Assalaamu Caleykum Warraxmatullahi Wabarakaatuhu, Walaalayaal aan ilaahay ka barinno marka hore inuu naxariistiisa na siiyo, naga dhigo kuwii harsada hooskiisa maalin uusan hoos kale jirin.
Qisadan waxay cibro u tahay dhamaan umadda Muslimka gaar ahaan dadka SomaliyedWaxaa jiray nin aad u jeclaa gabar uu dhalay oo kaligeed uu ubad ka qabay, maalin maalmaha ka mid ah ayay inantiisii ka xanuunsatay, waxaana ugu dambeyn ay sababsatay cudurkii helay, oo ayu geeriyootay.
Markuu aasay gabadhiisi oo ay dadkii janaasada raacay ka soo laabteen isagu muusan soo bixin, wuxuna joogay qabriga ilaa uu go’aansaday inuu gabadhiisa ka soo saaro qabriga.
Wuxuu u yeeray rag ku kaalmeeya soo bixinta gabadhiisi dhimatay, wuxuuna ku soo qaatay boorso, isagoo keenay gurigiisii, muddo kadib dadkii dariska oo arrintan maqlay baa odaygii la yaabay oowaaniyay.
Wuxuu go’aansaday inuu inanta celiyo, laakiin wuxuu waayay boorsadii oo dhan, meel kasta wuu ka raadiyay laakiin muusan helin, wuuna ka quustay ilaa uu go’aansado inuu ku laabto qabriga isagoo u maleeyay inay kaga soo dhacday qabriga uusanguriga keenin.Wuu laabtay wuxuuna qoday qabrigii, wuu ka waayay wax allah iyo wax ku jira, wuu yaabay, wax yar kadib haduu eegay qabrigii, waxaa ku jira wajigeedi, labadeedi jilbood, labadeedi lugood, iyo gacmaheedi oo guban.Isagoo naxsan buu qabrigii ka soo baxay wuxuuna aaday gurigiisii, wuxuuna daalkii haayay iyo naxdintii kula dul dhacay sariirtiisii, isagoo ku riyooday arrin cajiib ah oo ku cibra qaadasho mudan.
Ninkii wuu riyooday wuxuuna hurdada ku arkay gabadhiisii oo weydiiyay "Xagaad joogtay markaan qabriga galay waan kaasoo waayay, maxayse tahay gubnida jidhkaaga" waxay ugu jawaabtay…"Markii aad qabriga imaaneysay waxaa malaa’igtu ii qaaday jahannamo si’ ay iigu soo ciqaabto, sidaas ayaana leygu sameeyaa xilli kasta oo la gaaro waqtiga Salaadda…"Wuxuu weydiiyay "Maxay tahay Sababta laguugu qaado Naarta..?..
" Waxay ugu jawaabtay.."Waxaan waqtigeeda ka dib dhigi jiray Salaadda, mana tukanjirin waqtigeeda.."Ilaahow Salaadda noo fududee oo naga Aqbal
Abdulahi Abdikariin Takar
No comments:
Post a Comment