Caruurta qaba ADHD waxaa la dersa kalsooni la’aan, xiriirka oo ka xumaada iyo wax barshada oo ay ku dhacaan. Astaamaha qaar waxey noqdaan kuwa soo hagaaga marka ay koraan, in kastoo dadka qaar aysan weligood ka korin xaaladdaan.
Astaamaha
Wax yaabaha ugu horeeya ee lagu garto digtooni la’aan iyo firfircoonida badan waxaa ka mid ah.
- Feejignaan la’aan Firfircooni xad dhaaf ah: sida wax qabad kusoo boodo ah.
Astaamaha ADHD waxaa inta badan la dareemaa marka ay ilmaha ka yar yihiin 10 sano, astaamahana waxey noqon karaan kuwo dhexdhexaad ah iyo kuwa daran.
Xaaladaan waxay ku badan tahay wiilasha marka lala barbar dhigo gabdhaha.
Waxaa jira saddex nooc oo ADHD ah
Astaamaha waxey u badan yihiin digtooni la’aan
Astaamaha waxey u badan yihiin firfircooni xad dhaaf ah
Labada ba
Digtooni la’aan
Cunuga waxaa lagu arkaa:
Feejignaan la’aan iyo qalad aan loo meel dayin uu ku sameeyo casharada dugsiga
Diirad saarid la’aan shaqo ama ciyaar
Inuusan dhageysan marka lala hadlo
In ay dhib ku noqoto isku duba rididda shaqooyinka
Wax lumis badan Ilowsho badan
Firfircoonida xad dhaafka ah .In ay dhib ku tahay meel fariisasho
Dhaqdhaqaaq badan
Orod iyo bood bood aan habooneyn
Hadal badan
Soo dhexgelidda sheekada dad kale
Adeegsiga gacmaha iyo lugaha
Maxaa sababo
In kastoo an si dhab ah loo garaneyn waxa sababo digtooni la’aanta iyo firfircoonida badan, wax yaabaha lala xiriiriyo waxey salka ku hayaan dhanka koriimada.
Hiddaha: Xaaladda ADHD waa mid lagu arko qoyska, ayadoo ay ka dhigan tahay in hidda sidaha uu qeyb ka qaato xaaladdaan
Deegaanka: waxyaabaha qaar ee laga helo deegaanka sida suntan loo yaqaano lead
Koriimada: dhibaatooyinka koriimada maskaxda waa kuwo qeyb ka qaato xaaladda ADHD
Dhibaatooyinka lala xiriiro xaaladdaan
Xaaladda ADHD waa mid ka dhigi karta nolosha caruurta mid adag. Caruurta qaba xaaladdaan waxay:
Dhib ku qabaan wax barashada, waana mid u hogaamin karta iney ku fashilmaan wax barashda
Unugul yihiin shilalka iyo dhaawacyada kala duwan ee aan soo gaarin caruurta kale
Unugul yihiin ineysan naftooda kalsooni ku qabin
Dhib ku qabaan la macaamilka bulshada
Unugul yihiin iney la qabsadaan maandooriyaasha
Baaritaanka xaaladdaan
Guud ahaan ma mudna caruurta in lagu tilmaama xaaladdaan ayadoo aan lagu arkin astaamaha muhiimka ah inta aysan gaarin 10 sano.
Majirto baaritaan khaas ah oo lagu ogaado xaaladda ADHD.
In kastoo calaamadaha ADHD mararka qaar lagu arki karo caruurta aan gaarin xilliga dugsiga, baaritaanka xaalaadan ee lagu sameeyo caruurta waa mid adag, sababtoo ah dhibaatooyinka koriimada sida hadalka oo soo daaha ayaa ah mid lagu qaldi karo xaaladda ADHD.
Sidaa darteed caruurta aan gaarin dugsiga oo looga shakiyay ADHD waxey u baahan yihiin qiimeyn uu sameeyo dhaqtar ku taqasusay, sida dhaqtarka maskaxda iyo kan dhimirka, dhaqtarka ku taqasusay koriimada caruurta.
Daweynta
Daweynta caadiga ah ee loogu talo galay xaaladda ADHD waxey isugu jirtaa dawo, tababar iyo la talin. Daweyntaan waxey khafiifisaa astaamaha digtooni la’aan iyo firfircoonida xad dhaafka ah, hasa yeeshee daweyntaan ma ahan mid gebi ahaanba ka daweyn karta xaaladdaan
Barocafimaad.com
No comments:
Post a Comment