SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dabeecadda wanaagsani waa guusha Madaxnimada.

Madaxweyne Lydon B. Johnson oo ahaa madaxweynihii 2aad ee muuqaalka jidhka ugu dheeraa Madaxweynayaasha soo mara taariikhda dalka Maraykanka, waxaannu dheerarkiisu ahaa 192 cm (6ft ½ in). Madaxweynaha ugu dheeraa Maraykanku wuxuu ahaa Abraham Lincol oo 6 ft 3 ¾ in (192.4 cm) ahaa.

Madaxweyne Johson waxa uu yaqaanay dherarkiisa, waxaannu inta badan ugu faani jiray, uguna hanjabi jiray siyaasiyiinta ka soo horjeeda amma la xulafada ah, qof kastoo uu soo ag istaagana wuu shiikhin jiray, taasina waxay siin jirtay kalsooni dheeraad ah, iyadoo taasi u saamixi jirtay inuu ka guulaysto dadka mucaaridkiisa ah.

Madaxweyne Johnson waxa uu caan ku ahaa oo hibo Alle ugu deeqay ahayd inuu si toos ah u ogaado xaqiiqo kasta oo qofka uu la joogo ku saabsan, tusaale ahaan sida uu qofkaas siyaasad ahaan dareemayo, waxaannu awood u lahaa inuu qof kasta ku qanciyo waxa uu doonayo inuu sameeyo. Waxa ay arrimahan keeneen muddadii uu Madaxweynaha ahaa marka mucaaridku ka soo horjeestaan aragtiyihiisa siyaasiga ah inuu daqiiqado yar ku qanciyo in ay la qaataan fikirkiisa, isagoo marka hore ogaan jiray aqoonta ay siyaasadda u leeyihiin, firkadahooda iyo habka ay u dhaqmaan intaba.

Nin la odhan jiray John F. Kennedy oo ahaa madaxweyne soo maray taariikhda Maraykanka, waxa aad loogu eedeeya inuu ahaa nin tumasho badnaa oo aad u jeclaa dumarka, maadaama uu ahaa nin soo jiidasho badan, waxaannu aad ugu caan ahaa inuu saamayn ku yeesho dadka dunida ugu saamaynta fiican.

Tusaale ahaan, Madaxweyne Kennedy waxa xogo badan iyo daraasado lagu sameeyey sheegeen inuu aad u yaqaanay cilmiga salaanta gacan-qaadka ah (The art of Shaking hands), taasina ay keeni jirtay inuu xidhiidh fiican oo dhaw la yeesho qof kastoo uu gacan qaado.

Waxa uu caan ku ahaa inuu dadka u gacan qaado hab qurux iyo diiranaan kalgacal ka muuqdo leh, gaar ahaan waqtiyada uu la kulmo dadka uu doonayo inuu soo jiito. Waxa ay ugu yeedheen inuu lahaa gacan cajiib ah ama salaan gacan-qaad ah oo sixir ah.

Sidoo kale, Madaxweyne John F. Kennedy marka uu dadka la hadlayo waxa uu awood u lahaa in shacabka uu u khudbadaynayo sacabkoodu kala joogsan waayo, isaguna uu dhoola caddayn ku qaabilo inta badan. Xilliyada warraysiyadana waxa uu awood u lahaa in aanu wax cadho ah muujin, taasina waxay keentay inuu qof kasta ku qanciyo, kuna saameeyo habka uu u fikirayo, xataa haddii aanay dadku ogolayn inta uu la joogo waxa ay ka mid ahaayeen dadka u sacabiya oo aad moodayso inuu sixray.

Madaxweynihii la odhan jiray Teddy Roosevelt waxa uu ka mid ahaa madaxweyneyaasha Maraykanka soo maray ee ugu cajiibsan, dadka ka ag dhawaa waxa ay la yaabi jireen caadooyin u gaar ah oo uu lahaa, kana mid ahaayeen akhriska degdega ah oo dad tiro yar oo adduunka mid ah ku caano-maaleen amma maskaxdoodu qaadi karto in ay shay degdeg u akhriyaan, kadibna ay fahmaan dhammaan waxa ku qoran.

Qiyaas ahaan Madaxweyne Rooselvelt, waxa la sheegay inuu akhriyey buggaag kala duwan oo tiradoodu dhan tahay 10,000 (toban kun) oo buug oo qaar badan oo ka mid ah luuqado ajnebi xaggiisa ka ah ku qornaayeen, sababtoo ah waxa dadka taariikhdiisa qoraa tilmaamaan inuu aad u jeclaa inuu naftiisa loolan adag la galo, barana habka go’aannada loo qaato, dhaqannada kalana loo fahmo.

Waxa uu bartay habka amma awoodda akhriska degdega ah, taasina waxa ay u keentay inuu wax yar ku akhriyo buug dhan, kadibna 90% macluumaadka uu xambaarssana fahmo. Waxa ay ahayd hibbada uu lahaa inuu buug amma magaasin dhan ku akhriyo daqiiqado amma saacado yar oo kooban, iyadoo qofka uu uga sheekeeya moodi jiray inuu sannado badan akhriyayey sida uu ugu soo koobayo xogta ku jirtaa buugga.

Dadka aadka ugu dhuun daloolay ee wax ka qoray waxa ay xusaan inuu maalin kasta hal buug akhriyi jiray ka hor inta aanu quraacdiisa dhammayn, iyadoo qofka caadiga ah ay ku qaadato buugga uu sida khaaska ah u jecel yahay inuu bilo ku akhriyo amma bil badhkeed.

Waxa kaloo qormadan Maankaab u xushay inuu ku soo qaato mucjisooyinka u gaarka ahaa madaxweyneyaashii soo maray dalka Maraykanka, ku eegi doonaa madaxweynihii la odhan jiray Calvin Coolidge soo maray xukunka dalka Maraykanka, waxaannu nasiib u lahaa ku guulaysashada doorashooyinka, intii uu doorasho ku jiray abidkii waxa uu guul darraystay hal mar oo qudha.

Waxa uu u tartamay amma codsaday inuu ka mid noqdo xubin degaanka Northampton ah oo ka tirsan Golaha degaanka Magaalada Massachusetts ee dalka Maraykanka markay taariikhdu ahayd 1898-kii, waannu ku guulaystay. Sannad kadib ayaa mar kale dib loo doortay, balse waxa uu dalbaday inuu noqdo Garyaqaanka Guud ee Magaaladaas, waxa uu uga sii gudbay inuu noqdo Xubin Sharci-dejinta amma Baarlamaanka Magaaladaas, waannu ku guulaystay, halka uu aakhirkii noqday Maayir, Badhasaab, Madaxweyne-ku-xigeen, taasina ay u sii gudbisay inuu noqdo Madaxweyne Maraykanka oo dhan ka taliya.

Guushaas uu mar kasta gaadhayey waxa ay u keentay inuu markii uu Madaxweynaha noqday Coolidge uu ku guulaystay gobol kasta oo cod ka soo baxay, marka laga reebo gobol degaanka uu ka soo jeeday ninkii la tartamayey. Waqtigii labaad ee uu isu soo sharraxay Madaxweynnimada si karaamo ku jirto ayuu xilka uga degay, isagoo ku dooday in ay aad ugu badan tahay inuu 10 sannadood xukuumadda Washington sii maamulo, inkastoo dadka siyaasadda fallanqeeya ku doodeen inuu guulaysan lahaa haddii uu tartanka geli lahaa.

Haddaba, marka kaliya uu guul darraystay amma dhinaca siyaasadda ku guul-darraystay waxay ahayd markii uu ololaystay inuu ka mid noqdo xubin ka mid ah guddi maamusha dugsi waxbarasho oo ku yaal degaan Maraykanka ah, iyadoo sababta uu u guul-daraystay lala xidhiidhiyey in aannu lahayn carruur u tagta dugsiyada ama aannu noqon aabo wax ubad ah dhalay.

Madaxweyne James Garfield oo ka mid ah madaxweynayaasha Maraykanka soo maray ee shirqoolka lagu dilay, muqaal ahaanna lagu sheego inuu ahaa nin indho fool xun lahaa oo aad u dabeecad adkag, balse waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa raggii ugu cajiibsanaa maskax ahaan ee ka taliya dalka Maraykanka. Maskax ahaan wuxuu ahaa mid aad u maskax badan, waxaannu naftiisa bari jiray aqoon aan dadka kale intooda badan awood u lahayn barashadeeda.

Qayb noloshiisa ka mid ah waxa uu ku soo qaatay macallin jaamacadeed oo wuxuu ardayda bari jiray suugaanta iyo luqadaha qalaad.

Waxa uu caado u lahaa inuu gacanta midig ku qoro luqad ka mid ah latiinka, ta bidixna luuqad kale, isagoo waxa uu qoraya isku mid yihiin, taasina waxay ahayd waxyaabaha cajiibka ah ee uu hibada u lahaa.

Madaxweyne Lincoln oo ka mid ah madaxweynayaasha Maraykanka soo maray kuga loogu jecel yahay, ayaa waxyaabaha mucjisada leh ee dadkiisu ku xasuustaan waxa ka mid ahaa inuu si deg deg ah ugu khudbadayn jiray oo khudbad saacado qaadan lahayd muddo yar ku dhammayn jiray. Tusaale ahaan; khudbad uu waqtigii uu Madaxweyna ahaa jeediyey oo ka koobnayd 13,000 kelmadood ayuu ku dhammaystiray laba daqiiqo oo kaliya, taasoo waliba ka mid noqotay khudbadaha ugu qaalisan kuwa la bixiyey. Khudbaddan oo la yidhaa Gettysburg Address.

