SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaableh: Ma waxa aad Kalluunka ii siisay in aad i disho?

Iftiinkacusub.com: Qofkasta oo inaga mid ah waxa uu jecel yahay ,shaqada iyo camalka uu barto in uu ka midha dhaliyo,noqdana kan ugu fiican ee lagu amaano, marka uu shaqadaasi qabanaayo.Majiro qof inaga mida oo aan islahayn shaqada aad hayso waa in lagugu amaanaa .

Gabadh dhalinyaro ah oo barata arimaha caafimaadka ,gaar ahaan xanuunada iyo dhibaatoyinka ku yimaada Dhuunta/Hunguriga Ibna-aadamka,khaasatan waxyabaha Dhuunta muda iyo sida looga soo saaro ama loo daaweeyo.

Gabadhii waxa ku adkaatay intii ay shaqada haysay in ay si dhab ah ula kulanto hal qof oo dhuunta ka sheeganaaya in ay wax ka mudeen;waxa ay inbadan ka fikiri jirtay in ay jeclaan lahayd in kiiskaasi(qof dhuunta wax ka mudeen) mar uun arki doonto,tijaabinna doonto sida ay hawshasi u qabato.

Gabadhii iyada ahayd ayaa wakhti danbe waxa ay guursatay nin,kadibna waxa ay bilowday in ninkaasi ay habeenkasta casho uga dhigto Kaluunka,taasi oo uu la yaabay maskaxdiisana ka waynaatay ninkii ,sababta oo ah waxa uu arkay gabadhii oo Kaluun mooyaane aan wax kale oo ay habeenkii karinaysaa aanu jirin.

Haddaba habeen habeenada ka mida, ayaa waxa uu waydiiyay sababta ay habeenkasta xiliga cashada ay Kaluunka ugu kariso ee aanay ugu sameynayn waxkale oo uu ku casheeyo?Iyada oo aan laba yabanayn su'aasha uu waydiiyay ayaa waxa ay si dhibyar ugu tidhi:

Anigu waxa aan ahaa gabadh shaqo ahaan soo baratay arimaha caafimaadka,gaar ahaan waxa aan si fiican usoo bartay waxyaabaha la xidhiidhi cudurada ku dhaca Dhuunta/Hunguriga dadka,khaasatan waxyaabah muda(isku qotomiya) dhuunka dadka iyo sida looga saaro.

Hadaba intii aan waxyabahaasi baranaayay,wali maan arkin qof Hunguriga ay laf ama wax kale oo la midii ay iskaga taagtay/mudday,sidaa awgeed waxa aan habeenkasta cashada Kaluunka ah kuugu samay-naayey bal in aan mar uun arko laf Kaluun oo dhuunta iskaga kaa taagta,kadibna aan tijaabiyo xirfaddii la isoo baray ee ahayd in aan qof Lafi dhuunta ka muday aan ka saari karo iyo sida aan shaqaadasi u qabto.

Ninkii ayaa markii dhagaystay hadalkeedii ayaa waxa uu noqday mid layaab iyo amakaak uu ku yimaado,waxa uu ku yidhi isaga oo dhoolacaday-naaya:Sababta aad ii guursatayba ma waxa ay ahayd in aad igu dijaabiso ,waxbarashadaadii iyo sida dhuunta lafaha muda looga saaro?

Gabadhii ayaa waxa ay ku tidhi ninkii iyada oo qoslaysa,"haa lakiin waxaaban ka yaabay ninkaaga aan habeenkasta Kaluunka u samaynaayay,walibana inta badan aanan ka gurayn Lafaha Hunguriga dadka muda,hadana aan hal habeenna aan waxba ku noqon "xiiiiixna aan odhan"?

Waxa kaloo isoo baxday ,Hungurigaagana aan ka ogaaday in ay jiraan,dad aan dhuuntoodaba aanay waxba mudin,waana mid ka maqnayd casharadii la i siiyay,waayo muddadii aan Kaluunka kuu samaynayay ,hal habeen oo ka midana maan arkin adiga oo dhuunka wax ka sheeganaaya ama ka cabanaaya.

Waa sheeko fani ah,isla markana ku fahamsiinaysa kala duwanashaha labada qof ee isqaba marka ay dhanka niyada ku kala aragti duwan yihiin,isla markaana aanu jirin kalgacal iyo rabitaan mideyaa aan ahayn in la isku danaysto.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment