SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ku dayashada indhaa la' waa dhaqan liita.

Maalintan oo kale dhawr xafladoodbaa la qabtay sida bishii may 3deeddii 1908dii,oo lagu qabtay chikago.mid kale oo la qabtay bishii February 28keedii 1909kii oo lagu qabtay newyork:iyo tu kale oo la qabtay bishii febraayo 27 keedii 1910kii oo iyana lagu qabatay isla Newyork.

Si kastaba ha ahaatee bishii ogosto 1910kii,shirweyne ay qabteen haween ayaa lagu agaasimay in lasii wado/halkaa laga sii ambo qaado shirweyne guud oo labaad laguna qaban doono Copenhagen.oo qayb kamida muwaadiniin maraykan ahi aad ugu lignaayeen,qaar Jarmal ahina sooba jeediyeen In laga dhigo ama la aasaaso maalin taariikhda ku jirta oo si gaara loo xuso.

Inkasta oo aan taariikh loogu astayn shirkaas haddana waxaa isku yimi wafti illaa boqol dumar ah kor u dhaafay oo ka kala socda 17 dal.waxay isku raaceen fikradda ah in la dhiiri galiyo, xuquuq isku midana in la yeesho (dhan kasta) oo ay ku jirto ta codaynta dumarka.sanadkii ku xigay,bishii maarso 19keedii 1911,maalinta haween weynaha ayaa la iclaamiyey markii ugu horraysay.in ka badan malaayiin ruux oo isagu soo baxay dalalka ustaraaliya,,Denmark,germany,iyo Switzerland.

Usteeriya iyo Hungeeriya gaar ahaantooda waxa ka dhacay 300 oo mudaharaad.waxay soo qaateen calamo iyo boodhadh ay ku soo qoreen waxa ay dalbanayaan. waxay intaasoo dhan u ham iyo dig lahaayeen in dumarka loo ogolaado in ay codeeyaan(dooroshooyinka ka qayb qaataan),iyo in shaqada loo sinnaado.oo mushahaar hagaagasan oo ay ku noolaan karaan la siiyo.

Dumarkii maraykanka ku noolaa way iska xafladaysteen xafladaasuna waxay qabsadeen axaddii ugu danbaysay ee bisha febraayo .

Halka dumarka Ruushka ah ay xafladaysteen bishii febraayo 1913 kii axaddii ugu danbaysay marka loo eego (Julian calendar ).isla sanadkaas.

Inkastoo ay jireen dumar aan sidaa u sii badnayn oo hormood ka ahaa isku dhacyo ,socod ay sameeyeen iyo isku soo baxyo kaleba illaa sanadkii 1914kii,haddana mid ka mid ahi ma guulaysan.1914 kii bishii maarso 8deedii ayaa la qabtay dharaarta Haweenka,waxa la leeyahay maalinkaasi axad bay ahayd,imikana sidaas uunbaa bisha maarso 8 deeda loo qabtaa waddamada qaar.isla 1914 kii goob joogayaal ayaa u yeedhiyey Jarmalka in dumarku xaq u leeyihiin inay codeeyaan, (qaraarkaasu) taasoo aan guulaysan illaa 1918.

Intii ka danbysayna sidaasaa loo qaban jiray xafladdaas habaarka qabta.

Haddaba aan u soo noqonno teenna ee bal inta aynaan ku kicin falkaasi bal aynu si dhugmo dheer uga fiirsanno xafladd baastan lagu ibtileeyey dumarka. Iyo guud ahaan xusaskan jin iyo jaan ee aan shaqo iyo shuqul toona ku lahayn nolol maalmeed keenna.

Soo markaas uma eeka Dhaqan liita, ku dayashada indhaa la' iyo dameeri dhaan raacday uun.

W/diyaariyey:Xamse Cabdiqaadir Aadan

No comments:

Post a Comment