SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

*Allah wuu nool yahay! Gudomiyihii Hay’adda maamul wanaaga , Axmed Muxumed Madar.

Iftiinkacusub.com: Runtii layaab iyo fajaciso ayay igu noqotay in aan maanta codkiisa maqlo Axmed Muxumad Madar,oo aan anigu islahaa malaha ninkaasi waahore ayuu aakhiraystay oo uu xijaabtay ,balse aan maanta si kadisa ah u arkay isagii oo nuul oo hadlaaya.

Waxa aan layaabay ,oo ay maskaxdaydu qaadan kari weyday , nin dhowr sanadood xil umada loogu dhiibay hayay,wax uu ka qabtayna aanu jirin,hal maalinna aan la maqal codkiisa iyo meel uu ka hadlaayo in uu maanta yidhaahdo xilkii ayaan iska casilay.

Qofka shaqadu waa ay ku adkaan kartaa ,taasina wax layskula yaabo maaha;lakiin waxaa layaabka iyo fajacisada keenayaa waxa ay tahay ,adiga oo Todoba sanno xil umada laguugu dhiibay hayay isla markaana muuqaaga iyo maqaalkagaba lawaayay ,meel aad jaan iyo cidhib dhigtayna aan la garanayn ,in aad halmar inta aad luxudka la soo kacdo aad ku tiraabto "waaan is-casilay".

Shaqada Axmed loo igmaday waxa ay ahayd ,in uu ka warhayo ilaliyana ,maamul wanaaga iyo habsami u socodka shaqalaha iyo madaxda dawlada,balse Axmed maalin kaliyana ha ahaatee kama aynaan maqal isaga oo leh,hawlahii iyo shaqadii dawladu waa ay xuntahay iyo waa ay wanaagsan tahay toona.

Garashada iyo caqliga saliimka ahi waxa uu na siinayaa ,in aanu axmad iyo qayrkiiba maanta u aragno in uu yahay nin seexday dhawr sano ka hor ,kadibna maanta luxudka lasoo kacay sidii Asxaabal Kaafkii ehelu khayrka ahaa.

Axmed ma waxa uu garan waayay intii uu xilka hayay ee uu Mushaahaarka qaadanaayay,umada waxa aad u sheegtaa hadiiba ay wax qaldan yihiin ama ay jiraan dhaliilo u baahan in wax laga qabto ,dadkaaga u sheeg, isla markaana fahamsii halka ay dhaliishu ka jirto.

Dadka waxaa dilay nin shaqaysanaaya oo aan umada u shaqaynayn,dadkii iyo dalkii waxaa baabiyay nin xoogsanaaya oo u haysta haddii uu mushahaarka yar waayo in naftuba ay ka baxayso ama risiqiisu halkaasi ku go'aayo.

Axmed Madar iyo kuwa la midka ah ee dawlada ku jira waxa aan leeyahay,idinku dadka hays tusina,waxaaba la idiin haystaa in bari hore dhankaa iyo xabalaha la idiin xiijaabaye.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment