlada uu madaxwaynaha ka yahay Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Madasha ayaa waxaa iyana ka mida rag ay dhinaca siyasada isku soo seegeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre, kadib markii ay uga baxeen balamahii ay u qadeen ee ah in ay xildawladnimo u dhiibi doonan.

Xildhibanadan sameeyay ururka madasha ayaa waxa ka mida , xildhibanadii codka siiyey Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, sidoo kalana waxaa arrintaan wax ka og wasiiro hore oo ka tirsan dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, oo laga yaabo in iyaga laftoodu ay jalafaynayaan dawlada Farmaajo.

Isku soo wada duuboo waxa meesha ka muuqata in ay hada uun godadka iyo bohalahii ay ku jireen ragbadan oo awalba la saadaliniyay ay kasoo baxayaan ,goobahii ay ku dhuumaalaysanayeen.

Waxyabaha ay dadka qaar iswaydiinayaan ayaa waxa ay tahay,sababta Xildhibanadan ku kalifta in ay shir noocan oo kala ah ay ku qabsadaan dalalka Somaliya la jaarka ah mid ka mida,gaar ahaan wadanka Kinya oo awalba xurguf siyasadeed ay ka dhaxaysay Madaxwayne Farmaajo.

Cabdirashiid Xidig oo ah Gudoomiyaha ururkan cusub ayaa waxa uu kasoo degay garoonka diyarada ee Aadan Cadde,iyada oo sida ay wararku sheegayaan oo shirar iyo iswaraysiyo uu la galay qaar ka mida Xildhibanadii iyagu Muqdisho hore u sii joogay.



No comments:

Post a Comment