Shaqada ma waxa aad ku tagtaa cagojiid iyo niyad jab, mise farxad iyo xiise. Hadii aad mida hore ku tagto, fadlan shaqadaa iska jooji oo bilow mid aad xiise u hayso waayo? faa’iido kama gaadhaysid waligaa wax aanad xiise u hayn. Markaa waqtigaagu waa noloshaada ee u hur wax faa’iido leh.
Halkan waxa aan idiinku hayaa nin is beddel ku sameeyey noloshiisa oo horumariyay naftiisa. Wuxuu ka tagay xirfada dhakhtarnimo oo uu bartay wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca qalinka iyo qoraalka. Wali ma maqashay Zane Grey? Si aan caadi ahayn ayuu caan u noqday horraantii qarnigii labaatanaad. Markii u horaysay wuxuu shaqadiisa ka bilaabay dhakhtarka ilkaha, Lakiin wax niyad ah umuu hayn oo wuu iska nacay.
Jaamacada Pennsylvania (University of Pennsylvania) kulliyada dhakhtarka ilkaha ayuu wax ka bartay oo ka qalin jabiyay 1896 kii. Markuu dhameeyay jaamacada shaqadiisii dhakhtarnimo ayuu ka bilaabay Newyork.
Hilaadihii 1900 kii waxay kulmeen gabadh 17 jir ahayd oo la odhan jiray Lina Roth oo ku caan ahayd magaca Dolly. Dolly qoys saynisyahanno ah ayay ka soo jeeday, waxayna wax ka diyaarin jirtay tobobarka macalinimada si ay u noqoto macalimad ugu danbayntiina way noqotay. Shan sanno kadib Grey iyo Dolly way is guursadeen, Dolly halkaa waxa ay ku joojisay shaqadii macalinimada.
Kaddibna waxa ay u guureen Attadena, California halkaas oo uu kaga hadhay shaqadiisii dhakhtarnimo kuna bilaabay xiisihii uu u hayay qoraalka. Qoraaladiisii u horeeyayna xiligaas ayuu qoray. Marka uu qoro qoraaladiisa, xaaskiisa Dolly ayaa akhriyi jirtay kadibna tifaftir ku samayn jirtay. Qoraalkiisii u horeeyay waxa uu ahaa ‘A day on the Delaware’ sheeko aad u xiiso badan ayay ahayd oo uu kaga waramayo noloshiisii kalluumaysiga ee isaga iyo walaalihii.
Grey sheekada The Virginian ayuu akhriyay ee uu qoray sheeko curiyaha reer galbeed ee Owen Wister. Markuu dersay sheekadan ee uu si faahfaahsan habqoraalkeeda iyo farshaxankeeda u fahmay ayuu go’aansaday inuu isna qoro buug lakiin nasiib xumo umay suurto galin. Inta baddan buugtiisii u horraysay ee uu qoray waa lagu soo celin jiray, buugta la diiday in loo daabaco waxa ka mid ahaa buugii uu u bixiyay ‘Betty Zane’, sidoo kale waxa loo diiday in loo daabaco buugiisii Harper & brothers.
Buug kale ayuu qoray oo uu u bixiyay Ripley Hitch Cock isna waa lagu qaadacay oo la diiday in loo daabaco waana lagu soo celiyay. wali muu niyad jabin se wuxuu isku dayay siduu uuga rumayn lahaa hamigiisa qoraanimo hadalkan yar ayuu ku qoray meel " ma garanayo wadada aan u leexanayo, ma go’aansan karo waxa an qorayo marka xiga, waan ku daalay waxay doonayaan tifaftirayaashu, aniga waxa iga buuxa sheekooyin lakiin wali maan qabatimin runta, cabsidayda iyo dareenkayga noloshu waa been". Grey wuxuu go’aansaday inuu buugaagta dib u dhigto maqaallo ayaanuuna qoray kuwaas oo lagu daabacay joornaalada, taasi niyaddiisa waxa ay galisay xoogaa deganaanshiyo ah. Wuu sii waday isku daygiisa ilaa uu qabatimay qoraalkii wuxuuna ku guulaystay buug sheeko ah (Novel) waana loo daabacay.
Curashadii ilmihiisa koobaad wuxuu dhammaystiray buugiisii labaad ee sheeko ah oo uu u bixiyay The heritage of the desert, aad ayaana buugaa loo iibsaday wuxuuna noqday buugaagta loogu iibsiga badan yahay. Labba sanno kadib wuxuu soo saaray buugiisii caanka ahaa ee la odhana jiray Riders of the purple sage kaas oo noqday buug tuu qoray ka loogu iibsiga badan yahay.
Grey wuxuu noqday mid ka mida qoraayada milyaneerada ah isagoo soo jiitay indhaha akhristayaasha ku kala nool daafaha dunida. Wuxuu qoray in ka badan 90 buug yada oo sheekooyinkiisa qaar loo beddelay filimaan. Kaalimaha hore ayuuna ka galay 10 ka qoraa ee milnayeerada ah.
Grey waxyaabo baddan ayaa lagu xasuustaa taas oo loogu magac daray isaga. Waddanka Pennsylvania waxa loogu magacdaray matxafka ku yaal waddankaasi. Gurigiisii ku yaalay Altadena waxaa loo qaatay inuu ka midyahay goobaha qaran ee taariikhigaa (National Register of Historic Places), sidoo kale waddo ka mida Altadena waxaa loo bixiyay magiciisa. Los Angeles, California waxa loo bixiyay dugsi ku yaala magaciisa.
Buugaagta uu qoray wax ka mida kuwan
The last trial
The young lion hunter
Riders of the purple sage
Desert gold
The heritage of the desert
The day of the beast
Tales of fishes
guntii iyo gunnanadkii inagu ka qaadan mayo diintiisa lakiin maxaynu sheekadiisa ka dheefaynaa? Runtii sidaynu ogsoonahayna soomaalideena waxa ka buuxa baqdin. Baqdintaas oo ka hor istaagaysa guul kasta oo ay is yidhaah daan qabta sida shaqo, waxbarasho, ganacsi iyo waxyaabo kaleba markaa ninkani waxaynu kaga dayanaynaa sida geesinimada leh ee uu shaqadiisii dhakhtarnimada iskaga daayay una fuliyay waxay naftiisu xiisaynaysay. Waa hubaal haddii aad fuliso waxa aad xiisaynayso inaad horumar la arki karo ka gaadho, waana midhka aynu ka qaadanayno Grey. Iminka ku dhaqaaq fulinta wixii ay naftaadu xiisaynayso
W/Q: Cabdiraxmaan maxamed yuusuf (dhuux)
Email: cbdiraxman1@gmail.com
No comments:
Post a Comment