Khubarada khudbadda diyaarinayey waxay diyaarinteedu ku qaadatay maalmo, halka madaxweynayaal badan oo adduunka ahna in ay khudbada intaas le’eg dhammeeyaan ku qaadatay saacado, waana hibo gaar ah oo uu lahaa ka gaadhsiinta hadalka iyadoo waliba dadku si fiican u fahmeen.

Taariikhda Maraykanka waxa soo martay mar dalka gebi ahaan hay’adihiisa kala duwan dayman ragaadiyeen oo uu galay mushkilad dhaqaale. Waxa arrintaas ka saaray oo loogu mahadnaqaa Andrew oo ka mid ahaa Madaxweynayaasha Maraykanka soo maray dhaqaalaha kor u soo qaaday. Waxa uu aad u necbaa in dadku dayn ku yeeshaan dawladda.

Markii uu Madaxweyne Jackson xafiiska la wareegay sannadkii 1829-kii, waxa uu ballanqaaday inuu bixinayo 58 milyan oo dayn ah oo dalkiisa lagu lahaa, taasoo waqtigan u dhiganta 800 milyan oo dayn ah oo uu bixin lahaa. Nasiib wanaag lix sanno kadib waxa Maraykanku noqday dal ka madhan dayn lagu leeyahay, taas macnaheeduna waa in Jackson bixiyey dayn kasta oo lagu lahaa, isagoo si cajiib ah u qorsheeyey arrintaas.

Waxa aragtiyadaha uu aaminsanaa ka mid ahaa in aan qaranka lagu wadin amma hawlihiisa lagu dhaqaajin lacag qof leeyahay, shillinna ha noqotee oo dakhli hay’adaha kala duwan ee qaranku leeyihiin lagu shaqeeyo.

Marka ay noqoto maskax wanaag iyo fahan dheeri, waxa kaalmaha ugu horreeya ka geli jiray madaxweynihii la odhan jiray Thomas Jefferson, kaasoo arrintaas kaga horreeyey, kagana sareeyeey madaxweyneyaashii Maraykanka, waxaannu khabiir ku ahaa maado kastoo laga warayso.

Madaxweyne Kennedy ayaa qol ay ka buuxaan dad abaalmarinta Nobel Prize haysta ka dhex yidhi, "Waxaan u malaynayaa in isku duubni maskaxda, mawhibo aqooneedka la isugu keenay Aqalka Cad ay isugu timi Madaxweyne Thomas Jefferson."

Waxyaabaha cajiibka ah ee maskaxdiisa lagaga yaabo waxa ka mid ah inuu waqti kaliya akhriyi jiray shan buug oo kala duwan, waxa uu ahaa qoraa, talo ka bixin siiyey qorayaal buuggaag aad u qiimo badan qoray. Waxa aad mooday in mawhibo uu u lahaa qoraalka iyo akhriska labadaba.

Madaxweyne George W. Bush waxa uu ahaa madaxweynihii 43aad ee soo maray xukunka dalka Maraykanka, kaasoo xilka hayey sannadihii 2001 ilaa 2009, waxaanna inta badan shacabka Maraykanku u haysteen inuu ahaa nin maskaxdiisu maqan tahay, sababtoo ah waxa ay soo joogeen dhacdooyin badan oo uu ku kacay, sida inuu marar isku dayey inuu iskaga tago shir-jaraa’id oo uu ka baxo albaab qufulan. Qof kastoo arkaa waxa uu u haystay in aanu aqoon ahaan fiicnayn, maadaama uu ku hadli jiray lahjad adag oo koonfurta Maraykanka lagaga hadlo dad badan ma ay fahmi jirin.

Haddaba, suxufiyiinta waraysiga ka qaaday iyo dadka sida dhaw ula sheekaystay waxa ay ka yaabeen maskaxda ku jirta oo ah mid aad u cajiib badan, iyagoo ku sheegay inuu xaataa maskax ahaan aad u heer sarreeyo.

Intii uu xilka hayey wuxuu sameeyey waxyaabo badan oo muujiyey inuu yahay in aad u fahan dhaw, inta badana waxa uu ahaa dadka aad u degdegga badan, aadna ugu dhaqsada go’aannada siyaasadda, waayo waxa uu hore u sii akhriyey go’aannadaas amma sharciyadda siyaasadda ee loo keeno, sidaa darteedna ma uu jeclayn in waqtigu kaga lumo.

Marka la-taliyayaashiisu damcaan in ay kala taliyaan siyaasasdaha uu doonayo inuu soo rogo waxa ay la yaabi jireen sida uu u xafidsanaa, una fahamsanaa, inta badanna wuxuu ku amri jiray in ay u sheegaan qodobadda ugu muhiimsan.

Waxa kaloo uu aad ugu fiicnaa in dadka uu la kulmayo taariikhdooda sii akhrisan jiray oo uu xog badan ka hayey si u fahmi karo halka qofku ka jilicsan yahay ee uu ka soo mari karo.

W/Q: Ibraahim Khadar

No comments:

Post a Comment