Iftiinkacusub.com: Sida aan aamin sanahay aniga iyo dad yaw farabadan oo kale ,waa wax lala yaabo , in aad ka mid tahay dad yawga deegaanka u ah, nasiibkana Ilahay u siiyay, in uu ku noolaado ,labada magaalo ee barakaysan Maka iyo Madiina;Balse waxaa wax lago xumaado ah, adoo aad tahay qof dhulkaasi ku noolaa, in haddana aadan Diinta aqoon u lahayn.
Maka iyo Madiina,waa magalooyinkii lagasoo anba qaaday, lagana soo unkey(bilaabay) Diinteena Islaamka ee aynu maanta haysano,ee nuurka iyo nolosha inoo ah.Magalooyinkaasi waxaa ku yalaa labada Masjid ee barakaysan,waa Xaramka/Xajka oo Maka ku yaala iyo Masjidkii Rasuulka CSW oo isna Madiina ku yaala.
Hadaba dadka iyagu aan ku noolayn labadaasi magaalo,Muslimkana ah,waxa ka dhaadhacsan maskaxdooda, in dadka labadaasi magaalo nasiibka u helay in ay ku nooladaan,in ay yihiin kuwo ka jaanis iyo fursado badan dhinaca cibaadada iyo aqoonta Diinta dadka kale ee Muslimiinta ah, ee iyagu aan nasiib u helin in ay dhulkaasi barakaysan ku noolaadaan.
Fikirka caynkaasi ahi maaha marka dhinac laga eego mid khaldan,waayo waxa labadaasi magaalo ka duwan yihiin magalooyinka aduunka ku yaala oo dhan, waxaa ku yaala goobo barakaysan ,midkastabana uu leeyahay fadli dheeraad ah.
Waxa kaloo laga yabaa in ay Magalooyinkaasi ay dheeryihiin dunida inteeda kale,iyada oo ay dhici karta in laga heli karo culimada Muslimiinta kuwooda ugu aqoonta iyo cilmiga badan dhanka diinta,inkastoo maanta cilmigii Diinta Islaamku uu noqday mid meelkasta laga heli karo .
Hadaba akhriste,iyada oo fikirkaasi iyo fahamkaasi dad badani ay aamin san yahiin ,ayaa waxaa dhacday laba nin oo dhalinyaro ah ,una dhashay dalka Sucudiga gaar ahaan magalooyinka Madiina al-Munawara iyo Maka al-mukarama ,ayaa waxa dalxiis iyo tamashle (bashaal) u tageen talka Turkiga,gaar ahaan magalo yar oo ku taala meel tuulo ah,kadibna waxa ay ka kiraystay Hotel ay seexdaan.
Labada nin waa kuwo ku hamoonaaya in ay bartaan isticmaalka iyo cabitaanka ,maandooriyaha sida Khamriga iwm,waana mida keentay in ay ilaa xadkaasi dalkoodii iyo dadkoodii ay kasoo fogaadaan.
Nimankii dhalinta yaraa,Khamiisyadii ay gashan jireen caadada iyo dhaqankana u ahaa ,markiiba waxa ay ku xareeyeen shandadahii ay siteen, waxanay gashadeen Sarawiil Jiinis ah iyo Koofiyado dhinac-dhinac loo gashado,waxaanay kiraysteen Hotel ay seexdaan,oo ku yaala Tuuladaasi .
Shaqalahii ka masuulka ka ahaa Hotelka ayaa waxa ay dhalinyaradii waydiiyeen Basaaborada,waana mid iska caadi ah in Hotelkasta oo aad seexato lagu waydiiyo aqoonsi,si loo raadraaci karo meesha aad ka timi iyo waxa ad tahay.
Markii ay Basabooradii dhiibeen,ayaa shaqalahii Hotelka ka shaqaynayay, waxa ay arkeen ogaadeenna, in labadan dhalinyarada ahi ay kasoo jeedaan dhulkii barakaysnaa,sida ka muuqata Basaboorada ay sitaan,gaar ahaana Maka iyo Madiina.
Taasi waxa ay dhalintii usoo jiiday in Hotelkii laga siiyo meesha ugu fiican,tixgalin iyo raaligalin dheeraadana lagu maamuusay, kadib markii la ogaaday in ay yihiin Ehelu-baydkii Xaramka iyo Madiina.
Wax yaabaha kale ee layaabka leh waxaa ka mida ,in labadii nin loo sameeyay soo dhawayn iyo marti galin aanay meeshaba ka filaynin,taasi oo ay ku kasbadeen jacaylka iyo qushuuca dheeraadka ah ee loo hayo Diinta Islaamka iyo xarumaheeda Ruuxiga ah sida Maka iyo Madiina.
Labadii nin, ilayn waa niman shaydaan duufsadaye,waxa ay isla malintiiba u tafaxayteen sidii ay balwaddii ay qarsanayeen ay u bilaabi lahayeen.Waxa ay tageen suuqa ,waxaanay kasoo iibsaden Khamri iyo maandoriye ,kadibna waxa ay kula soo dhuunteen qolkoodii;cabitaan iyo madaxwareer ka bacdina sidii caadadu u ahayd qof daroogaysan waxa ay ka dhaceen istaagga.
Labadii nin oo gataati dhacsan,ayaa waxa lagusoo garaacay albaabka,midka mida ayaa ka kacay,markii uu Albabkii furay ayaa waxa la hadlay nin ka mida shaqalaha Hotelka waxa uu ku yidhi ""Imaamkii masaajidku waa uu diiday in uu Salaadii Subax na tujiyo, markii uu ogaaday ,in aad Hotelka ku jirtaan, sidaa awadeed soo kaca oo kaalaya na tujiya,nooguna kaalaya Masaajidka".
Waxyar haddii aan akhristayaal idinka dhex galo sheekada ,sababta loo leeyahay kalaya na tukiya waxa ay tahay, iyada oo labadan nin loo haysto in ay yihiin kuwo aqoon iyo garasha dheeraada u leh diinta Islaamka,madamaa ay ka yimadeen dhulkii barakaysnaa.
Waxa kaloo iyana qayb ka ah in culimo iyo mushiikh loo qaato labadan nin, sida dadka badan kiisu rumaysan yahay(Somaliduna ay kow ka tahay) in qofkasta oo carabta ka yimi gaar ahaan dhulkaasi barakaysani in uu yahay qof caalim ku ad Diinta Islaamka,xaqna u leh in laga danbeeyo.
Hadaba arimahaasi awadood ayaa waxa ay sababeen in labadii nin ee dhalainyarada ahaa ,in la jeclaysto in ay dadka tukiyaan Salaada inta ay Hotelka ku jiraan,si barakadooda kasoo burqanaysa ee ay baladkii Nabiga kala yemaadeen loogala hadho.
Ninkii dhalinyarada ahaa ee isagu albaabka ninka shaqalaha ahaa ka furay,ayaa waxa uu arkay in xaalku kusoo fadhi xun yahay,inta uu toosiyay saxiibkii ayaa waxa uu u sheegay ninka albaabka kusoo garaacay in uu yahay shaqalahii,waxa kaloo uu ku wargaliyay in laga sugaayo in ay salaada subax dadka tukiyaan.
Hadaba ninkii Albaabka Furay ayaa waxa uu saxiibkisii jiifay ku yidhi " saxiib adiga ayaa reer *Madiina ahe kaalay dadka salaadu tuki.Ninkii kale ayaa isaga oo hadalkuba uu dirqi ku yahay ayaa waxa uu saxiibkii ugu jawaabay"saxiib labadeena adiga ayaa reer *Maka ah ee orodoo dadka Imaam u noqo meesha yaynaan ku ceeboobine".
Labadii dhalinyarada ahaa intii ay wada hadlayeen ayaa hadana marlabaad albaabkii lasoo garaacay , markiiba waa ay fureen,misse waxa cida hada socotaa waa ninkii Hotelka iska lahaa,kuyee" saladii subax waa ay tegaysaa, cedceedina waa ay soo baxaysaa, fadlan Imaamkii wuu diiday idinka oo jooga in uu salaadii na tukiyo,waxaanu yidhi, labadaasi Sheekh ee ka yimi Maka iyo Madiina oo Hotelka ku jira ceeb ayay ugu tahay in aan idin hor istagaa ,markaa kaalaya na dukiya Culimo inta aan waagu baryin saladuna anay inaga tegin"!
Maaha arintan oo kale mid lala yaabo,waa mid maanta ka dhici karta magaalo kasta oo Muslim leeyahay.
Iftiinkacusub.com
W/Q:Khadar Ibrahim Aar.
No comments:
Post a Comment