Waxaa la sheegaa nin ayaa maalin kasoo baxay gurigiisa si uu beertiisa uga shaqeeya sidii caadada u ahayd, xaaskiisa ayuu sii macasalaameeyay iyo caruurtiisii waxaanuu guriga kasoo baxay isagoo Faashkiisii beerta uu ku xagaafaayay wata .
Guddoomiye Cadnaan.
Waxa uu ahaa ninkii looga bartay inuu gurigiisa kusoo noqdo, marka ay cadceedu godkeeda sii galayso ,balse waa uu soo noqon waayay , maalintii labaad sidoo kale …, maalintii sadexaad sidaas oo kale…, dadkii magaaladu meelkasta ayay ka raadiyeen laakiin way waayeen oo waa laga quustay meel uu jaan iyo cirirb dhigay, cidi way garan wayday .
Labaatan sanno kadib ayaa xaaskii uu qabay waxay maqashay albaabka guriga oo lasoo garaacayo , laakiin garaacani waxa uu kaga duwanaa kii caadiga ahaa inuu u egyahay kii ninkeeda oo kale, way soo carartay albaabkii ayay furtay , waxay aragtay oday laakiin indhihiisii ayay garatay , odaygeedii ka maqnaa Muddo labaatan sanno ahaa ayaa guriga dib ugu soo noqday.
Ninkii gurigiisa ka maqnaa moddo dheer ayaa dib ugu soo noqday isagoo daallan ayuu isku tuuray kursigii ugu dhawaa , wey soo ag fadhiisatay , dhagtiisa ayay waxay ku waydiisay Su’aal ahayd "xaggeed ku sugnayd mudadaas aadka u dheer"?
Indhuhuu ka ilmeeyay , kadib ayaa waxa uu meeshii ka bilaabay sheeko dheer:
"waad xasuusataa maalintii aan guriga ka baxay, anigoo u socda beertii sidii caadad ii ahayd maalin kasta.Maalintaa waxaan arkay nin wadada taagan una ekaa qof wax raadinayay oo kale ama qof sugaya , marka uu i arkay ayuu iisoo dhawaaday , kadib dhagta ayuu wax iigu sheegay , waxaan ku idhi :Maxaad tidhi?oo waxaan garan waayay wixii uu dhagta iigu sheegay waxay ahaayeen , aadbuu u qoslay waxaa indhihiisa iiga muuqday shar fara badan , kadib ayuu igu yiri:
"waxaan dhagtaada ku akhriyay waxa uu ahaa sixir, waxaanan sixirka gaarsiiyay gudaha naftaada , adiguna maanta waxaad ii tahay addoon intaad nooshahay oo dhanna anaa ku leh, haddii aad amarkayga qaadan weydo waxaad ogaataa in jin ku qaadanayo kuna dafi doono Jidhkaagana cadcad loo googooynayo doono, badda gudaheedana lagugu tuuri doono , meeshaas oo ay naftaadu ku xayir naan doonto inta boqorka Jinku uu kursigiisa ku fadhiyo Boqortooyadana uu maamulayo.
Kadib ninkii waxaan u raacay waddankiisii oo aad u fogaa , anigoo u adeegaya maalintii habeenkiina Ilaalinaya …markii aan gaarnay wadankiisii , waxaan tagnay gurigiisa oo u ekaa qabri ,waxaan arkay rag fara badan oo aniga ila mid ah , qof kastana waxa qoorta uga xidhnaa Suun bir ah oo fura wata, marka habeenkii la gaadho qof walbaaba waxa uu galaa xabsigiisa qufulka iyuuna isku xidhaa oo isagaa gacantiisa isku qufula kadibna wuu seexdaa , sida ay sameeyaan ayuunbaan aniguna sameeyaa , markay dadku seexdaan ayaan aniga hurdo iga iman weydaa , waxaan soo xasuustaa wajigaagii quruxda badnaa kadibna waan ooyaa , waxaa kaliya oo inoo dhexeeyay waxa uu ahaa inaan furaha iskaga furo qufulka kadibna aan dhankiina usoo dhaaqo oo aan idin soo gaadho.
Ninkaas waxaan ka arkay dulmi waxaanan waligay ku riyoon ama aan maskaxdayda kusoo dhicin , naxariis ma yaqaanno, dan kama laha dadkaa dhibaatoonaya ee ehelkoodu wada raadinayo , inbadan ayaan arkay rag anigoo kale ah oo ooyaya sidii ciyaal oo kale, iyagoo ka codsanaya inuu sixirka ka furo si ay noloshoodii caadiga ahayd u soo ceshadaan , waxaa uu ugu dhaaran jiray inaanuu garaneyn sixirkaa sida looga furto oo looga samata baxo , waxaanuu dhihi jiray qofina kama badbaadayo illaa inuu dhinto mooyaane isagoo si wanaagsan aan raalli uga ahay .
Ninkii wuu odoyoobay , markii uu xanuun saday geeridiina ay soo dhawaatay oo aan arkay , ayaan ku idhi hadda waad dhimaneysaa , sida looga samata bixi karo sixirkan aad nagu xidhayna ma garanayno , bal wax noo sheeg aan kaga samata baxno .
Qosol ayuu qoslay u eg kii maalintaa ugu horeysay ee aanuu kulanay oo kale ah , kadib ayuu igu yidhi: Doqonow anigu sixir waxba kama garanayo , waxaan dhagtaada ku akhriyayna waxay ahayd been aan anigu alifay , laakiin naftaada jilicsan ayaa aniga addoon iiga kaa dhigtay , geerida aad ka baqanayso iyo naftaada oo aad xabsi u diidaysay ayaa kugu xidhay xadhiga addoonimada oo adigaaba gacmahaaga isku xidhaya, habeenkii ooyintiina aadbaan u dhagaysan jiray , waxaanse iga yaabin jirtay sida aad u tihiin dad daciif ah , caqli yar , xeelad ay ku samata baxaanna aan lahayn.
Meeshii aan ku xidhnaa ayaan dib ugu cararay waxaan soo qaatay faashkeygii ninkii ayaan dib ugu soo noqday si aan u dilo waxaan arkay inuu geeriyooday , kadib raggii kale ayaan u sheegay sida uu xaalku yahay , ninkii maydkiisa ayay cadcad u jarjareen kadibna way gubeen..
Kadib oradkii aan meesha kasoo qaaday ayaan idinku soo galay anigoo ka walwalsan xaalkiina iyo waxaad ku sugan tihiin, waliba anigoo aad idinku xiisa qaba.
Guddoomiye Cadnaan.
No comments:
Post a Comment