SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: Suufigii Su'aalaha necbaa!

Iftiinkacusub.com: Adanaha oo dhan ayay dabeecad isaga tahay, in uu markasta isu muujiyo ,in uu yahay mid wax kasta yaqaana ama waxwalba garanaaya,balse taasi wakhti badan masii shaqayso,aakhirkana waxaa dhici karta in aad fashilanto.

Somalida ayaa waxa aad mooda in ay sideedaba isaga samaysan tahay in ay wax fashiliso ama qof wax sheegtay in ay aqoonta uu sheeganaayo in ay *daaha/hagoogta ka qaato,taas oo aan la garanayn wax ugu jira.

Tuulo yar oo ay deegaan ku yihiin dad Somali ahi,ayaa waxaa dhinaca Diinta u qaabil sanaa nin markaasi Tuladaba sheekh u ahaa,aadna ay uga danbayn jireen,waxkasta oo uu yidhaahdanna aanay jirin cid ka daba hadashaa,waayo maba jiro cid ka aqoon badan Suufigasi xerawga ah.

Waxa uu ahaa wadaadkaasi nin ku caan ah ,ka go'itaanka iyo nacaybka in la israaciyo noloshan Dunida ee dhaldhalaalka badan,waxa uu inta badan wacdigiisa Diiniga ahi uu u badnaa in uu dadka ka wacdiyo in aan la isku lugoyn laguna talax tegin jacaylka aduunyada loo qaabo,taasi oo isaga si dhab ah uga muuqan jirtay.

Waxa uu ahaa xeraw inta uu yaqaano si fiican u xafiday,Tuuladana ragaystay(maskaxda ka qabsaday) suhtiga(Aduunyo nacaybka) waxa uu kala yimi culimadii iyo musheekhdii isaga wax soo bartay ,kuwaasi oo ahaa niman aan dan ka galin ama ku mashquulin raadinta macmacaanka Aduunyada yaala.

Hadaba dadka qaar kamida ayaad moodaa in ay isaga samaysan yihiin in ay dadka dabagal iyo u-fiirsi ku sameyaan.Maalin maalmaha ka mida ayaa sheekhii Tuulada caalimka u ahaa , isaga oo markaasi dadkii wacdi u jeedinaaya, ayaa waxa loo dhiibay iyada oo la wada arkaayo Warqad su'aal lagu waydiinaayo ,taasi oo ka hadlaysa qaabka dhaxalka iyo sida uu u qaybsamo.

Warqada iyo wixii ku qornaa iyo Suufigu intii uu ka akhriyay waxa ay ahayd sidan:-

Warqadii: "Sheekhayagii waxa aanu doonaynaa in aad naga jaahil saarto ,nin dhintay .........*Halkaa marka uu wadaadkii akhriskii marinaayo, arkayna sida ay dadku ugu dhago nugul yihiin iyo niyad samida ay ku dhagaysanayaan waxa uu sheekhu arintan uu kaga jawaabi doono,isaguna uu arkay bilawgii akhriskaba in warqadani ka hadlaysi dhaxal iyo wax aanu aqoon u lahayn,ayuu isago aan akhriskii warqadaba soo gabagabayn ayuu farta taagay ,kuyee:

" Waxaad warqadda kusoo qortay/qorteen, in aan idiinka waramo dhaxalka qofka dhintay,Waxaan idiin sheegayaa ,anigu dadkii culimada ii ahaa ee aan wax kasoo bartay may ahayn kuwo hanti laga dhaxlo hadday dhintaan,waxa ay ahayeen kuwo nolosha aduunkaba ka zaahiday meelna iska dhigay".

Wadaadkii intaasi markii uu yidhi,ayaa dadkii Masaajidka ku jiray waxa ay u arkeen in uu sheekhu su'aashi qaab xariifnimo ku jirta uu doonaayo in uu ku dhaafo,balse waxa ay fahmeen in aanu sheekhoodu aanu sidaasi usii Kidaab waynayn,walina aanu gaadhin halka ay iyagu ka filayaan.

Arimaha noocan ahi inta badan waa kuwo maalinkasta dhaca,mana aha kuwo ku eeg oo kaliya culimada Diinta iyo Masaajiida ,ee waxa ay ka dhacaan lagana arkaa bulshada qaybaheeda kala gadisan.

Iftiinkacusub.com

W/Q:Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment