
Soomaalidu waxay ku abtirsataa dhaqan fac weyn oo xeerar iyo qawaaniintiisa leh isla markana jiilashanan danbe aynu dayacnay ,umadkasta oo Aduunka ku nooli marka ay hidaheeda iyo dhaqankeeda ka tagto, waxa Khasab ku ah in ay qadato dhaqan iyo Hiddo anay lahayn, kadibna way la qabsan waaydaa oo la-daalaa-dhacdaa ,kadibna meel cidla’ ah ayay ku soo dhacdaa sida maanta inaga muuqata .
Waxa wanaagsan in qofku hiddiihiisa iyo dhaqankiisa uu ku sargooyo noloshiisa Casriga ee uu iminka ku sugan yahay, Soomaalida ayaana hore ugu maahmaahday oo tidhi "Faras aanad lahayn futto qarrar baa laga qaadaa".
Soomaalidu waa dad leh Tariikh soo jireena isla markana hadad dhinacyo badan aad ka eegto waxa aad dareemaysaa in ay lahayeen dhaqamo ku qotoma astaamo la taaban karo oo Xaqiiq ah iyagana u gaar ah.
Aduunkan aynu ku nool nahay Cidkasta waxa ay leedahay dhaqan ku qotoma Xiliyadooda,Cuntadooda ,Dharkooda iyo Guryahooda iwm ,kuwaasi oo dhami waxa ay ka turjumayaan cadayna u yihiin umadaasi wixii ay ahaan jirtay iyo wixii ay soo martay waayadii hore ,kadibna waxa ay uga tusaale qadanaysaa nolosha ay iminka ku jirto .
Umadkasta oo Aduunkan ku nool waxa hubaala in badan koodu ay ka siibteen kana tageen dhaqamadii iyo Hidihii ay uga tageen Awaw yadood .taasina waxaa u sabab ahaa Dulaankii ay Gumaystayashu ku soo qadeen dhamaan tafaha Aduunkan , kuwaasi oo cidkasta ka badalay kana tirtiray si Tartiib ah dhaqamadii ay lahayeen oo dhan ,iyaga oo u tusiinaya in dhaqan kaasi uu yahay mid aan nolosha la jaan qadayn.
Umadkasta waxa ay leedahay qaab iyo Sumad ay kaga duwan tahay Dadka kale kuwaasi waxaa ka mida Bilaha la tirsado ee Nolosha lagu maamulo ,taasi oo la,aanteed anay cidna u suura galayn in ay Nolaato hadii anay raacayn qaab ay u tirsato Sacadaha ,Maalmaha ,Bilaha iyo Sanadaha .
Somalidu waxay ka mid tahay umadaha uu aad ka u saameeyay isbadala aduunka ka dhacay ,gaar aahan marka laga hadlayo tirsiga Sanadaha, Bilaha iyo Maalmaha .
Baro Magacyada Bilaha iyo Xiliyada Soomalida .
Xiliga Guga ,Gugu waa xiliga Roobabku ugu badan yihiin ee Barwaqada nimcadana lagu jiro Wana bilaha aynu u naqaano Abriil, May iyo Jun.
Magacyada Somaliga
1.Seerma-weydo 30 Maalmood
2.Cawl 31 Maalmood .
3.Dirir sagaalaad 30 Maalmood
________________________________________________________________________
Xiliga Dayrta ,Dayrta waxaa Da'a Roobab aad u fiican ,ay dhici karto in ay Guga ka fiicnadan waana bilaha aynu u naqaano ,Oktoobar, Nofembar iyo Disembar .
Magacyada Somaliga
4. Dayr hololeed 30 Maalmood
5. Gudban 31 Maalmood
6. Danbasane (30 cisho)
________________________________________________________________________
Xiliga Xagaaga ,Xagaagu waa xili ay Roobab yaryari ay da'an kulaylna ah waana bilaha aynu u naqano Julay, Agoasto iyo Sebtembar).
Magacyada Somaliga
7.Samalaho 31 Maalmood .
8. Bil karameed 30 Maalmood .
9.Waran-weer 31 cisho .
________________________________________________________________________
Xiliga Jiilaalka ,Jiulaalku waa xili Abareed inkastuu kala gadisan yahay waana bilaha aynu u naqaano Jan, Feb iyo Mar .
Magacyada Somaliga
10.Xays 30 Maalmood .
11.Toddob 31 Maalmood .
12.Diraac 30 Maalmood .
________________________________________________________________________
Waxa soo diyariyay
Qareen / Khadar Ibrahim Aar.